Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Xildhibaanada reer Hiiraan oo Mogdisho ku kulmay.

Wararka MaantaHS:-Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaliya oo ka soo jeeda Hiiraan Ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa amaba maamul adag loogu heli lahaa Hiiraan kadib marki ay magaalada dhawaantan la wareereegeen xoogaga reer Hiiraan oo kaashanaya ciidmao ka socda dowlada Ethiopia oo hada ku sii jeeda magaalada Jowhar oo ka tirsan Sh/dhexe.

Xildhibaannadan maanta kulanka ku yeeshay Hotelka Naasahablood 2 oo dhamaantood ka soo jeeda Hiiraan ayaa ka hadlay xoreeynta laga xoreeyey caasimada Hiiraan ee Bele Weyne oo dhawaantan looga itaal roonaadey kooxda Shabaab, iyagoona taageeray howlgalada ay ciidamadu ka wadaan qeybo badan oo ka tirsan gudaha Hiiraan iyadoo siweyn loo sugay amaanka guud ee magaalada Belet Weyne oo ay dhawr goobood oo waaweyn kaka sugan yahiin ciidamadii ka saaray Shabaab magaalada iyagoona halkaas ka wada dhaq dhaqaaq ciidan kii ugu weynaa oo ay ku xaqiijinayaan nabadgalyada magaalada halbowlaha u ah dalka Somaliya ee Belet Weyn iyo sidii loo taageeri lahaa howlgallada guud ahaan cadowga dalka lagaga xoreynayo oo hada ku baahay inta badan koofurta Somaliya.

Xildhibaan Ibraahim Xabeen Nuur oo ka mid ahaa Mudanayaashasi ayaa warbaahinta u sheegay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi oo ay ka mid ahaayeen xoojinta midniamda reer Hiiraan iyagoo mudanayaashu si diiran u soo dhaweeyay booqashadii uu R/wasaaraha Somaliya iyo wafdigiisu ay shalay ku tageen magaalada Belet Weyne kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo dhiiri gelin u ah shacabka reer Hiiraan iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka Hiiraan in ay isgarab taagaan howlgallada hada socda iyo kuwa jidka ku soo jira oo dalka lagaga xoreeynayo kooxda shabaab isla markaana ay gacan ka geystaan sugida amaanka Hiiraan iyo guud ahaan dalka oo dhan waxeyna ku booriyeen shacabka in ay ka hortagaan falkasta oo liddi ku ah nabadgalyada goobaha laga saaro kooxda Shabaab.

Xidhibaanadani ayaa aad usoo dhaweyey in reer Hiiraan iney ka tashadaan aayahooda loo madax banaaneeyo iney soo dedejineyso Soomaaliya oo ay nabad waarta ka dhalato.

Booqashadii R/wasaare C/weli uu shalay ku tagay magaalada Beled Weyne isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay kadib ayaa waxaa isa soo tarayay taageerada ay Booqashadaasi u muujinayaan qeybaha kala duwan ee shacabka iyo xildhibaannada Baarlamanka ee ka soo jeeda Hiiraan iyadoo lagu wado in si rasmi ah loo soo af jari doono mad madoowkii ku dhax jiray reer Hiiraan iyo TFGda.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiransatte.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,585,539 unique visits