Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Rag muhiim ah oo Shabaab looga qabtay Hiiraan.

Wararka MaantaHS:-Tirada Maleeshiyadka Al-Shabaab ee lagu qabqabanayo Magaalada Baladweyne oo sii kordhaya kadiba dadaalo badan oo ay sameeyeen shacabka ku dhaqan magaalada oo soo sheegaya meelkasta oo ay ku jiraan horjoogayaasha Shabaab iyo ciidankooda.

Tan iyo markii Shabaab ay farahooda ka baxday caasimada Hiiraan ee Belet Weyn ku dhawaad labaatameeyo isugu jira horjoogayaal, kuwa loo yaqaano amniyaadka iyo kuwa u basaasi jiriy Shabaab ayay ciidamada xoogaga Hiiraan gacanta ku dhigeen iyagoo qaar ka mid ah dadka la qabtay ay magaalada isaga dhex socdeen sida iyagoo aan wax dhibaato ah dad u geysan tan iyo markii ay Shabaab la wareegtay gacan ku heynta qeyb ka mid ah Hiiraan oo ay ku jirto magaalada Belet Weyne, halka kuwa kalana lagu soo qabtay howlgal ay ka sameyeen ciidamada Hiiraan inta u dhaxeysaa Baladweyne ilaa tuulada Luuq Jeelow ee koonfur galbeed kaga toosan Magaalada Belet weyn,halkaasi oo ay ragani la qabtay ku sugnaayeen iyagoo ay gabaad siinayeen dad beeraley ah oo ku nool halkaas laakinse markii danbe soo sheegay markii ay ku adkaatay iney qariyaan, maadama qofkii qariya qof Shabaab ah oo soo sheegi waayo meesha ay ku jiraan loo aqoonsanayo Shabaab.

Dadka la qabtay waxaa laga xusi karaa Qaadigii Shabaab ee Maxkamadaha Baladweyne iyo Tuulada Buq-Aqable oo lagu magacaabo Macalin Bishaar iyo sidoo kale Ninkii madaxda ka ahaa sirdoonka Shabaab ee Gobalka Hiiran oo isna lagu magacaabo Yaasiin iyo laba ka mid ah rag si weyn ula shaqeyn jiray horjoogahii Shabaab ee magaalada Baladweyne iyo dad kale oo fara badan oo gacan saar la ahaa kooxda Shabaab.

Way adagtahay in la helo xogta dhabta ah iyo sida loo qabqabtay ragaani micnaha weyn ugu fadhiyay maamulkii Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan ka talin jiray dhawr maalmood ka hor, sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in ciidamo aan si toos ah Shababka Hiiraan uga mid ahayn oo lagu magacaabo Mutadawiciin kana qeyb qaatay xiligii dagaalada ay madaxdii shabaabka u sheegeen in ay fasaxan yihiin, maadama aysan u hayn dhaqaalo mar hadii ay waayeen dhaqaalahii laga qaadi jiray goobaha ganaacsiga iyo hay’adaha, isla mar ahaantaana aysan jirin magaalo qarin karta dadkaana waxaa ay u badnayeen dad gacaacsato ah oo maalintii magaalada Belet Weyne oo kaliya ka soo aruurin jiray dhaqaalo lagu qiyaasay 30 kun oo dolar.

Sikastaba ugaarsiga lagu hayo Shabaab iyo sida sahlan ee looga soo qabanyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan waxaa sabab u ah shacabka oo ay dulmiyeen kooxdu kadibna siweyn u nacay hab dhaqankooda.

Warar leysku haleyn karo waxey sheegayaan in saraakiil Shabaab ah oo ku sugan meel dhinaca galbeed kaka beegan magaalada Belet Weyne ay ku adkaatay in loo geeyo dhaqaalo badan oo ka yiilay gudaha magaalada iyadoona sida lagu soo waramayo ay dhaqaalahi afka iska mariyeen ragii u hayey kadib markii ay xaqiiqsadeen iney adagtahay in Shabaab ka taliyo Hiiraan mar danbe, marka la eego sida ay shacabku iskugu abaabulayaan beel beel iyo reer Hiiraanimo intaba.

Inta badan Shabaabkii ka soo jeeday degaanada aan aheyn Hiiraan waxaa ku heysta halkaas dhibaato badan qaarkoodna waxey lug ku tageen magaalada Tiyeeglow halka kuwii ugu badnaa ay u baqooleen Sh/dhexe oo ah goob ay hada si kumeel gaar ah uga furneyn wax dagaal amaba uusan ka socon abaabul dagaal la mid ah midka ka socda bakool, Gedo, Jubooyinka iyo Hiiraan.

Isha Warka Hiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,589,015 unique visits