Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Wararkii ugu danbeyey waftigii ka socday QM midoobay ee maanta gaaray Belet weyne.

Wararka MaantaHS:- Wararkii ugu danbeyey waftigii ka socday QM midoobay ee maanta gaaray Belet Weyne.


Magaalada Belet Weyne ayaa caawa siweyn looga hadal hayaa waftigii maanta soo gaaray magaladaasi iyadoona ay halkaasi si wada jira ah ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ku sugan halkaas iyo qeynaha kala duwan ee bulshoweynta Hiiraan.

Waftiga oo ay diyaaradii siday ay soo caga dhigatay xili hore oo maanta ah waxaa siweyn loo sugay midadii ay joogeen magaalada nabadgalyadooda iyadoona warbixin laga dhageystay masuuliyiintii halkaasi kula kulantay waftiga ka socda QM.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa siweyn looga codsaday waftiga iney gurmad deg deg ah la soo gaaraan shacabka Hiiraan iyadoona ay masuuliyiinta TFGda ka joogta Hiiraan waftiga ka codsadeen in Hiiraan ay hada ka jirto nabad siiba magaalada Belet weyne iyo nawaaxigeeda shacabkuna aad ugu baahan yahiin gar gaar bini'aadaminimo.

Intaas kadib waftigii ka socday QM ayaa halkaas kaka war bixiyey howlahii ka hor taagnaa iney Hiiraan caawiyaan iney ugu wacneyd nabadgalyada oo aan aheyn mid leysku haleyn karay iyo waliba in maanta ka hor ay magaalada ka talinayeen xoogagii laga saaray halkaasi dhawaantan.



Sikastaba nabadgalyada magaalada ayaa aheyd mid aad leys kugu haleyn karo waxaana lagu wada in ay dib u bilaawdaan iney Hiiraan ka howl galaan Hay'addahii gar gaarka ee ay horey uga ceyriyeen Kooxdii mayalka adkeyd ee Shabaab.

Sikasba marka laga soo tago waftiga maanta gaaray Hiiraan dhinaca kale waxaa magalada Belet Weyne ka socda shirar is daba joog ah oo ay halkaasi ka wadaan mudanayasha baarlamanka iyo waxgaradka reer Hiiraan iyadoona shirarka badankoodu yahiin kuwa u muuqaal eg dib u heshiisiin iyo sidii ay reer Hiiraan u nqon lahaayeen umad jirta Hiiraana ay u noqon laheyd mid loo sameeyo mamul ku yimada rabitaanka bulshoweynta Hiiraan si looga baxo fowdada ay dhawrkii sano ee ugu danbeysay ka wadeen kooxda Shabaab iyo dhalinyaro intooda badan aysan jirin cid ay metelaan amaba dooratay oo qaab qabiil u abaabulan taasi oo suuragalisay in ay Hiiraan ka harto qeyrkeed mudooyinkii danbe.



Sikastaba waa guul u soo hoyatay bulshada Hiiraan oo maanta siweyn ugu soo dhaweeyey caasimada Hiiraan waftigii ka socday QM, iyagoona dadku ay doonayaan mamaul goboleed xiriir wanagsan la leh hadba dowladii wadanka ka jirta kuna yimaada rabitaanka waxgaradka,aqoonyahanada, culimada iyo haweenka Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,588,859 unique visits