HS:- Ciidamada Hiiraan oo ay isku soo dhiibeen dagaalyahano Shabaab ka tirsan.
Posted by admin on February 29 2012 12:26:06
HS:- Ciidamada Hiiraan oo ay isku soo dhiibeen dagaalyahano Shabaab ka tirsan. wararka maanta Feb,29/2012
Extended News
HS:- Kadib markii looga itaal roonaaday kooxdii mayalka adkeyd ee Shabaab gacan ku heynta qeybo badan ka tirsan Hiiraan oo ay ku jirto caasimada Hiiraan waxaa maalinba maalinta ka danbeeya laga soo sheegaya dhulka buuraleyda ah ciidamo ka tirsan Shabaab oo doonaya iney nabad ku bedeshaan dagaalka doonayaane cid damaanad qaata naftooda maadama ay tacadiyo aad u xun xun u geysteen shacabka Hiiraan iyo guud ahan koofurta Soomaaliya.

Hadaba waxaa maalintii shaleyto aheyd isku soo dhiibay ciidamada Hiiraan ee ay wada shaqeynta ka dhaxeyso ciidamada dowlada Ethiopia qaar ka tirsan horjoogayaashii Shabaabka Hiiraan iyagoona isku soo dhiibay saraakiisha ciidamada Hiiraan ee ku sugan halkaasi. horjoogahaan oo wakiil ka ahaa ciidamo iyo saraakiil kale oo Shabaab ah oo jidka ku soo jira ayaa doonaya inuu heshiis ku bedesho colaada taasi oo dhawaantan lagu wado in gudi loo saaro marka uu Hiiraan soo gaaro maamul ay ka soo shaqeeyeen masuuliyinta dowlada ugu jira reer Hiiraan sida wasiirada iyo xildhibaanada oo lagu wado in uu Hiiraan ka howl galo maalmaha inagusoo aadan.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net