Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Magaalooyinka Dhuuso-Mareeb,Guriceel iyo Cadaado oo laga yaabo in ay qaaliyoobaan.

Wararka MaantaHS:- Kadib markii ay dowlada Soomaaliya iclaamisay in awood kasta loo isticmaali doono shacabka degan xarumaha dowlada sida wasaaradaha,Isbitaalada, jamacadii umada Soomaaliyeed, Schooladii waxbarashada, xerooyinkii ciidanka, guryahii loogu talo galay iney degaan shaqaalaha wasaaradaha ayaa ugu danbeyn jaanisyo badan oo shacabka degan wax loogu qaban lahaa iyo balan qaadyo ay horey u diideen waxey u muuqataa in ay dhawaantan magaalooyinka aanu kor ku soo sheegnay ay noqon doonaan kuwa ugu shacabka badan.

Magaalada Mogdisho oo ah indhahii bulshada Soomaliyeed waxaa xarumahii dowlada mudo 21 sano ah xoog iyo xeelad intuba ku deganaa shacab asalkooda ka soo jeeda magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel,Cadaado iyo koofurta Mudug,iyagoona hantida qaranka xalaaleystay hadane meelaha arimaha Soomaaliya looga hadlayo kaaka horeeya marka ay arinta noqoto sideebaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu bad baadiyaa.

Dad badan ayaa u heysta in shacabka degan xarumaha dowlada ay iyaga kaliya ku yahiin arinta laakisne waxaa raali uga ah oo iney sii degenaadaan ku dhiiragelinaya shaqsiyad dowlada ku jira iyo qaar xarumahaas ay ka soo galaan dhaqaalo oo ijaar ka qaata.

Tusaale hadii aad dooneyso in aad dadka degan guryahii ay Soomaalida u taqiinay If iyo aaqiro markii danbena loo bixiyey Xamar Bile ka saarto, waxaa heyta oo dhamaantood maamula nabadoon reer Cadaado ah oo waliba aad looga yaqaano Soomaaliya inkasta oo aanu dooneyn in aanu hada ka hor dhacno magaciisa.

Sidoo kale shacabka degan Jaamacadii umada Soomaaliyeed rag baa dejiyey iney dhismahaas deganaadaan oo jaamacad private ah Mogdisho ka furtay iskama degana shacabkaasi halkaasi halkii lagu mashquuli lahaa iyaga iney dhismayaasha jamacada Umada Soomaaliyeed ka baxaane Soomaalida wey is taqaanaa ee dowlada xalka meeshow ka jiro haka abaarto hadii kale awooda ay sheegtay haka dhabeyso iyagaa shaqsiyaadkii dejiyey banaanka imaan doona oo idaacadaha Mogdisho ka hadli doona.

Sikastaba marka ay dowlada bilaawdo in shacabka laga saaro xarumaha dowlada kuwii ka baxa waa la gartay kuwa diidi doona dadka ay ka amar qaataan ayaanu bulshada u soo badhigeynaa magacyaooda iyo wadamada ay ku nool yahiin qurbaha waayo waxaa jira shasiyaad ku nool Yurub iyo America oo uu dhaqaalo ka soo galo xarumaha dowlada oo ay siyaabo kala duwan u isticmaalaan dadka degan ayuu yiri shaqsi magaciisa ku soo gaabiyey Xusen oo reer Mogdisho ah.

Ugu danbeyn hadii lagu guuleysto in shacabka degan dhismayaasha dowlada laga saaro waxaa siweyn u camirmi doona magaalooyinka aanu kor ku soo sheegnay maadama ay shacabka ugu badan ee xarumaha dowlada degan ka soo jeedaan degaankaasi.

Soomaaliya sida ay wax u socdaa hadii lagu wado Mogdisho waxey noqon doontaa magaalo ay u soo laabato bilicdii iyo quruxdii ay waligeed dhaxalka u laheyd ee ay ka qaadeen kooxdii USC la baxday mudo hada laga joogo 21 sano.

Isha warka Hiiraan State.
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,605,975 unique visits