Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 1
leslieea11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Awoodii Shabaabka Hiiraan, J/hoose iyo Gedo oo wiiqantay

Wararka MaantaHS:- Awoodii Shabaabka Hiiraan, J/hoose iyo Gedo oo wiiqantay kadib markii ay waayeen taageeradii ay ka heli jireen qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed

Hadaan ku hormarno dhinacaas iyo Hiiraan.

Shabaabka Hiiraan markii laga saaray magaalada Belet Weyne oo ay maalintii ka heli jireen canshuur lagu qiyaasay 30 Kun oo dolar waxey noqdeen kuwo ay taladii iyo isku xirkii ka luntay kooxduna saraakiishoodii ku sugneyd Hiiraan midkasta waxuu horey u sii qaatay waxiiba uu heli karo iyagoona dumarkii iyo caruurtii ula baxay magaalada agagaarkeeda maadaama ay islahaayeen lama jecla ciidamada xoogaga Hiiraan iyo kuwa Ethiopia oo marka ay soo galaan shacabka ayaa ku kacaya kadibna dhaqso ayaad u soo laabaneysaan, ma noqon arintii sidey u qiyaasayeen waxaana gudaha magaalada loogu tagay shacabka kooxda nacay oo ku faraxsanaa cidkasta oo iyaga la macaamileysa nabadana ay kala shaqeeyaan. waxeyna aad ugu rafaadeen duurka iyaga iyo caruurtooda ilaa ay maalmo dhaw ka quusteen oo ay iskugu tageen degmada Buq Aqable oo ay hada ciidamada xoogaga Hiiraan u dhaqaaqeen.sidoo kale waxaa hada laga ugaarsadaa gudaha magaalada Belet Weyne iyadoo ay shacabku u soo sheegayaan ciidamada xoogaga Hiiraan oo goobkasta ku sugan aadna u hubeysan.

Jubada Hoose iyo xaalkeeda.

Gobolka Jubada Hosoe oo ah gobol ku yaala meel istiraatiijig ah waxaa Shabaab hurdo iyo hoyaad u diiday ciidamo u badan maamulka Azaniya iyo kuwa dowlada Kenya oo sida lagu soo waramayo dagaalo badan oo ay kooxda ku qaadeen ku dilay hogaamiyaal sar sare iyo ciidankooda iyadoona shacabka ku sugan magaalo xeebeedka ee Kismaayo ay soo sheegayaan qasaaraha kooxda loo geystay ineysan yareyn kooxduna ay hada la ciir ciireyso dhaqaalo xumo weyn tan iyo markii looga itaal roonaaday magaalooyinka waaweyn sida Mogdisho iyo Belet Weyn.

Gobolka Gedo iyo halka ay kala joogaan ciidamadu.

Gedo waxaa farahooda si toos ah uga baxay kooxda argagixisada ah ee Shabaab tuulooyin badan iyo magaalooyin istiraatiijig ah iyadoona goobkasta ay duqeeyaan ciidamada dowlada Kenya ay galayaan ciidamada dowlada ee ka soo jeeda degaankaasi iyagoona kooxda ka jaray jidad abdan oo muhiim u ahaa.

Marka laga soo tago Hiiraan, J/hoose iyo waliba Gedo wali kooxda waxey rajo ka qabaan iney Mogdisho dib ugu laabtaan iyagoona walito ku sugan duleedka magaalada weeraro isdaba joog ahne ka soo qaada xaafado ka mid ah magaalada Mogdisho sida Karaan, Hurwaa iyo Xaafada ay Soomaalidu u taqaano Toora Boorada Soomaaliya amaba Dayniile.

Sikastaba Shabaab jabka ugu weyn waxuu ka soo gaaray shacabkii ayaa kalsoonidii kala laabtay iyagoo hada qorsheynayo in meelaha laga xoreeyey sida Magaalada Belet Weyne ay ku weeraraan baabuurta xamuulka iyagoo doonaya iney ka soo buuxiyaan wax yaabaha qarxa kadibna la beegsadaan meelaha ay shacabku ku badan yahiin, hada meelo badan oo ka mid ah Hiiraan awoodooda intaas ayey ku soo aruurtay, iyadoo macluumaadka si joogto ah looga helayo rag iyaga ka tirsanaa oo hada fududeeynayo wax yaabo badan oo aan marnaba suuro galineyn iney mar danbe dib ugu laabtaan amaba ka arimiyaan Hiiraan, marka xaalada laga abaaro awooda ciidanka Hiiraan ku heystaan dhawr goobood oo ka mid ah magaalada banaankeeda iyo kalsoonida ka muuqata ciidanka oo dhiiragelinta ugu badan ka helaya bulshada Soomaaliyeed ee kunool degaanada ay qabtaan, walow aan walito gobolka Sh/dhexe la kala jecleyn in ay argagixisada heystaan iyo ineysan heysan oo au awoodii kooxda wali ku sugan tahay degaankaas.

Sikastaba bulshada Soomaaliyed waa cusub ayaa u baryey sanadka 2012 maadaama uu yahay sanadka dalka dhan laga sifeyn doono argagixisada, dalkana laga saarayo xiliga kumeel gaarka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,638,183 unique visits