Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 2
bernardts3, leslieea11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Tiradii ugu badneyd ajaaniibta kusugan Soomaaliya oo ku geriyootay Tuulada

Wararka MaantaHS:-Tiradii ugu badneyd ajaaniibta kusugan Soomaaliya oo ku geeriyootay Tuulada Buulo Xaaji iyo tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay oo la helay.

Jubada Hoose waxaa ka socda weeraro u badan cirka oo lagu hayo ururweynaha Alqacida iyo kooxda ku marti gelisay dhulka Soomaaliya ee Shabaab. weeraro badan oo is xig xiga ayaa ugu danbeyn waxaa weerarkii ugu danbeyey iyo duqeymahii ka dhacay tuulada Buulo Xaaji lagu dilay in ka badan 25 ruux oo 11 ka mid ah ahaayeen saraakiil ajaanib ah oo kooxda ka saacidi jiray howl galada, halka dadka kale ee dhintay marka laga reebo 2 qofood oo lagu sheegay rayid laakinse loo maleynayo iney dhaleen saraakiisha la dilay qaarkood ayaa ka mid ahaa dadka dhintay halka tirada kale ay ahaayeen saraakiil lagu dabiibayey goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Dadka deegaanka oo aad u yaqaana marka uu dhib weyn soo gaaro kooxda shabaab iyo ajaaniibta ku sugan dalka ayaa sheegaya in ay maanta u aheyd kooxda maalin murugo iyadoona laga yaabo tirada iney ka badan tahay sida loo qiyaasayo.

Magaalada Kismaayo oo ah magaalo u muuqal eg mid ka godoonsan dalka intiisa kale tan iyo markii ay istaageen ganacsigii ka soo degi jiray dekeda weyn ee magaalada ayaa siweyn looga hadal hayaa qasaaraha kooxda soo gaaray iyo heerka uu jabkoodu gaarsiisan yahay, walow ay dadku hoos ka faraxsanaayeen maadama ay wali ka muuqato dhibaatadii ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed siiba kuwooda ku nool koofurta maadama horjoogayaasha Shabaab intooda badan ka soo jeedaan Soomaaliland iyo Puntland oo ay dhibaatada ugu badan iyaga ka wadaan koofurta Soomaaliya halka ay degaanadooda ka ilaalinayaan dhibta iyo dagaalada maadama ay caruurtoodu si caadi ah u wataan waxbarashadooda.

Sikastaba dhibaatada iyo qasaaraha Shabaab iyo Alqacida ka soo gaaray dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya ma ahan mid halkaan lagu soo koobi karo, iyadoona ay xusid mudan tahay in kooxda ay horey u lumiyeen goobo muhiim u ahaa oo ay ka mid yahiin caasimada Soomaaliya iyo magaalada istiraatiijiga ah ee Belet Weyne kadib markii Mogdishona ay xoog kaka saareen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo wada socda halka Hiiraana dharaar cad ka fara maroojiyeen gacan kuheynta magaalada Belet Weyne ciidamo reer Hiiraan ah oo ilaa maanta ku damaashaadayo gudaha magaalada Belet Weyne.

Sidoo kale waxaa gacantooda ka baxay 80% gobolka Gedo iyagoo awoodooda iskugu geeyey galiya labada Shabelle iyo Bay maadama jubada dhexe iyo jubada hoose ku joogaan wal wal iyo cabsi.

La soco wararkeena danbe iyo halaaga ku dhacay argagixisada oo aan hada shacabka ka qarsooneyn, taas oo loo aaneynayo iney ku xad gudbeen jiritaanka iyo qaranimada umada Soomaaliyeed, taasi oo ugu danbeyn ay kooxdu ku weysay taageeradii shacabka ay ka heli jireen.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,579,456 unique visits