Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo ay shabakada Hiranstate la yeelatay afhayeenka cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan State (Elmi Yare).
Posted by admin on January 13 2011 14:28:48
Khamiis 13,Janaayo 2011 (HSOL)Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo ay shabakada hiranstate la yeelatay afhayeenka cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan State (Elmi Yare).
Extended News
Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo ay shabakada hiranstate la yeelatay afhayeenka cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan State (Elmi Yare).

HS.COM Mudane Afhayeen: waxaad inooga warantaa qorshaha dhaw iyo midka fog ee xukumada HS.

Afyaheenka HS: Bismilaahi raxmaani raxiim waxaan marka hore halkaan mahadbalaran ugu soojeedinayaa dhamaanba intii suuro galisay maamul goboleedkani ay sameysteen shacabka reer Hiiraan intoodii damiirka laheyd isku dayga ay isku dayeen arintani oon u arko mid guul ah.Intaas kedib.

Xukumad iyo nidaam dowladeed marka laga hadlayo waa noocyo badan yahiin midkastana dad baa u madax banaan inuu ka hadlo marka aniga ka afhayeen ahaan howsheydu waxey tahay oo kaliya go,aanka iyo macluumaadka dowlada oo ay soo gudbiyaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta dowlad goboleedka in aan bulshada inteeda kale gaarsiiyo, shaqada xilka aan ku magacaabanahayne waa uun intaas soo gudbin fikirka xukumada.

HS.COM: Sida aanu bogan ku soo daabacnay maalintii shaleyto aheyd waxaa qorshaha dowlada soo gudbiyey wasiirka warfaafinta laakinse warqadaasi laguma faahfaahin qaabka aad ula wareegeysaan guud ahaa gobolada HS oo maanta ku jirto amaba ay ka taliyaan kooxda Shabaab marka maxaa qorshe ah oo arintaas u diyaariseen?.

Afhayeenka HS: Walaal arimaha amaanka iyo qaabka ay xukumadu ula wareegeyso HS waxaa haboon in aanu ka wareysano wasiirada ay howshoodu tahay amni soo celinta sida difaaca iyo Amniga amaba wasaaradaha howshaasi ku shaqo leh laakinse hadaan jawaabta oo sax ah kuu soo gaabiyo Shabaab dalka iyo dibada meel aanu ku cafineyno ma jirto sidaasi daraadeed kan qorayga wato ee Hiiraan xabada ka ridayo iyo midka dhaqaalaha ugu dirayo dibada labaduba isku si ayaanu ula dagaali doonaa.

HS.COM: Sidaad ka warheyso Shabaab waa koox ku xiran wadamo iyo ururo ajaanib ah inta badana koofurta Somaliya iyagaa ka taliya sideey u suuro gali kartaa in Hiiraan oo kaliya laga xoreeyo mise u maleyneysaa in aad ka guuleysan kartaan?

Afhayeenka HS: Shabaab in aanu ka guuleysano iyo in aanu ka guuleysan weyno waa wax ku xiran Alaahu Subxaanahu watacaalaa, laakinse waxaan kuu sheegayaa in aanu dhinackasta kala dagaali doono oon degaanadeena ka xoreysan doono Argagixisada diinteena macaan ee waxkastoo wanaag ah ku idil yahiin ka dhigay diin colaadeed oo shacab muslin ah lagu dhibo waliba umada Somaliyeed oo dhibaatooyin kala duwan ka soo gaareen colaadaha 20 jirsaday iney xubnaha jirkooda si micno daro ah u jarjaraan kama yeeli doono hadaanu nahay maamulka HS.

HS.COM: Mudane Afhayeen: waxaanu og nahay in ay dalka joogaan 8000 oo Amisom ah iyo ciidamo dowlada federalka ah sidaasi daraadeed iyadoo awoodaasi jirto hadane dowladii dhexe ayaa Mogdishu ka saari la kooxda Shabaab marka maamul goboledka Hiiraan awooda intaa la eg xagee ka geenay bal dadka u iftiimi si ay shacabku u noqdaan umad bilaaw iyo dhamaad HS iyo arimahooda la socda.

Afhayeenka HS: Waa su'aal fiican horta waxaan kuu sheegayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay Hiiraan State isku haleyneyso waa kalsoonida shacabka iyo hogaankeeda. waxaa kale taasi ii dheer maamulkeenu waxuu ka faa'ideysan doonaa qaladaadkii faraha badnaa oo ay la kulantay dowlada federalka ah mudadii ay dagaalada kula jirtay kooxdaan sharwadayaasha ah.

HS.COM: Mudane maxaa kamid ah qaladaadkaasi aad is leetahay wey ka faa'ideysan kartaa HS?.

Afhayeenka HS: Walaal qaladaadkaasi ma ahan mid hada u baahan in la soo bandhigo markaanu ka faa'ideysano ayaanu bulshada u soo bandhigi doonaa marka waqtigiisa la gaaro.

HS.COM: Mudane Afhayeen: golaha wasiirada ee dhawaantan la soo dhisay intooda badan waa qurbo joog marka diyaar ma u yahiin iney dib ugu laabtaan gudaha wadanka amaba HS?.

Afhayeenka HS: In ay dib u laabanayaan iyo in kale waqtigeeda marka la gaaro ayaa la kala ogaan doonaa marka madaxweynaha HS iclaamiyo waqtiga iyo goobta.

HS.COM:Ugu danbeyn maxaad kula talin laheyd shacabka reer Hiiraan ee ku kala nool daafaha dunida?

Afhayeenka HS: Waxaan shacabka reer Hiiraan kula talin lahaa iney taageeraan HS siyaana waqti ku filan oo lagu kala ogaan karo waxqabadkeeda xumaan iyo samanba. waxaa kale oon muwaadiniinta reer Hiiraan kula talinayaa iney ka fogaadaan iney kooxdaan argagixisada ah ee shacabka dulmiga ku haya taageeraan. hadii ay ka waantoobi waayaane ay dhibaatada gudaha iyo dibada ay ku sameyndoonto.

Qasab maahan in HS la soo raaco laakinse muwaadinkii reer Hiiraan ah ee aan dooneyn HS waa inuu waqtigiisa iska sugto hadii kale uu sameysto xisbi mucaarad ah marka waqtigeeda la gaaro.

Waxaa kale oon muwaadiniinta reer Hiiraan meelkasta oo ay joogaan ku wargelinayaa in ay dhamaatay xiligii inta 100 ruux hal maalin lagu xasuuqo bartamaha Hiiraan hadane dadkii masuulka ka ahaa ay bulshada inteeda kale iska dhex joogi jireen cidkasta waanu la xisaabtami doonaa hadaanu nahay HS.

Qorshaheenu waa in aanu dhowrno xaquuqda muwaadin kasta oo reer Hiiraan ahsi cadaalad ahne ula dhaqano reer Hiiraan iyo Somaliweyn sidaasi daraadeed waa in hada kedib ay bulshadu ka baxaan qiyaaliga dibna u eegaan waxii la soo maray.

Dowlad goboleedka HS waxey aqoonsan tahay dowalda federalka Somaliya oo ay madaxweyne iyo R/wasaare ka yahiin Shiikh Shariif Shiikh Ahmed iyo Mohamed Abdullaahi Mohamed "Farmaajo"

Dowlad goboleedka HS jiritaanka iyo degaanada reer Hiiraan ma jirto cid ay gor gortan kula galeyso. waxaanu diyaarin doonaa qareeno HS ka saacida dibada si aanu ugu hortagno dhaqaalaha kooxahaan loo marsiiyo shirkado ay gacanta ku hayaan muwaadiniin reer Hiiraan ah oo ka howl gala gudaha HS.

HS.COM: Kaasi waxuu ahaa afhayeenka xukumada HS
Cilmi Kh Guled (Elmi Yare)

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net