Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Hiiraan iyo maanta

Wararka MaantaHS:-Shirar loogu magac daray aaya ka talinta bulshoweynta Hiiraan ujeedadiisuna tahay sidii ay reer Hiiraan u heli lahaayeen Maamul adag oo ku yimid wadatashi oo ka socda magaalada Belet Weyne ayaa u muuqda in laguda gali doono wajigiisa labaad maalinta berito ah.


Wafdi balaaran oo dhawaantan gaaray magaalada Belet Weyne kuwaasi oo iskugu jiray wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo waliba ganacsato ujeedadooduna aheyd sidii ay halkaas ugu yeelan lahaayeen shirar kala duwan waxgaradka iyo bulshada Hiiraan si loo helo maamul ku yimid wadatashi reer Hiiraana u dhan yahiin, halka ay horeyna Hiiraan ugu sugnaayeen xildhibaano ayaa ugu danbeyn lagu wadaa iney ku qanciyaan xoogaga Hiiraan iney qaataan hal magac si bulshada loogu helo maamul adag oo xiriir wanaagsan la leh dowlada kumeel gaarka ah sida maamul goboleedka Puntland.

Inkasta oo ay soo halgameen maamulka Dooxada Shabelle hadane ma ahan koox u diyaarsaneyd isbedelada la rajeynayo iney Hiiraan ka dhacaan waxeyna u muuqataa in madaxa Dooxada Shabelle Atoorahiisa la dili doono( wax uun lagu qancin doono) masuuliyiinta kale ee Dooxadane ay qeyb ka noqon doonaan maamulka la doonayo in ay reer Hiiraan sameystaan.

Hadii Dooxada Shabelle xal loo helo reer Hiiraan wey guuleysteen waayo ma aheyn koox dhibta ay reer Hiiraan ku jiraan ka baabin kartay iney sii holciyaan maahane wax xabda la ridaa dhaafsiisana ma heyn, mana aheyn koox markii lagu dhawaaqay ay masuuliyiintooda qorshaha ku darsadeen iney u tanaasulaan waxkasta oo wanaag u ah reer Hiiraan inkasta oo ay saacadahii ugu danbeyey laga dareemayo isbedel aan horey looga baran.

Isku soo duuboo Hiiraan waxaa ka soo muuqda maamul ay u dhan yahiin reer Hiiraan kuna yimid wadatashi waxeyna u muuqata in beelaha Hiiraan mid mid loo weysdiin doono maamulka ay doonayaan in ay reer Hiiraan yeeshaan nooca uu yahay sida.

1- In Hiiraan loo sameeyo maamul goboleed leh madaxweyne iyo tiro kooban oo wasiiro ah oo kumeel gaar ah mudo 1 sanad ah,kadibna gudi aqoonyahano ah loo saaro oo soo qaabeeyo qaabka ugu haboon ee ay Hiiraan ku noqon karto maamul goboleed rasmi ah iyadoo mudadaas laga shaqeynayo sidii loo soo dhisi lahaa golahii barlamanka, golahii duqowda iyo maamulkii gobolada ay Hiiraan ka koobnaan doonto.

2- Magaca uu yeelan doono maamul goboleedka.

3- Iyo in iyadoo horey loo diiday Hiiraan State hadane dadkii la yiraahdo gudoomiye gobol ayaa loo sameynayaa dhawr bilood markii uu shaqeeyana xilkii dowladaa ka qaaday oo mid kale ayey keeneen si ay arintu u noqoto jug jug meeshaada joog Hiiraana sidaas qeyrkiis uga haro.

Sikastaba shirarka hada socda waxkasta oo ka soo baxa waa midka Hiiraan ka shaqeyn doono,mar aanu xiriiro kala duwan la yeelanay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboledka Hiiraan State ayey inoo xaqiijiyeen in ay iyagu diyaar la yahiin kaliya magaca Hiiraan State iyo Dastuurka cidkasta oo Hiiraan iney hogaamiso ay u gartaan waxgaradka hada kulamada kula jira masuuliyiinta dowladana ay soo dhaweynayaan maadaama ay ujeeadoodu aheyd sidii ay Hiiraan u noqon laheyd degaan nabdoon oo maamul adag leh cidkasta oo loo doorto hogaanka imaan doona waanu soo dhaweyneynaa ayeyna si kalsooni leh u yiraahdeen.

Waxeyna talo ku soo jeediyeen kaliya in uu Hiiraan noqon karo 2 ilaa 3 gobol maadama uu ka danbeeyo 8dii gobol ee ugu horeysay waa in aan bulshada loo celin gudoomiye gobol iyo wax la mid ah xaqiiqadana leyska indho tirin. ugu danbeyna waxey hadalkooda ku soo qatimeen in loo tanaasulo shacabka lagana daayo kooxeysiga iyo wax yaabaha aan horumarka lagu gaareyn.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,589,272 unique visits