Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hsan Shiikh Aden oo laga joojiyey

Wararka MaantaHS:-Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan Shiikh Aden oo laga joojiyey mushaaraadkii ay Hay'dda UNDP u sii marsiin jirtay xildhibaanada.


Arintaan oo aysan xitaa walito maqlin taageerayaasha amaba xildhibaanada ku fikirka ah Shariif Hasan ayaa waxaa saiweyn uga carooday gudoomiyahii hore oo maanta xili hore ay warbixintaan soo gaartay.arintaan ayaa timid kadib markii sida muuqata beesha caalamka ay soo dhaweeyeen doorashadii gudoomiyaha cusub markii sida lagu soo waramayo sarakiil Amisom ah oo la socda dhaqdhaqaaqa mudanayaashii xilka ka qaaday gudoomiyahii hore ay shegeen ineysan aheyn mid la sahlan karo oo ay tirada xildhibaanada malinba maalinta ka danbeysa ay wajiyo hor leh ku soo biirayaan.

Warar laysku haleyn karo ayaa sheegaya in ciidamada dalka Yugandha madaxweynahooda amar ku siiyey saraakiisha ka joogta Mogdisho ineysan faraha la galin howlaha mudanayaasha siweyna ula socdaan amaanka mudanayaasha si markasta ay jiraan amaba u shaqeeyo baarlamanka.

Xafiiska QM ee UNPOS iyo wakiilkooda ayaa siweyn uga gaabsaday arimaha ka socda Mogdisho iyo isbedelada ay mudanayaashu ku doorteen gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Madoobe Nuunoow Mohamed.

Sidoo kale urur goboleedka IGAD ayaa iyaguna qirsan in dhibataada iyo isbedelka siyaasadeed ee markasta ka curta Mogdisho ay ugu wacaneyd gudoomiyahii hore ee baarlamanka iyo madaxweynaha oo sidey doonaan ka yeelayey mudanayasha sidaasi daraadeed ilaa hada kuma deg degin iney dhaleeceeyaan amaba xitaa xoojiyaan hadalkii diidmada ahaa ee madaxweyne Shariif kala hor yimid go,aankii baarlamaanku ay ku doorteen gudoomiyaha cusub.

Wararkii ugu danbeyey ee ka imaanaya caasimada dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dowladaha IGAD isku raaceen oo kaliya sidii Shabaab looga saari lahaa dalka ciidamo dheeri ahne loo keeni lahaa howlaha baarlamaankane u daayey baarlamanka hadii ay xumuda la xisaabtamayan iyo hadii ay gudoomiye cusub doorteenba.

Sikastaba madaxweyne Shariif dhawr maalmood ayuu madax ciida ka ceshan doona kadibna wuu ku qasbanaan doonaa inuu hor fadhiisto gudoomiyaha cusub hadii kale waxaa ku dhici doona waxii ku dhacay madaxweynahii dalka Liibiya Mucaamirul Qadaafi oo dalka maamulayeyy afartan sano ka badan, wax ka yar 3 daqiiqana naftiisa ku waayey markii ay shaarica magaaladii uu ku dhashay ee Sirta shacabku ku jiijiideen.markii la dilay Qadaafi ayaa la weydiiyey qabiir u dhashay dalka Mareykanka oo siweyn u yaqiinay madaxweynaha Liibiya oo la yiri bal inooga waran Qadaafi maxuu xukunka maadama uu hayey 42 sano u dhiibi waayey? waxuuna ninkii qabiirka ahaa ku jawaabay in uusan Qadaafi waligii arag qof maya amaba waa qaldan tahay yiraahda mudadaas 42 sano aheyd marka waxaani ruwaayad ayuu u arkey ilaa gacanta lagu soo dhigo.

Hada gudoomiyahii hore baarlamaanka Shariif Hasan 8dii sano ee uu ahaa afhayeenka baarlamaanka waligiii ma arkin xildhibaano yiraahda waad qaldan tahay amaba la xisaabtama marka wadadii Qadaafi ayuu ku socdaa. Shiikh Shariifna waa wiilkii Qadaafi uu dhalay ee lala dilay oo kale oo isaagana garan waayey hadii Aabahaa qaldamay adiga walito dhalinyaro ayaad tahaye ka har oo nolol ka raadso dalka dibadiisa amaba heshiis Qaado, waayo Shiikh Shariif wali waxaa ka dhadhacsan inuu madaxweyne ka dhigay ilaah ka sokow Shariif Hasan hadal kale kuma socdo.

Iskusoo duuboo walwal xoogan ayaa soo food saaray xukumada R/wasaare Gaas iyadoo ay macquul tahay in si deg deg ah loolaa xisaabtamo maadama beesha caalamka amaba wadamada daneeya arimaha Soomaaliya dhawr jeer oo hore lagula taliyey iney ilaaliyaan madax banaanida dalka Soomaaliya oo aysan faraha la galin howlaha baarlamaanka oo ah sharci dejiye maadama ay metelaan amaba ku hadlayaan si kumeel gaar ah codka shacabka.

Gudoomiyaha cusub ayaa looga fadhiyaa isbedelo la taanab karo iyo in dalka laga saaro xiliga kumeel gaarka oo ah waxa bulshada la haray maadaama aysan TFGda gali karin heshiisyo caalami ah oo ay xitaa kuwii ay sida hoose u saxiixeen socon waayeen waa lama huraan in dalka laga saaro nidaamka kumeel gaarka ayuu yiri aqoonyahan magaciisa ku soo gaabiyey Dr Hussen oo Mogdisho ku sugan.

Magaalada Mogdisho oo ah halka lagu doortay gudoomiyaha cusub waxaa ka socda banaan baxyo waaweyn oo lagu taagersan yahay Afhayenka baarlamanka Soomaaliya Madoobe Nuunoow Mohamed oo sida muuqata doorashadiisa laga soo dhaweeyey meelo badan oo dalka ka mid ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.01 seconds
14,667,536 unique visits