Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wararkii ugu danbeyey Hiiraan iyo safarkii R/wasaare Gaas.

Wararka MaantaHS:- Waftigii ka socday dowlada uuna hogaaminayey R/wasaaraha ayaa dib ugu laabtay magaalada Mogdisho kadib kulan ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan.

TFGda oo ay qorshaheedu aheyd iney maamul kumeel gaar ah u sameyso Hiiraan iyadoo xaqireyso guushii ay gaareen xoogaga Hiiraan ayaa ugu danbeyn wararka naga soo gaaray xarunta jamacada Hiiraan ay sheegayaan in waftiga lagu wargeliyey in bulshada Hiiraan ay markasta soo dhaweynayaan masuuliyiinta dowlada maadama ay Hiiraan ka mid tahay dalka Soomaaliya ayna degan yahiin bulsho Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay qaranimada iyo wada jirka Soomaaliweyn, laakisne ayaaha iyo mustaqbalka iyo maamul u sameynta Hiiraan taladeeda loo daayo reer Hiiraaan.



Waxaana lagu wadaa in dhawaantan la iclaamiyo shirweyne guud oo ay reer Hiiraan iskugu arkayaan si gooyni gooyni ah inta aan la gaarin shirkii ay mustaqbalkooda uga tashan lahayeen, iyadoo xaalada hada waxii ka danbeeya loo wajahayayo reer Hiiraanimo reerkasta laga doonayo inuu bulshada ka qabto dhalinyarada la haray taariikhdii wanaagsaneyd ee ay bulshada Hiiraan ku lahayeen dalka Soomaaliya si loo soo nooleeyo walaaltinimadii, wadanoolaanshahii, xididnimadii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeyn jirtay Soomaaliweyn meelkasta oo ay joogaan.

Magaalada Belet Weyne oo ah mid nabadgalyadeeda leysku haleyn karo waxaa hada qarka u saaran iney isa soo dhiibaan sarakiil ka tirsanaa Shabaab kana soo jeeda Hiiraan kadib markii ay hada dareemeen in xaalku u ka kedisan yahay sidii hore oo ay hada reer Hiiraan dal iyo dibad isku xiran yahiin.



TFGda oo aan wanaag iyo hanaan dowladnimo looga baran kuna shaqeeysa waxa ay websideyada qoraan ayaa laga yaabaa iney marka ay waftiga R/wasaaraha garaan Mogdisho go,aan iskood ah oo aysan reer Hiiraan ka wadatashan qataan maadama R/wasaare Gaas u arko Hiiraan oo maamul goboleed noqota ineysan dan u aheyn deegaanka Puntland marka isagu waxuu doonaya in Hiiraan loo sameeyo gudoomiye gobol iyadoo la garab marayo rabitaanka bulshada Hiiraan taasi oo umuuqata mid aan sahlaneyn.

Laakinse xaalku sidey Shiikh Shariif iyo R/wasaare Gaas amaba TFGda jeceshahay wey ka bedelan tahay xitaa dowlada ay ciidamadeeda ka joogaan Hiiraan ee Ethiopia waxey TFGda u sheegtay maadaama ay Hiiraan xad la leetahay dalkooda ineysan dagaalada sii wadeyn inta laga hirgalinayo rabitaanka bulshada Hiiraan taasi oo aad u yareysay rajadii ay maanta ka qabeen TFGdu iney maamul kumeel gaar ah ugu sameeyaan Hiiraan si fudud.

Inkasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno shirka jaraa'id ee uu R/wasaaraha ku qaban doono Mogdisho marka ay halkaasi gaaraan isaga iyo waftigiisa hadane ma muuqato in maamul aysan reer Hiiraan u dhameyn Hiiraan laga hirgaliyo inta ay taasi ka dhaceysana wiilasha hada magaalada gacanta ku haya ee 3da sano buuraha ugu jiray difaaca Hiiraan ayaa reer Hiiraan matala. waana laga baxay xiligii wiilka Puntland iyo midka Mogdisho jooga loo aqoonsanayey inuu yahay askari kan Hiiraan joogana magacyada aysan u qalmin loo bixin jiray iyagoo dhulkooda u dhimanaya.



Marka laga soo tago TFGda hadane dal iyo dibad waxaa ka socda kulamo ay si gooyni gooyni ah u yeelanayaan bulshada Hiiraan oo ay doonayaan iney aayahooda uga tashadaan iyaga sidey doonaan ilaahow mey xitaa isku raacaan aanu cararno, talada iyo aayaha Hiiraan waxey ka godaa reer Hiiraan sida ay Puntlandba iyadu maamul u sameysteen TFGduna u aqoonsatay.

Waxaa magaalada Belet Weyne ku wada sugan rag aan mudo wada hadlin oo kooxo kala duwan horey u sheegan jiray kuwaasi oo dhamaantood hada u soo jeestay danta iyo maslaxada bulshada Hiiraan kadib xiriiro badan oo dhinac kasta leh oo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee reer Hiiraanka ku nool dibada iyo kuwa gudaha.

Dhawaantan ayey aheyd markii ay xoogaga Hiiraan xabsiga dhigeen ganacsato badan oo reer Hiiraan ah oo uu ku jiray Xaaji Quuroow oo dhibaatadii uu Hiiraan ka geystay ay wali muuqato, kadibna daadaalo badan oo ay sameeyeen waxgarad, aqoonyahano iyo ganacsato reer Hiiraan ah waxaa lagu wargeliyey xoogaga Hiiraan in aan mar danbe loo baahneyn muwaadin reer Hiiraan ah oo xoriyada laga qaadayo arintana hada kadib laga eegi doono danta guud sidaasina Xaajiga iyo rag kale xoriyadooda u heleen.

Hiiraan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya ugu qanisan qeyraadkeeda waxuu ku filan yahay dhamaan dadka gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi si looga faa'ideystana waa in marka hore reer Hiiraan laga bilaabo nabada kadibna loo gudbo deegaanada Hiiraan deriska la ah sidaasina loo raadiyo xalkii guud ee Soomaaliweyn.isku soo duuboo TFGda fowdada ay bulshada Soomaaliyeed oo ay reer Hiiraan ugu horeyaan ku heyso mar dhaw waa laga baxayaa dalkuna waxuu yeelanayaa dowlad rasmi ah waana midaas mida ay reer Hiiraan si rasmi ah ula xisaabtami doonaan.

Xaqiiqadii fursado badan ayaa TFGda ugu furan iney hagaajiso xiriirka reer Hiiraan iyo iyaga ka dhaxeeya oo mugdi badan ka muuqday waayadii danbe taasi oo ay sabab u ahayeen dhinacooda maadama ay qabiilka iyo qaranka isku qasaan.waxaana u furan labo arimood midkood 1-Iney si indho la,aan ah maamulka hada gacanta ku haya magaalada si toos ah u aqoonsadaan reer Hiiraan iyagaa inta dhiman toos toosin doonee.2- Ineysan deg degin TFGdu ay talada u daayaan reer Hiiraan.Waxii intaasi dhafsiisan waxanu u aragnaa fowdadii iyo hagar daamadii waligeed lagu hayey reer Hiiraan.Waxkasta oo ay qaar reer Hiiraan ka mid ah dhistaan ma rabno sida Hiiraan State, Dooxada iyo Hiiraan and Midland in ay midkood taageeraane oo ay reer Hiiraan yeeshaan madaxweyne iyo dowlad goboleedna.........

Malaha waxey uheystaan in aysan reer Hiiraan maanta iska warqabin oo aysan habeenkii ku dhafrin shirar ay kaka tashanayaan mustaqbalkooda gaarka ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.30 seconds
14,612,377 unique visits