Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 1
dixieym11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Xaalada guud ee ciidanka Shabaab ka jooga magalda Bulo Burde iiyo jalalaqsi.

Wararka MaantaHS:- Xaalada guud ee ciidanka Shabaab ka jooga magaalooyinka Bulo Burde iiyo Jalalaqsi.

Kooxda Shabaab oo si buuxda 90% ay gacabtooda ku jiray sanadkii tagay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan ayaa waxeey hada u muuqataa koox uu ilaah si sahlan uga dhigay tuxbax go'ay kadib markii ay bulshada Soomaaliyeed oo Muslim ah ku tilaameen iney yahiin Gaalo iyagoona uga sii darayey dil, dhac, garaacid iyo xubnaha jirkooda oo ay si micno daro ah u jari jireen dhalinyaradii musyaqbalka u noqon laheyd dalka Soomaaliya udub dhaxaadka.

Kadib dagaalo xoogan oo loogu magac daray kacdoonka Soomaaliya ee Shabaab iyo xuli fadooda oo la mid ahaa midka ka socda Carabaha ayaa waxaa gacantooda dagaal dhiig ku taatay uga baxay labo magaalo oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee ay ku dhaartaan bulshada Soomaaliyeed sida caasimadii dalka ee Mogdisho iyo magaalada ku taala State-ka qaniga ah ee Hiiraan ee Belet Weyne.

Hadaba xagee wax u marayaan kooxda Shabaab kuwooda ku sugan qeyb ka mid ah Hiiraan sida magaalooyinka Bulo Burde iyo Jalalaqsi.


Shabaabka Hiiraan ku sugan siiba kuwooda ka jooga Bulo Burde waxaa heysta culeysyo ay adag tahay sidey mar danbe meel ka mid ah Hiiraan uga howl galaan marka la eego xaqiiqada taala qeybaha ay Hiiraan kaka sugan yahiin. Tusaale magaalada Bulo Burde oo ay ciidamo beeleed ka joogaan kooxdu ,jiho aysan maleysaneyn ayaa ciidamo xoogan la geeyey oo dul jooga,waxeyna u muuqataa in si cilmiyeysan ay u kala go,an tahay Bulo Burde iyo Jowhar ka hor inta aan dagaal weyn dhinaca waqooyi ee magaalada laga qaadin. sidoo kale Shabaabka jooga Bulo Burde waxey talo farahooda ka baxday markii koox ay ku sugayeen magaalada ee ka imaan laheyd degmada Ceelbuur laga jaray jidad muhiim ah oo ay mari lahaayeen una dhaxeeya Degmada Maxaas iyo Bulo Burde oo sida lagu soo waramayo ay godad waaweyn ka qoteen ciidamo xogooda u badan dadka deegaanka oo ay wada shaqeyni ka dhaxeyso xoogaga Hiiraan, kuwaasi oo sida lagu soo waramayo iyagu aan meelna u socon xitaa Bulo Burde hadii la qabto meel meesha ay hada joogaan ka baxsan uma socdaan kaliya kacdoonka Hiiraan ka socda ayey qeyb ka yahiin ujeedadooduna waa iney degaankaas ka saaraan Shabaabka maraya amaba isticmaalaya jidkaas dheer iyagoo dhawr jeer waxii ay soo codsadeen loogu geeyey goobaha ay jidkaas kaka sugan yahiin.

Dhinacaas iyo degmada Jalalaqsi kama hor dhaceyno inta uu ka dhamaanayo shirar hoose oo hada socda ,hadaanse eegno dhinacaas iyo sidey wax u socdaan magaalada Belet Weyne iyo nawaaxigeeda.

Magaalada Belet Weyne marka laga hadlayo dhinaca nabadgalyada waa mid aad uga wanaagsan xitaa markii ay joogeen argagixisada dadkuna iyagaa nabadgalyada qeyb ka ah waxana duleedka magalada ilaa 70KM dhinackasta kaka sugan ciidamo lixaad leh oo xoogaga Hiiraan ka tirsan iyagoo garab ka helaya kuwa dowlada Ethiopia, halka magaalada gudaheeda ay ku sugan yahiin ciidamo si fiican bulshada u dhaxgalay oo iskugu jira kuwa labisan iyo kuwo aan labesneyn oo dhar cad ah howsha ugu badan ee dhinaca amniga waxaa qabta waa dhar cad iskugu jira rag iyo dumar taasi oo u suuro galin weysay iney kooxdii argagixisada aheyd gudaha magaalada ka geystaan wax fowdo ah.

Guud ahaan marka dhinackasta laga eego xaalada Hiiraan amaba Belet Weyne markaanu eegnay xogta rasmiga ah ee aynu ka heyno wey adag tahay xitaa hadii ay ciidamada Ehtiopia dalkooda dib ugu laabtan iney Shabaab Hiiraan ka arimiso mar kale hadii aan xaqiiqada qaarkeed leyska indho tireyn marka la eego baaxada uu la egyahay dadaalada socda ee dhinackasta leh iyo sida ay shacabku kalsoonidii ugula laabteen kooxda.

Safarkii ay Hiiraan ku tageen waftigii uu hogaaminayey R/wasaaraha Soomaaliya kadib xakeey wax marayaan?

Tan iyo markii ay tageen wafti balaaran oo uu hogaaminayey r/wasaaraha Soomaaliya magaalada Belet Weyne waxaa isku soo dhawaanayey dowlada iyo bulshada Hiiraan oo iyagu ay horey ugu dhaxeeysay mugdi fara badan iyo xiriir la,aan ,ha yeeshee safarkii R/wasaaraha iyo waftigiisa ku tageen ujeedadu ma aheyn iney taageeraan koox amaba maamul gooyni ah, laakisne waxey aheyn iney soo indho indheeyaan xaalada kadibna ay iyagu maamul hoos taga u sameeyaan kuna dhawaaqaan weyna u suuroobi weysay iney ku dhawaaqaan maamul aysan ka tashan reer Hiiraan sidaasi daraadeed waxey dib ugu laabteen Mogdisho maadama aysan Hiiraan ugu tagin wax maamul ah oo ay reer Hiiraan wada dhisteen dhalinyarada hada sheeganaya Dooxada Shabeelena aysan jirin cid dooratay oo loo abuuray fowdo waxuu xalku noqday in reer Hiiraan arimahooda gaar ah loo madax banaaneeyo kadibna waxii ay reer Hiiraan isla meel dhigaan lagu maamulo bulshada iyadoo wxkasta loo marayo wado wanaagsan.

Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Belet Weyne ee ay Dooxada Shabeelee ku dhaleeceynayaan TFGda wax badan ayaa ka qaldan dhalinyarada markaad dhinackasta ka eegto deg degta ka muuqata iyo xawaaraha ay ku socdaan marka la eego sidey 72 hrs gudahood wareysiyo is diidan u bixinayaan.

1- Dhawr maalmood ka hor waxey lahaayeen ma aqoonsanin wax TFG la yiraahdo iyadoo ay xildhibaano TFGda ka tirsan oo rer Hiiraan ah ay duurka kula jireen mudo xoogaga Hiiraan.
2- waxey si indho la'aan ah wax ka soo dhaweeyeen waftigii uu hogaaminayey R/wasaaraha Soomaaliya saacado kadibna markii ay halkaasi kula kulmeen xildhibaano,waxgarad iyo saraakiisha dowlada Ethiopia dib ugu laabtay Mogdisho oo iyagu markii ay suuroobi weysay xal deg deg ah oo ay gudoomiye gobol Hiiraan ugu magacaabi karaan arinta u daayey reer Hiiraan.

3- TFGda waxaa lagala dagaalayey waxey aheyd ineysan maamul ay iyadu gacanteeda ku dhisto kaka dhawaaqin Hiiraan mid gaar ahne taageerin inta ay reer Hiiraan ka sameysanayaan maamul loo dhan yahay, kadibna r/wasaaraha oo fulinaya talooyinkii uu kala yimid Hiiraan waxuu ku dhawaaqay in aysan Hiiraan hada ka jirin wax maamul ah oo ay dadku iyaga dhisteen amaba taageersan yahiin taasi oo ah mid runta ku qotontay laakinse waxuu u mahadceliyey xoogagii reer Hiiraan ee Shabaab ka xoreeyey magalda Belat Weyne.

4-Marka aad eegto wareysigii uu VOAda siiyey madaxa Dooxada waxuu ku soo cel celiyey uun kaliya inta aanu maalinkasta halkaan ku qori jirnay ee aheyd talada waa in loo daayaa reer Hiiraan marka waxaa isweydiin leh ma waxuu sugayey isagoo aysan dadku dooran maamulkiisa in reer Hiiraan iyo TFGdu si sahlan u taageeraan?

Marka aad dhinac kasta ka eegto talaabada ay TFGdu qaaday waxey aheyd mid ay ka muuqatay masuuliyad maadama ay dib ugu laabteen go,aankoodii ahaa iney maamul u sameeyaan Hiiraan amaba aysan aqoonsan wax aysan u dhameyn reer Hiiraan marka Dooxada wey dadaaleen yeysan dadaalkooda iskaka ciyaarin ee ha kasbadeen shacabka Hiiraan oo ay ugu horeeyaan Ugaasyada, Wabarada, Aqoonyahanada, Dumarka, nabadoonada reer Hiiraan waxii siyaasaad ah oo ay hayaane shirweynaha ay mustaqbalka iskugu imaandoonaan reer Hiiraan intey yimaadaan fikirkooda iyo siyaasadooda halkaas ha ka gadaano maadaama uu ogyahay madaxa Dooxada isaga xitaa inuusan magacaan ka shaqeysneyn Hiiraan sikasta oo uu qarar dhaadheer iskaka tuuro waa talada ay qabaan inta badan reer Hiiraan.

Waxaa isweydiin leh madaxa Dooxada ma waxuu sugayey iney TFGdu aqoonsato hada mise markii isaga Hiiraan loo soo diray ee la yiri ku dhawaaq maamul lidi ku ah Hiiraan State? ma oga miyaa mudadii howshiisa ay ugu talo galeen ragii soo diray iney dhamaatay oo maamulkii isaga lagu qarcaladeeyey ee Hiiraan State masuuliyiintooda ay isku diyaarinayaan shirweynaha ay mustaqbalka iskugu imaan doonaan reer Hiiraan iyadoo uu go,aankoodu yahay tanaasul iyo iney xoojiyaan midnimada iyo wada jirka reer Hiiraan iyo Soomaaliweyn oo ah mid muqadas ah.

Shacabka Hiiraan maanta uma baahna siyaasad xumo hor leh xitaa hadaanu bulshada Soomaaliyeed u soo ban dhigno magacyada dadka maanta isku soo baxay ee dhaleeceynayey TFGda iskaba daa reer Hiiraanka kalee waxaan u dhameyn qabiilka uu ka soo jeedo madaxa Dooxada Shabeelle. marka dantu waxey ku jirtaa in arinta laga abaaro wadatashi, ismaqal, wadashaqeyn iyo ugu danbeyn maamul adag oo ay reer Hiiraan yeeshaan taladoodana ku yimaada.

Banaanbaxa maanta ay abaabuleen Dooxada waxuu la mid yahay shirarkii qur qurxanaa ee ay Hiiraan State ku qaban jirtay qurbaha iyadoon Hiiraan tagin,amaba midkii ay qaban jireen Hiiraan and Midland oo iyaguba ah reer Hiiraan waayo marka laga reebo Hiiraan State oo waxoogaa hanaan ah loo maray intooda kale wey is magacabeen.

Waa lama huraan in bulshada loo tanaasulo oo arimaha loo wajaho reer Hiiraanimo lagana daayo bulshada 21 sano ee ugu danbeysay magacyadan faraha badan ee intooda badan aan ku imaan rasbitaanka iyo talada waxgaradka Hiiraan. wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Dr Cabdullaahi Godax bare ayaa isagu hada waxkasta ku wada wadatashi isagoona dalka Kenya mudada u joogo kula kulmi doona waxgarad reer Hiiraan ah isagoona horey u dhageystay taaladii ay u soo jeediyeen waxgarad ku sugan magaaalda Mogdisho. waxaana lagu amaanay sida uu ug udhega nugul yahay iskuday gasta marka la yiraahdo ka joog sida uu tanasul deg deg ah u qaadanayo waana waxa ay maanta reer Hiiraan u baahan yahiin sida ismaqal iyo wadatashi.

Madaxa Dooxadane ha ogaado marka uu doonayo inuu shaqsiyaad aan reer Hiiraan aheyn sida r/wasaaraha iyo madaxweynaha inuu siyaasad kula qabaaqtamo waa iney garbahiisa fadhiyaan marka hore raga isaga siyaasada kaka soo horjeeda amaba uu shaleyto ka hor istaagay iyagoo doonayo iney wax qabtaan hana ogaado Puntland iyo maamulkeeda waxaa wax ka sheegi kara nin dadkiisa wata oo ku socda talo ay u dhan yahiin reer Hiiraan, hadii kale anaa taabsaday, kuqabso ku qadimeyside iyo waxaan horumar lagu gaareyn caruurta Hiiraan mustaqbalkooda ha looga lumiyo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net





Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,879 unique visits