Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS: -Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow Moh’ed oo sheegay in uusan shirka London

Wararka MaantaHS:-Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuuno Max’ed oo maanta khudbad ka jeediyey kulan ay iskugu yimaadeen xildhibaanada xarrunta golaha shacabka ayaa sheegay in shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska uusan baarlamaanka Soomaaliyeed ka qeybgalkiisa boos uga banaaneyn.

Wuxuu sheegay gudoomiyuhu in shirkaas ka qeybgalkiisu uu u yaalo xukuumadda, islamarkaana looga baahan yahay in wixii kasoo baxa ay baarlamamaanka horkeento.

“Shirka Lonodon baarlamaanka Soomaaliyeed boos ugama banaana,waxaa iska leh ka qeybgalkiisa xukuumadda, iyada ayaana laga rabaa in wixii meeshaas lagu soo go’aamiyo in ay hor keento baarlamaanka, waa haddii la raacayo sharciga dalka u yaalla, laguna dhaqmaayo” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow Mohamed oo ay dhawaantan u doorteen baarlamaanka Soomaaliya gudoomiyaha cusub ee bedelay Shariif Hasan Shiikh Aden oo hada ah xildhibaan ka mid ah baarlamaanka.

Sikastaba kulamadii baarlamanka oo iska xirnaan jiray mudada waxaa ugu danbeysay Shariif Hasan oo baarlamaanka sidii xoolahii markii uu doonane shirin jiray marka kalena furaha la'aadi jiray dibada.tan iyo markii uu xilkan la waregay gudoomiyaha cusub waxaa joogto u socda kulamada baarlamaanka taasi oo aad u yareysay faragelintii badneyd ee ay aduunyadu ku sameyn jirtay baarlamaanka Soomaaliya sida shirkii taariikhda galay ee loogu magac daray Kampala Acord ee shaqada looga ceyriyey r/wasaare Farmaajo bartamahii sanadkii tagay.

Ugu danbeyn dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka baxo xiliga kumeel gaarka ah iyadoona mudanayaasha hada jira lagu wado ineysoo dooran doonaan gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha Soomaaliya si loo helo dowlad rasmi ah oo dalka ka dhalata loogana bad baado dhagartii joogtada aheyd ee ay bulshada Soomaaliyeed ku soo jireen mudada fog tan iyo markii ay dalka Soomaaliya ka curteen dagaalada sokeeye

Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya iyo inta badan mudanayaasha baarlamabka ayaa lagu wadaa iney dalka u hilin doonaan kuna dadaali doonan sidii looga saari lahaa xiliga kumeel gaarka si looga bad baado in dalka la galiyo maxmiyad amaba gumeysi dadban sida qorshuhu yahay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa 10kii sano ee ugu danbeysay u afduubnaa shaqsiyaad Soomaali iyo janabi ah iyagoona dalkii ka dhigay mid aan la kala laheyn oo xaaladiisu maalinba maalinta ka danbeysa ka sii dareysay.shaqsiyaadkii Soomaalida ahaa midkii ugu damiirka xumaa waa laga taqalusay kuwa kalena waxbo kuma qaadan doonto Soomaalida hadii la helo dad xilkas ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka naxa ayuu yiri Haaji Cumar oo reer Mogdisaho ah xili uu la yaabanaa r/wasaare Farmaajo oo dalka laga masaafurinayo Shariif Hasan iyo Mahigana ay dabaal degayaan sanadkii tagay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,604 unique visits