Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Ciidamada Hiiraan oo dagal isku diyaarinaya, halka maamul looga dhawaqayo Hiiraan

Wararka MaantaHS:- Shirarkii maalmahan ka socday xarunta Hiiraan ee Belet Weyne ayaa maraya heer gabo gabo ah iyadoona laku wado in maalmaha inagu soo aadan ay reer Hiiraan yeelan doonan maamul ugu yaraan ku yimid wadatashi.

Shirarkan ayey ujeedadoodu aheyd sidii loola tashan lahaa saraakiisha iyo ciidamadii soo halgamay iyo waxgaradka Hiiraan iyadoona ay hada howlahu marayaan heer u muuqal eg gabo gabo. waftiga ka jooga dowlada oo maalintii shaleyto aheyd la kulmay inta badan saraakiisha hogaamineysa ciidamada Hiiraan iyo masuulka ugu sareeya Dooxada Shabelle ayaa isla gartay qaabka uu noqonayo maamulka loo sameynayo Hiiraan dhawaantan.

Sidoo kale kulamada ugu muhiimsan ayaa ah kuwa maalmaha inagu soo aadan lala yeelan doono waxgaradka oo iyagu u muuqda kuwo ay soo laabatay karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeen oo ay horey uga qaadeen argagixisadii ka talin jirtay magaalada oo odoyaasha ku dhax garaaci jiray bartamaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay ka talin jireen.

Maamulkaan loo sameynayo Hiiraan ayaa sida lagu wado noqon doona mid kumeel gaar ah kadibna waxaa gudaha Hiiraan laga hirgalinayaa mudada uu jiro maamulkaas sidii loogu qaban lahaa gudaha Hiiraan shirweyne guud oo ay ka soo qeyb galaan reer Hiiraan kaasi oo iskugu jira dib u heshiisiin iyo sidii Hiiraan looga hirgalin lahaa maamul goboleed ay bulshadu soo dooranayaan cidii hogaamin laheyd walow arintaas qaabka loo diyaarinayo loo saari doono gudi aqoonyahano ah oo soo qaabeeya howshaas ka hor inta uusan dhamaan xiliga kumeel gaarka ah ee u jiri doono maamulka cusub ee lagu wado in loo sameeyo reer Hiiraan dhawaantan.

Guulaha ugu weyn ee la gaaray ilaa hada waa in shacabku ay si nabad ah ugu shiri karaan magaalada iyagoo ka tashanaya aayahooda iyo danahooda.sidoo kale waxaa magaalada dibada ka jooga ciidamo xoogan oo ku jiray 24kii saac ee ugu danbeysay diyaar garoow iyadoo maalmaha lagu dhawaaqayo mamulkaan lagu soo deyn doono magaalada si ay u ilaaliyaan nabadgalyada magaalada.

Durbaba waxaa sara u kac ku yimid iibka dhulka oo 25% qiimahii la kala siisan jiray ay ku darsoontay maadaama ay magalada Belet Weyne dib ugu laabteen qurbo joog badan oo horey ugu sugnaa deganada ay Soomaaliya nabada ka jirtay sida Puntland iyo Soomaaliland halka tiro kalena ay si toos ah ugu tageen qurbaha iyo magaalada Mogdisho.

Siyaasiyiin badan ayaa lagu wada iney si dhib la,aan ah ula shaqeyn doonaan maamulka cusub maadama mustaqbalka dhaw ay Hiiraan ka dhici doonto doorasho guud oo ay bulshadu yeelan doonaan maamul goboleed ku yimid rabitaankooda.

Mudadii ay joogeen waftiga ka socday dowlada ayna la kulmeen dhamaan beelaha Hiiraan ayey dhamaantood isku raceen in ay doonayaan maamul goboleed laakinse maadaama ay masuuliyiinta reer Hiiraan ugu jirta dowlada ay taladii kula soo laabteen bulshada oo ay ugu yaraan darajeeyeen waxgaradka waxaa loo fasaxay iney maamul ku meel gaar ah hadii ay xal u arkaan soo dhisaan ayna taageerayaan beelaha Hiiraan laakinse waxii maamulkaas ka danbeeya ay bulshadu dhisan doonto maamul goboleed qofka hogaaminayana uu mari doono doorasho.

Arintaan mamulka cusub loogu sameynayo Hiiraan ayaa waxaa lagu darajeynayaa masuuliyiinta dowlada si ay iyaguna marka ay meesha ka baxaan berito dhib la,aan ula shaqeeyaan siyaasiyiinta iyaga ka danbeysa si bulshada loogu furo jabtar cusub si midba midka ka danbeeya intii uu lugooyn lahaa ugu tanaasulo.

Isku soo duuboo ciidamada Hiiraan waxa lagu wargeliyey iney u diyaar garoobaan dagaal saf balaaran ah oo ay Hiiraan oo dhan kaka saarayaan kooxda Shabaab, walow sida warar horu dhac ah lagu helayo qaar badan oo Shabaabka Hiiraan ka tirsan ay doonayaan iney hubkooda iska iibiyaan si ay wax ay cunaan ugu iibsadaan maadaama ay mududadii ay ku sugnaayeen magaalada Belet Weyne guursaden xaasas badan ayna istaagtay canshuurtii ka soo gali jirtay magaalada iyagoona aad ugu rafaadsan dhulka buuraleyda ah waliba saraakiil xarakada ka tirsan oo aad u daneynaya iney qaataan heshiis buuxa sida muuqatana dhegaha laga fureystay waxii ka danbeyey qaraxii dhawantan ka dhacay magaalada Belet Weyne.

Ciidamada Hiiraan ayaa lagu wadaa in la siin doono mushaar ka hor inta aysan dagaal weyn galin maadmaa ay mudo ku jireen dagaal oo aan wax mushaar ah la siinin, kadibna iyagaa socon doona ilaa intii ay ka sifeeynayaan Hiiraan oo dhan Shabaabka ku dhuumaleysanyo dhulka miyiga ah. sida warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan ciidamada Hiiraan waxaa dagaalka kala qeyb qaadan doono ciidamo reer miyi ah oo iyagu isku abaabulay degaan degaan oo aan dooneyn iney galaan dagalada lagu qaadi doono magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan kuwaasi oo intooda badan ku sugan dhulka fog ee u dhaxeeya Bulo Burde iyo Maxaas iyagoo halkaas ku sugan tan iyo markii laga saaray Shabaab magaalada Belet Weyne.

Ugu danbeyn Shabaab Soomaali waa isdeeyeen waxeyna intooda badan hada ku sii qul qulayaan amaba ku biirayaan kooxda dagaalka ka wada dalka Najeeriya ee la magac baxday Boga Xaram.Shabaab waxaa ku dhacay wax aan halkaan lagu soo koobi karin waxaana cajib ah sida ay hal mar kalsoonidii shacabka u lumiyeen.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,605,647 unique visits