Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Xildhibaan Waare oo qurba joogta reer Hiiraan hawada marinaya in ay.

Wararka MaantaHS:-Magaalada Belet Weyne waxaa ku sugan xildhibaano, waxgarad, aqoomyahano, culimo iyo ugu danbeyn saraakiisha ciidamada Hiiraan ee dhawaantan magaalada ka saaray kooxdii mayalka adkeyd ee Shabaab.

Xili caawa ah oo aanu xiriir dhinaca isgarsiinta ah kula yeelanay xildhibaan Waare xili uu ka soo baxay mid ka mid ahaa shirar ay maalmahan xildhibaanadu ka wadeen magaalada tan iyo markii magaalada laga sifeeyey kooxda Shabaab.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Abdi Waare oo ka mid ah aqoonyahanada reer Hiiraan ugu jira TFGda mudane halkaasi ku sugnaa ayey inoo suuro gashay in aanu bal weydiino dhawr su,aalood kuwaasi oo ay ugu horeeyaan xaalada nabadgalyo iyo waxa uu is leeyahay xiliga hada la joogo Hiiraan waa lagu hormarin karaa.

Inaksta oo ay gaabnaayeen su,aalahii aanu weydiinay hadane nuxurka qodobadii uu ka hadlay iyo sidey isaga la tahay waxey aheyd sidan.

Dr Waare:Xaalada guud ee Hiiraan dadku waxey u ooman yahiin nabad, waxaana laga dheehan karaa iney diyaar u yahiin iney ka qeyb qaataan nabadgalyada iyo horumarka Hiiraan amaba dalka intiisa kale hadana howshu ma dhawa waxaa la marayaa oo kaliya magaalada Belet Weyn iyo nawaaxigeeda, meeshaane waxaa jooga ciidamo runtii soo dadaalay oo waliba daryeel dhab ah u baahan mudona duurka ku soo jiray rag badan oo geesiyaal ahne ay naftooda kuwaayeen dagaaladii is xig xigay ee sanadkii tagay iyo waxii ka horeyeyba ka dhacayey Hiiraan oo dal iyo dibadba la dayacay hadey noqon laheyd jaaliyada qurbaha amaba dowladaba.

Xidhibaanka oo hadalkiisa siiwata ayaa mar aanu weydiinay bal dhinaca siyaasada sida uu u arko faragelintaan qaawan ee dhawaanahanba lagu hayey reer Hiiraan ee ka imaaneeysay TFGda dhexdeeda iyo sida mudadii ay dagaalka ku jireen xitaa ay TFGdu u soo xasuusan weysay iyaga ka xildhibaano ahaan ragoodii buuraha ku jiray ayaa ku jawabay sidan.

Dr Waare: TFGda qaladkeeda iyo qalad la,aanteedaba inagu u hakin mayno mustaqbalka reer Hiiraan mowqifkeenuna waanu gaarsiinay,hadii aanu xitaa wax kale awoodi weyno meeshaan ayaanu kula dhimaneynaa oo taladaan la qeybsaneynaa mudadii aanu duurka la joognay ciidanka aniga iyo xildhibaan Mitsubishina wax badan ayaan ka faa'ideystay xaqiiqadiina mustaqbalka Hiiraan hada waxii ka danbeeya waxuu noqon doona mid reer Hiiraan ka yimaada xal kaas ka duwan cidii heysana iyadaa laga rabaa meesha ay kaka shaqeyneyso ayuuna hadalkiisa ku soo gaabiyey.

Dr Waare mar aanu weydiinay bal waxa uu maanta reer Hiiraan kula talinayo ayuu yiri reer Hiiraan aqoonyahankiisii dadkiisa dhisi lahaa taladane wax ka toos toosin lahaa waxey jiraan qurbaha waxaana nasiib daro ah ayuu yiri in ay habeen iyo maalin Hiiraan telefono u soo dirayaan oo mararka qarkood dhawr qofood oo meel wada fadhisa soo kala wacayaan, oo mid markey wareystaan mid kale oo isagaas la fadhiya soo wacaan iyagoona hadane malinta kale meeshii ka bilaaba wareysiga, waxuuna yiri waayaabe Hiiraan telefon qurbaha laga soo diro ma lagu xalin karaa mustaqbalkeeda ayuuna siiraaciyey?

Xildhibaanka ayaa ugu danbeyn qurba joogta reer Hiiraan oo lagu tilmaamo kuwa ugu telefoon dirida badan Soomaalida qurbaha joogta laakinse aan intey is abaabulaan sida qurbajoogta Soomaaliland iyo Puntland diyaar u aheyn iney aadan dhulkooda oo ay xaqiiqada jirta soo arkaan kadibna kaalintooda muujiyaan ayuu ka codsaday xildhibaanku iney yimaadan Hiiraan oo ay maskaxdooda la soo laabtaan si ay dadka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan uga faa'ideystaan maadaama horumarinta Hiiraan kaliya aysan aheyn dhinaca siyaasada oo loo baahan yahay adeegyada kale in wax laga qabto sida caafimaadka, waxbarashada,dib u dhiska gobolka, horumarinta beeraha iyo wacyi galinta bulshada oo colaad ka soo daashay mudo dheer.

Sidoo kale mar u ka hadlayey mustaqbalka maamulka ay reer Hiiraan u baahan yahiin in laga hirgaliyo Hiiraan ayuu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Hiiraan oo dhan la nabadeeyo wado kasta oo loo maraba. In Gudaha Hiiraan lagu qabto shirweyne dib u heshiisiin kaasi oo ay ka soo qeybgalyaan dhamaanba bulshada Hiiraan. In la mideeyo dhinacyada siyaasada ugu danbeyna ay bulshadu dhistaan maamul goboled ku yimaada rabitaankooda isagoona rajo weyn ka muujiyey suurto galnimada arimahaasi oo dhan iney noqdaan miro dhal.

Hadaan intaas uga baxno wareysigii gaabnaa ee aanu la yeelanay Xildhibaanka Waare,hadane waxuu ka mid ahaa qurba joogta reer Hiiraan waxuu dalka dib ugu laabtay sanad ka hor xiligaasi oo uu aad u dareensanaa in bulshada Hiiraan dagaal weyn oo ay dadku badankiis hada dareemeen lagula jiray maadama aad dhegaha looga fureystay bulshada Hiiraan halka dhawrka qofood ee dalka hogaamineysay ay awooda dalka iyo qeyraadkiisa u kala qeybsanayeen qaab qabiil oo aysan dowladahii is xig xigay laga soo bilaabo Cabdiqaasim ilaa C/wali Gaas aan Hiiraan hal maalin shacabkooda gurmad ka yimid dhinaca TFGda lala gaarin maadama xarunta Villada ay ka socotay amaba xaaladu ku soo aruurto boqor ma eexdo tolkiina ma mooga.

Sikastaba Xildhibaanka ayaa aad ugu dhiiragelinaya in qurba jooga reer Hiiraan ay dib ugu soo laabtaan dalka gaar ahaan Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,585,728 unique visits