Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:- Shirka London oo lagu wado in dalka Soomaaliya loo dhibo dowlada

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya oo noqday dal aab la kala laheyn waxaa umadiisa siweyn loo sahan saday shirkii loogu magac daray Kampala Acord oo ayoodii iyo dhaqdhaqaaqii dowladnimo iyo magacii Soomaaliyeed halkaas ku dhintay kadib markii sida la xaqiijieyy madaxweyne Shariif oo gursigiisa kaliya eeganaya uu si indho la,aan ah u saxiisay 10 qodob oo mustaqbalka maxkamad lagu soo taagi karo.

Sikasbata shirka ay hada iclaamisay dowlada Ingriiska marka la eego waxa laga hadlayo ma jirto hal qodob oo Soomaalida quseeya waxaana arinta Soomaaliya sidii dalka Libiya ula wareegi doona Ingriiska halka dowlada France-ka ay ku soo biirtay shirkan lagu wado inuu ka dhaco London aaqirka bisha inagu soo aadan.

Si wadanka gumeysi loo galiyo loona helo mir mirsiiyo labda Shariif waxey fududeeyeen inuu yimaado qilaaf cusub oo baarlamanka dhaxdiisa ah si dunidu u tiraahdo waqti looma hayo lagu dhiso xukumad cusub sidaasina 20 ka sano ee inagu soo aadan ay ku lunto qaranimadii Soomaaliyeed, waayo wadamo fara badan ma doonayaan in ay Soomaaliya ka dhalato dowlad adag dalkana laga saaro xiliga kumeel gaarka ah.

Sikastaba madaxweyne Shariif ayaa u muuqda inuu noqon doono amaba yahay hogaamiyahii ugu aragtida xumaa ee soo mara dalka Soomaaliya isagoo waxkasta iska indha tiraya si uu u difaacdo gursigan dhiiga badan ku taatay.

Durbaba dowlada marti galineysa shirka waxey abuureen shaqsiyaad umada ka dhaadhicin doona inuu shirkaasi yahay mid ay xal ugu jirto Soomaalida iyadoo la ogyahay in uu jiro qilaaf baarlamaanka dhaxdiisa ah.

Hadaan baarlamanka hada jira sidiisa loo deyn oo aysan iyagu dooran bisha Augst madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan qatar kasta oo uu dalka Soomaaliya maanta ku jiro iyo mida ku soo socota waxaa masuuliyadeeda qaadan doona labada Shariif maadama la rumeysan yahay iney yahiin shaqsiyaadka heerkaan soo gaarsiiyey dalka Soomaaliya tan iyo markii ay ku soo biiren amaba soo koreen masraxa siyaasada.

Isku soo duuboo hadii aan Soomaalida dhexdeeda tanaasul dhab ah oo waliba deg deg ah laga helin sidey u dhan yahiin waxaa miiska saaran in 10 sano la galiyo dalka Soomaaliya Caretaker governmentdhacdooyinkaani oo dhan waxey mustaqbalka taariikh mugdi ah ku reebi doontaa dhamaan intii ku lugta laheyd shirkii Kampala Acord ee lagu marin habaabiyey shacabka Soomaaliyeed.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,637,803 unique visits