Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Maxuu siyaasigan kaka duwan yahay siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda Hiiraan?

Wararka MaantaHS:- Maxuu siyaasigan kaka duwan yahay siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda Hiiraan?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Waare oo ka mid ah aqoonyahanada reer Hiiraan ugu jira TFGda ayaa magaalada Mogdisho iskaka soo tagay sanad ka hor isaga iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Mitsubishi, kadib markii ay u adkeysan waayeen talokasta oo ay u soo jeediyaan Shiikh Shariif oo Hiiraan wax looga qaban lahaa inuu dhegaha ka fureystay maadama uu Shiikh Shariif markastaba uusan diyaar u aheyn inuu arko Hiiraan oo ka baxda gacanta arkagixisada oo laga xoreeyo.



Dr Waare iyo xildhibaano dhawr ah ayaa ugu danbeyn go,aansaday iney Hiiraan aadaan dhibtana la qeybsadaan ciidamada ilaah ka sokow maanta gacanta ku dhigay magaalada Belet Weyne oo siweyn isaga u dhageysanaya maadama ay si wanaagsan u barteen aadna uga dhisay dhinaca maskaxda isagoo u sii marsiinaya saraakiisha mirahii ka soo baxayna maanta ayey dad badan ka dareemi karaan ciidanka oo dhinackasta ka dhisan.

Xildhibaan Waare ayaa markii magaalada gacanta lagu dhigay bulshada Hiiraan ka balan qaaday inaan lagu qasbi doonin wax aysan iyagu rabin laakinse loo baahan yahay in Hiiraan loo helo maamul ay reer Hiiraan soo wada dhisteen xiriir wanaagsana la leh dowlada kumeel gaarka taladana ay gacantooda ku jirto waxgaradka Hiiraan.

Arintaan waxey qeyb weyn ka qaatatay iney la dhacaan qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan, iyadoona la bilabay kulamadii joogtada ahaa oo maalinkasta la wado. dad badan ayaa laga yaabaa iney waqti badan ku luminayaan maamulka Dooxada Shabellee iyo hogaamiyahooda maba ogaba in ay dhulka u soo dhinteen oo ay hurdo iyo hoyaad u diideen argagixisadii magaalada Belet weyne dhawaantan laga saaray. waxaa kale oo aysan dad badan ogeyn in madaxa Dooxada, xildhibaanda,Hiiraan State, Ahalusuna Hiiraan, gudoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Yusuf Ahemd Hagar ( Dabageed) saraakiil horey uga tirsanaa kooxda Shabaabka Hiiraan iyo rag kale oo badan ay dhamaantood isku ujeedo ka yahiin xaalada siyaasadeed ee Hiiraan, ayana marka laga reebo madaxweynaha Hiiraan State oo dhawantan gaarayo halkaasi intooda kale ay hal meel Shaah ku wada cabaan.

Dhamaan intaan aanu kor ku soo sheegnay waxey soo dhaweynayaan in reer Hiiraan ay ayahooda ka tashadaan sameystaana maamul ay gacantooda ku soo dhisteen xiriir wanaagsana la leh dowlada kumeel gaarka.

Waxgarad aad u saluugsan hab dhaqanka TFGda ayaa xildhibaanada u sheegay in aysan masuuliyiinta TFGda qarkood diyaar u aheyn in la xoojiyo dowladnimada oo dalka dhan lagu baahiyo, xildhibaanada hada Hiiraan ku sugan oo uu ugu horeeyo xildhibaan Waarena fikirkaaas wey qabaan laakisne waxuu leeyahay hadii Mogdisho markii aanu ka soo tageynay quus ka taageneyn TFGda aanu ka tirsan nahay bal markaan waxaa laga yaabaa in uu isbedel ku yimide aanu jaanis siino, kadibna waxaa halkaas ka bilaawday shirarka hada socda iyo ciidamada hada maraya heer fiican in laga dhigo ciidamada qaranka Hiiraan.

Dad badan waxey sugayaan in mar lee ku dhiirato TFGda iney ku deg degto iney iska soo magacaabato gudoomiye gobol kadibna go,aan hada miiska saaran oo wada anfacaya reer Hiiraan ayaa lagu dhiiran doonaa mana dooneyno in aanu ka hor dhacno hada iyo magaca cusub ee ay xoogaga Hiiraan qaadan doonaan hadii wanaag wax looga waayo TFGda oo ay fowdadii ay ku jiri jireen ku sii jiraan.

Isku soo duuboo dadaalada ay gudaha Hiiraan ka wadaan xildhibanada dowlada iyo waxgaradka beelaha Hiiraan ayaa meel fiican maraya, waxaana loo qiray xildhibaan Waare inuu yahay siyaasiga kaliya ee mar haduu go,aan qaato ku adkeysta iyadoo xiligii uu Hiiraan aadayey ay aad ula yaabanaayeen wasiiro ka tirsnaa xukumadii Farmaajo oo reer Hiiraan ah iyo xildhibaano badan halka uusan isagu xal u arkin joogitaanka Mogdisho mid ay dani ugu jirtay maadama ay Hiiraan ka wadeen falal arxan daro ah argagixisadii heystay mudada halkaasi oo intooda badan garab ka heli jiray qaar ka mid ah hogaanka sare.

Isku soo duuboo dhawrka sitimaan ee inagu soo aadan Hiiraan waxey noqon doontaa meel uu ka jiro maamul ay sameysteen amaba ku yimid rabitaanka bulshada Hiiraan xiriir wanaagsan iyo wadashaqeyna ay ka dhaxeeyso TFGda amaba waxey noqon doontaa meel ay shacabkoodu kalsoonida yar ee hada aan wali gaca dhigan kala laabtan TFGda dhegahana ka fureystaan sidii horeba wax TFG la yiraahdo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,579,569 unique visits