Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Wararkii ugu danbeyey iyo magaalada Belet Weyne

Wararka MaantaHS:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Belet Weyne ayaa sheegayo in ay halkaasi ku sugan yahiin waftigii maanta gaaray ee iskugu jiray wasiirada reer Hiiraan ugu jira dowlada sida wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga iyo wasiirka Macdanta iyo biyaha, xildhibaano, waxgarad iyo saraakiil.


Waftiga oo ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif masuuliyiinta Dowlada ka joogtay Hiiraan, waxgarad, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaana loo galbiyey Hotel Madina oo ku yala bartamaha magaalada Belet weyne amaba City Centre-ka.

Waftigaan ayaa Hiiraan ku sugnaan doona inta ay ka dhamanayaan shirar qaarkood isla caawa magaalada ka bilaawday iyadoona bulshada Hiiraan ay ka arinsan doonaan sidii loo heli lahaa maamul kumeel gaar ah oo ay yeelato Hiiraan.ka hor intii aysan waftigaan ka soo bixin magaalada Mogdisho ayaa loo sheegay hadii ay doonayaan iney saacado joogaan kadibna Mogdisho dib ugu laabanayaan ay iska joogaan ,hadiise ay Hiiraan joogayaan inta laga soo afjarayo maamul u sameynta Hiiraan iyo go,aanka waxgaradka Hiiraan iney yimaadaan kadibna waxaa la go,aamiyey caawa in aan lagu kala kicin inta talo mideysan ay reer Hiiraan ka helayaan.

Sikastaba bulshada Hiiraan ayaa lagu wadaa iney dhawaantan yeelan doonan maamulkii ugu horeyey ee ku yimaada talada waxgaradka Hiiraan, halka waayadii hore nin la soo gamay ay dowladahii jiray u soo magacabi jireen gudoomiye gobol iyadoona ay adkaan jirtay sidii uu ula qabsan lahaa waxgaradka maadama aysan ku imaan jirin taladooda.

Xaalada Hiiraan hada sidii hore wey ka duwan tahay waxkastana talo iyo midnimada reer Hiiraan ayaa loo marayaa waxkasta oo ay isku raacaan waxgaradka ku sugan Hiiraana waxey noqon doonaan waxa kaliya ee ka dhaqan gali doona Hiiraan waa sida ay dadka badankoodu qabaan maadaama horey loogu jahwareeray dhalinyaro magacyo aysan reer Hiiraan shaqo ku laheyn inta la yimaada bulshada iyo gobolka ku wax haleyn jiray sida Xisbul Islaam, Shabaab, Ahalusuna, Dooxada Shabelle iyo wax la mid ah oo aysan jirin dhamantood cid dooratay hadane dhamaantood waxey iska mid ahaayeen ma jirin mid watay magaca Hiiraan ee quruxda badan.

Inkasta oo uu maanta ka caaganaa madaxa Dooxada Shabelle agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif maadaama uu jeclaan lahaa inuu garoonka tago oo waftiga isku sawiro sidii dhacday dhawaantan markii ay halkaas gaareen waftigii ka socday Qaramada Midoobay oo uu ku sigtay inuu isku sawiro isagoo dusha sare ka saaran waftiga ayaa maanta ahaa masuul kaligiis iska fadhiya xafiis uu ka habeystay magaalada Belet Weyne ninkasta oo wado qaldan wax ku raadiyana sidaas ayaa u danbeyn doonto walow uu walito nin dhaliyaro ah yahay uuna kasban karo shacabka kan afaa'ideysan karo shirarka soo socdo waa hadii uu xal doon yahay waa sida ay dad badan qabaane, maadaama siyaasi kasta uu wax ku yahay hadba sida uu u kasbado shacabkiisa.

Hadaan Dooxada Shabelle halkaas uga baxno, shacabka Hiiraan dal iyo dibad waxey sugayaan maamulka Hiiraan looga dhawaaqi doono kadib marka uu soo gabo gaboobo shirarka hada bilaawga ah iyo talada lagula soo laabtay waxgaradka Hiiraan.

Sikastaba Hiiraan waxaa lagu wadaa in uu hogaamiyo shaqsigii ay isla gartaan waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culimada reer Hiiraan iyadoona la taageerayo waxkasta oo ay isla meel dhigaan si looga baxo fowdada iyo maamuladan aysan jirin cid dooratay ee is bar bar yaacaya intooda badana la haray horumarkii guud iyo siyaasadii ay reer Hiiraan ku dhax lahaan jireen bulshada Soomaaliyeed.

Xarunta gobolka degmada Belet Weyne oo ay hada si rasmi ah uga howl galayaan mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya kuwoodii ku sugnaa Hiiraan ayaa ah goob aad u mashquul badan halka Hotelka la dejiyey waftiga maanta yimidna ay waxgaradku booqanayaan iyadoo aad dareemeyso dowladnimadu waxa ay tahay.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiransatte.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,614,551 unique visits