Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Gudoomiyaha cusub ee barlamanka Madoobe Nuunoow mohamed oo caawa qudbadiisii ugu horey

Wararka MaantaHS:- Gudoomiyaha barlamankakumeel gaarka Mudane Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa caawa waraysiga ugu horeeyay siiyey mid ka mid ah idaacadaha maxaligha ah ee ka howl gala Magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay waxyaabo badan oo quseeya dalka Somaliya iyo howlaha adag ee hor yaala barlamaanka.

Madoobe Nuunoow Max’ed, oo noqonaya sharciyan mid ka mid ah 3da masuul ee ugu sareysa dalka ahna gudoomiyahii bedelay si waliba aqlabiyad ah gudoomiyahii hore ee xilkiisa gudan waayey Shariif Hasan Shiikh Aden ayaa waxaa uu sheegay in qorshahiisu uu yahay in ugu horeyn Umada Somaliyeed laga saaro jawhareerka ay ku jirto islamarkaana baarlamaanka sharciga u noqdo, waxaana uu tilmaamay inay doonayaan in is badalo badan oo dhinaca barlamaanka ay imaan doonaan.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu balan qaaday in uu wax badan ka bedeli doono qaabkii uu u shaqeyn jiray baarlamaanka islamarkaana Xildhibaanada ay dhex galayaan shacabka iyo deegaanada ay kasoo kala jeedaan si ay isula jaan qaadaan bulshada ay metelaan, wuxuuna tilmaamay in wax waliba lagu hogaamin doono sharciga barlamaanka u degsan isagoo xusay in si deg deg ah Wufuud ugu kala diri doonaan barlamaanada Africa iyo beesha caalamka.

“Shariif Xasan Sheekh Aadan anagaa dooranay, waliba si kalsooni leh ayaan ku dooranay, waxaan marka hore ka codsanayaa, in isna waqtigiisa uu ajiibo, waayo barlamanka ayaa doortay, hadana mudanayaashiidoortay ayaa xilkii ka qaaday, marka sidaasi daraadeed waxaan filayaa in isaga waqtigiisa uu ogalaan doono in uu ka mid ahaan doono xubnihii kale ee barlamanka, waxaan filayaa in taageero buuxda uu siin doono wixii maanta dhacay” ayuuna hadalkiisa raaciyey Afhayeenka cusub ee baarlamaanka.

Ugu dambeyn gudoomiyaha barlamanka ayaa waxaa uu u balan qaaday shacabka Soomaaliyeed in barlamanka kumeel gaarka uu ku hogaamin doono sharciga islamarkaana ay dhici doonin cid loo kala eexda, wuxuuna carabka ku dhuftay in sidoo kale ay la shaqeyn doonaan guud ahaan Hay’adaha dowladda si dhibaatada looga saaro Umadda Soomaaliyeed.

Madoobe Nuunoow Mohamed waa qabiir mudo ku soo dhax jiray siyaasada, waxuu ahaa wasiirkii dastuurka iyo arimaha federalka waa shaqsi siweyn ay ugu kalsoon yahiin mudanayaasha waxaana lagu sheegaa inuu yahay shaqsi dalkiisa jecel oo wadani ah wax badana ka bedlidoona qaabka uu u shaqeeyo baarlamanka. Madoobe Nuunoow waxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku dhabar adeygay inuu siyaasada ku sii jiro gudoomiyahii hore ee baarlamaanka laakinse markii uu arkey inuu dalka dhinac qaldan u jiheeyey ayuu ka doorbiday inuu ka haro siyaasadiisa. waa shaqsi taageero badan ka heysta qowmiyada Digil iyo Mirfle.

Ka dib markii lagu dhawaaqay gudoomiyaha cusub waxaa caawa xarunta Villada ka taagan walwal iyo cabsi soo food saartay xukumada r/wasaare Gaas oo iyadu u aragta in hada waxii ka danbeeya lala xisaabtami doono halkii ay markii hore dhaqaalaha loogu talo galay in lagu hormariyo amaba loo isticmaalo dhinaca horumarka sida nabadgalyada, caafimaadka, dowlad wanaaga, waxbarashada, dhismaha jidadka lagu kala qeybsan jiray Villada gudaheeda.

Marka laga soo tago waresiga gaaban ee uu caawa bixiyey gudoomiyaha hadane telefishinada caalamka isbedelka ka dhacay baarlamanka siweyn ayaa looga hadal hayaa.Dadka fara ku tiriska ah ee si fiican u yaqaana dhaqanada labada Shariif ayaa sheegaya iney dhici karto iney qaarajiyaan gudoomiyaha cusub hadaan la sugin nabadgaladiisa.

dhawr isbuuc ka hor ma jirin muwaadin Soomaaliyeed oo aaminsanaa in Shariif Hasan xilkiisa ay ka qaadi karaan mudanayaasha baarlamaanka maadaama ay ogaayeen sidii uu u bahdili jiray 8dii sano ee u kursigan ku fadhiyey siiba jiilka ku soo bar baaray dagaalada sokeeye, walow hada ay ku socoto baaritaan iyo dabagal ay ku hayaan gudiga baarlamaanka u qaabilsan dhinaca maaliyada iyadoo uu horey ugu faanay Shariif Hasan inuu doorashada soo socota u heysto dhaqaalo lagu qiyaasay 22 Million oo lacag cadaan ah.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin @hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.50 seconds
14,613,905 unique visits