Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wararkii ugu danbeeyey kulan dhax maray madaxweyne Shiikh Shariif iyo xildhibaanada reer Hiiraan.

Wararka MaantaHS:-wararkii ugu danbeeyey kulan dhax maray madaxweyne Shiikh Shariif iyo xildhibaanada reer Hiiraan oo ka dhacay Mogdisho.


Kulan balaaran oo maanta dhax maray madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaanada reer Hiiraan ugu jira baarlamaanka kumeel gaar ah ayaa waxuu ku dhamaaday natiijo la,aan iyadoona maalinta berito ah leys kugu soo noqonayo fadhi kale.

Madaxweynaha oo qudbada furay ayaa yiri waxaan doonayaa in aanu u magacaawno Hiiraan gudi Council ah oo 3 bilood shaqeynaya. kadibna waxaa hal mar arintaas ka carooday xildhibaanadii reer Hiiraan. buuq badan iyo is jiid jiid badan kadib mudanayaasha ayaa si aqiyaarnimo iyo masuuliyad ku dhisan tahay ula hadleen madaxweynaha iyagoona sheegay in aysan iyagu ka soo horjeedin waxii reer Hiiraan wanaag iyo horumar ay ku gaarayaan laakinse waxey madaxweynaha weydiiyeen waxa ku kalifaya in Hiiraan oo aanu ognahay taariikhda ay ku leetahay dalka Soomaaliya kana mid aheyd 8dii gobol ee ugu horeysey ee ay yeeshaan bulshada Soomaaliyeed waxa loogu magacaabayo gudi kumeel gaar ah oo degaano aad uga yar dadkoodu ay uga tashanayaan arimahooda?

Madaxweyne Shiikh Shariif oo ay magaalada Mogdisho kaka furan tahay siyaasado iyo qilaaf hareeyey mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku yiri mudanayaasha. waxaan marka hore idiinka mahad celinayaa sida qalbiga furan ee aad fikirkiina u cabirteen waxuuna yiri in gudigaan Hiiraan loo magacaabo ma aheyn mid aniga iga timid ee waxey aheyd mid ka timid xukumada, waxuuna yiri aniga waxaan taageersanahay dadaalada ay Hiiraan ka wadaan xildhibaanada ku sugan magaalada Belet Weyne oo ay waxgaradka kula kulmayaan.waxaana ugu danbeyn lagu balamay kulan kale in leys kugu yimaado maalinta berito ah.

kadib markii ay madaxweynaha ka soo tageen xildhibaanadii reer Hiiraan ayaa leys weydiiyey cida ka tirsan xukumada R/wasaare Gaas oo fikirkaan u geysay madaxweynaha kadiba waxaa la xaqiijiyey in uu yahay wasiirka qorsheynta oo markii 4aad ku fashilmaya siyaasada Hiiraan isagoona waxkasta diiday sida Hiiraan State, Dooxada Shabelle, isagoo ku fashilmay in Hiiraan loo magacaabo gudoomiye gobol. hadana waxey u muuqataa inuu ku socdo wado fashil ah.

Wasiirka qorsheynta Dr Cabdullaahi Godax Bare oo dhawaantan gaaray magaalada Belet Weyne xili uu la socday waftigii r/wasaare Gaas waxaa ka fashilmay qorshe uu ku doonayey in gudoomiye gobol isla maalinkaas loogu magacaabo magaalada Belet Weyne nin lagu magacabo Cabdi yare oo ka tagay dalka Canada kadib markii ay arintaas siweyn uga diideen xildhibaanada ku sugan magaalada Belet Weyne oo iyagu xal u arka in talada iyo mustaqbalka reer Hiiraan ay ka wada tashadaan waxgaradka, Ugaasyada, aqoonyahanada iyo waliba culimada Hiiraan si loo helo maamul adag oo ku yimaada rabitaanka iyo talada bulshoweynta Hiiraan loona mideeyo fikir kala duwanaanta siyaasadeed ee ka dhax jirta reer Hiiraan.

Sidoo kale markii ay taasi socon weysay ayuu hadane ku dhiirageliyey r/wasaare Gaas Mr Godax in gudoomiye gobol loo magacaabo nin magaciisa lagu sheegay Muxudin oo ku sugan dalka Norway iyaduna ma noqon miro dhal wey fashilantay. wasiirka qorsheynta ayaa la sheegayaa waxa uu howlahan u sameynayo isagoo heli kara in talada loo daayo waxgaradka Hiiraan ayaa ah in uusan siyaasad ahaan sida xildhibaanada kuxirneyn waxgaradka Hiiraan ayna adag tahay sida uu hadafkiisa siyaasadeed uga dhaadhicin karo waxgaradka kulamada ka wada magaalada Belet Weyne.

Sikastaba wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaraya Hiiraan iyo Mogdisho ayaa sheegaya in ay xiriir dhinaca isgaarsiinta ah la soo sameeyeen xildhibaanada ku sugan Mogdisho waxgaradka iyo mudanayaasha jooga Belet Weyne kadibna go,aanka maalinta berito ah loola tagayo Shiikh Shariif ayaa waxaa lagu wada inuu noqon doono mid isku soo dhaweynaya madaxweynaha iyo reer Hiiraan iyadoona qorshuhu yahay in talada Hiiraan loodaayo waxgaradka lana dhiirageliyo dadaalada ay wadaan xildhibaanada ku sugan magaalada Belet Weyne.

Sikastaba siyaasada Hiiraan ma ahan sidii hore dadkuna dal iyo dibad wey isku xiran yahiin waxa kaliya ee TFGda maanta laga doonayo waa in ay cawimaad u dirto Hiiraan dadaalada nabada ee ka socda magaalada Belet Weynane ay xoojiso si loo fidiyo gogol nabadeed oo ay reer Hiiraan iskugu yimaadaan mustaqbalka dhaw, iyo iney dadaalada Hiiraan ka socda kala shaqeyso xildhibaanada iyo waxgaradka maadama ay horey u diiday waxkasta oo ay bulshadu isku dayeen.

Sidoo kale waxaa dhawaan meesha ka baxaya wasiir iska jooga Mogdisho in uu ka hadlo siyaasada Hiiraan taasi oo saamaxeysa in ay Hiiraan aadan shaqiyaad dibadaha ku sugan oo uu ku jiro damac siyaasadeed.sidoo kale faraqa u dhaxeeya xildhibaanada Hiiraan ku sugan iyo wasiirka qorsheynta waa in xildhibaanada aysan wadan qorshe u gooyni ah amaba kuma jiro damac ah iney Hiiraan hogaamiyaan, laakinse wasiirka qorsheynta siyaasado aan la ogeyn sidey Hiiraan uga hirgali doonaan iskana horkeenayoTFGda iyo shacabka Hiiraan ayuu wataa isagoona guclo ugu jira sidii mudada uu joogo Hiiraan uga hirgalin lahaa maamul her gobol ah oo ay hogaanka hayaan rag uu gacantiisa ku dhistay, halka ay Soomaaliweyn u socdaan dowlad goboleed iyo sidii ay bulshadu waxkasta ugu soo bilaabi laheyd gunta hoose.

Guntii iyo gabo gabadii mudanayaasha baarlamanka ugu jira dowlada kumeel gaarka reer Hiiraan wey dadalayaan laakinse waxaa maqan kaalintii wasiirada iyo Ugaasyada reer Hiiraan oo iyagu noqday wax dhintay oo aan wali la bedelin iyo qaar xitaa magaaladii Belet Weyne oo 2 sitimaan xor ah wali ku nool wadamada deriska la ah Soomaaliya iyadoo la joogo waqtigii aadka loogu baahnaa Ugaasyada oo ay umada iyo beelaha ay metelaan u istaagi lahaayeen.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.59 seconds
14,581,498 unique visits