HS:- Mahiga oo afka furtay kadib markiiuu arkey baarlamaanka Soomaaliya oo awoodiisa korortay.
Posted by admin on March 03 2012 10:27:13
HS:- Mahiga oo afka furtay kadib markiiuu arkey baarlamaanka Soomaaliya oo awoodiisa korortay.wararka maanta March,3/2012
Extended News
HS:- Tan iyo markii ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya gudoomiye u doorteen Madoobe Nuunoow Mohamed waxaa si habsami leh howshooda u wata amaba u socda kulamadii baarlamaanka taasi oo rajo beel ku riday Mahiga iyo shariif Hasan oo beesha caalamka waxaan jirin u sheegeen iyagoona hada ka wal walaya kulamada baarlamanka oo ay hada bilaabeen siyaasiyiinta iney si toos ah iyo si dadban ula shaqeeyaan baarlamaanka hada jira.

Mahiga ayaa hal mar arkey inuusan wax awood ah ku laheyn bulshada Soomaaliyeed gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan oo loo isticmaali jiray bur burka dalka iyo dadka Soomaaliyeed kadib markii uu Mahiga isku bedelay dalaal doonaya inuu dalka Soomaaliya kala jar jaro.

Wakiilka qaramada midoobay oo u muuqda mid ku fashilmay shaqada ay u xil saartay QM sida la sheegana guursaday gabar Soomaaliyeed oo barta luqada soomaaliga kadib markii uu iska dhaadhiciyey in aan dalka Soomaaliya la kala laheyn ayaa caro kala dul dhacay r/wasaarahii hore ee Soomaaliya hadaladiisane waxa ka mid aha "Farmaajo waxuu ku dagaalamayaa cidiyaha si u siyaasada ugu soo laabto" waa yaabe Farmaajo sow dalka isaga iskama laha Mahiga xagee ka soo galay, maxaase isaga galiyey siyaasada sow ma aheyn ergay UN-ka ka socda?

Reer Xamarka waxey dhahaan luuq luuq marow laasin laamigaas maraa Mahiga Road Mapkii uu shaqada kaka ceyriyey Farmaajo siduu Soomaali uga dhaadhicin lahaa isagaa laga rabaa yuusan hada qeylin ayey tiri hooyo Soomaaliyeed oo reer Mogdisho ah waxeyna iyadoo sii hadleysa hadalkeeda sii raacisay hadii mar hore la heli lahaa baarlamaan sidan u shaqeeynaya oo aan safaro aadeyn kaliyana howlahooda shaqo sidan u wata dalka iyo dadka lama qiyaaneen.

Ugu danbeyn midabka rasmiga ah ee Mahiga iyo Shariif Hasan waxaa la arki doonaa marka ay rasmiyan baarlamaanka Soomaaliya ku dhawaaqaan xiliga ay doorashada dhaceyso oo ay musharaxiinta soo gudbinayaan araajidooda maadaama ay tartanka soo socda u taagan yahiin aqoonyahano fara badan oo Soomaaliyeed taasi oo aad uga careysiin doonta Mahiga iyo xulufadiisa.

Hadalka Mahiga waxuu ka turjumayaa sida u Shariif Hasan ugu fashilmay siyaasada uu garab uga raadsanayo Mahiga oo aan wadanka u dhalan.hadii Mahiga sii wado dhaliilaha uu u jeedinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed waxey iyaduna sharaf dhac ku noqoneysaa dowlada hada jirta maadama uu Mahiga u hadlayo nin dalka maamula oo madax ka ah ookale, waxii uu doonana sameyn kara qofkii uu doono oo Soomali ahna siyaasada ku duri karo si uu wadankiisa u nacsiiyo.

Shacabka Soomaaliyeed kuwooda kusugan dalka waxey leeyahiin qandaraas danbe oo uu Mahiga dalka ka fuliyo uma harin ee ha is dajiyo xiligiisii lama joogo dalkana waxuu ka baxayaa xiliga kumeel gaarka hada kadibna dal ku gal ayuu u soo qadan doonaan sida uu hada yahay ma noqon doono.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net