HS:-Ururweynahii Shabaab oo magacii laga bedelay
Posted by admin on March 07 2012 11:41:36
HS:-Ururka Shabaab oo isku bedely Allaa Shiikh.maxaadse kala socotaa safiirada xilkooda laga xayuubinayo laguna bedelayo shaqsiyaad ku fikir ah xerta Allaa Sheekh?..Wararka maanta March,7/2012
Extended News
HS:- Gobolka Sh/dhexe oo hada u muuqda saldhiga ugu weyn ee argagixisada koofurta Soomaaliya waxaa ku sugan hogaamiyaal sar sare oo ka tirsanaa ururkii horey loo dhihi jiray Shabaab dhawaana la baxay Al qacida kadibna isku bedelay Allaa Sheekh.

Kadib markii ay ku guuleysteen madaxweyne Shariif iyo koox horey ugu tirsaneyd Shabaab oo u badan midowgii maxkamadaha Islaamiga in ay 50% gacanta ku dhigaan dhalinyarada ku dagaal gala magaca ciidamada dowlada oo ay qaarkood si gooyni ah u soo tababarteen ayaa wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaraya Sh/dhexe waxey sheegayaan in magacii guud ee kooxda Shabaab lagu bedelay Allaa Shiikh ciidamada Shabaab ee ku sugan Sh/dhexena sidooda magacaas Allaa Sheekh u qaataan.

Dhinaca kale qorshe ay doonayeen kooxda Allaa sheekh ee u horboodayo Shariifka ay u harsan tahay dhawrka bilood ayaa qorsheynaya iney xilal muhiim ah ka qaadaan dhawr safiir si mudada uu Shariifka joogo ay dhawr wadan safiiro uga noqdaan rag kooxdaan ka soo jeeda oo hada qaarkood dibada ku sugan.

Wadamada la doonayo in la bedelo safiiradooda waxaa ka mid ah

Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya oo isagu dhaawac ah loona cuskaday inuusan xilkiisa gudan karin dhawaana isbedel muuqda ayaa lagu sameynayaa shaqaalaha safaarada iaydoo ay dalka Kenya ku sugan yahiin labo ruux oo midkastaba kan kale leeyahay aniga aah safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya maadama Shiikh Shariif ay agtiisa wax caadi ah ka tahay warqad qof loo qoro oo la yiraahdo orod halkaas xil ka qabo ileen hanaanka dowladnimo ayaaba dhib ku ah isaga iyo kooxdiisa Allaa Sheekhe.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in safiirka dalka Qatar la bedelayo inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in uu hada ku sugan yahay dalka Qatar madaxa Allaa Sheekh ee ururka cusub ee daljir nin magaciisa lagu sheegay Daahir Maax'ud Geelle oo isagu ay gacantiisa ku jirto warqadii lagu magacaabi lahaa safiirka cusub oo hada sida la sheegay ku sugan Mogdisho kana mid ah qurba joogta.

Sidoo kale waxaa la bedelayaa safiirka Ugandha u fadhiya Soomaaliya,Waxaa sidoo kale arintaan daba socda in gobolada dalka loo magacaabo shaqsiyaad ka soo jeeda ururka Allaa Sheekh amaba horey ugu tirsanaa midawgii makamadaha Islaamiga iyadoona qorshahaas lagu tijaabinayo gobolada Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka walow ay kooxda ku guuleysan waayeen qorshe ay doonayeen iney Hiiraan ugu magacaabaan ninka hada sheegta Dooxada Shabelle oo horey uga tirsanaa jiray midawgii maxkamadaha hadana ku biiray kooxda Allaa Sheekh ayna oori wadaag yahiin madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa dhawr habeen ka hor ku fashilmay qorshe uu ku doonayey inuu Hiiraan u magacaabo madaxa Doxada Shabelle isagoo isku dayaya inuu garab maro wasiirada iyo xildhibaanada dowlada ugu jira reer Hiiraan oo iyagu la tashiyo badan oo ay la soo yeesheen waxgaradka Hiiraan kadib isla meel dhigay maamul ay raali ka yahiin bulshada Hiiraan ,waxana arintii laga war helay xili danbe weyna fashilantay.

Dhibaatada iyo fashilka siyaasadeed ee madaxweyne Shariif oo soo xoogeystay waxii ka danbeyey shirkii London ee loogu sheegay isaga iyo kooxdiisa ineysan sii joogeyn bisha 8aad waxii ka danbeeya waxuu gacantiisa ku qoray ku dhawaad 20 warqadood oo u udoonayo inuu shaqada kaka qaado masuuliyiin iskugu jira safiiro, saraakiil iyo shaqsiyaad uu u magacabayo xilalka gobolada dalka kuwooda laga xoreyo Shabaab oo hada la baxday Allaa Sheekh.

Gobolka Sh/dhexe oo maalmahii la soo dhaafay la ciir ciirayey ciidamo Shabaab ah iyo hub ay leetahay kooxdaan cusub ayaa lagu wadaa inuu noqon doono saldhiga ugu weyn ee Shabaab Allaa Sheekh, kadib markii ay kooxda quul dareeyeen in ay kusii jiri karaan siyaasada Soomaaliya hub la'aan iyo ciidan la'aan si ay korkortan siyasadeed u helaan.

Sikastaba marka xaalada dhinackasta laga eego dadalada ay kooxdaan ku doonayan iney hubkii Shabaab la wareegaan iyagoo sheeganaya Allaa Sheekh ma ahan wax maanta sidaas u adag maadama 3dii sano ee uu Shiikh Shariif Xafiiska joogay ay wada shaqeyn rasmi ah ka dhaxeysay kooxdaan iyo isaga.

Guulaha ay kooxdu gaareen waxaa ugu weyn in ay gacanta ku dhigeen idaacada ku hadasha codka dowlada ee Radio Mogdishu oo uu gacanta ku hayo shaqsi ka tirsan xerta Allaa Sheekh oo magaciisa lagu sheegay Cabdraxiin Ciise Cadow oo ah shaqsiga hada si rasmi ah u maamula idaacada. sidoo kale waxey magalada Mogdisho geeysteen madbacad iyo printer casri ah oo lagu daabaco sawirada waaweyn ee poster-ka ah si ay meelkasta oo Mogdisho ka mid ah looga arko marka ay soo dhawaato doorashada magaca ururka cusub ee Allaa Sheekh.

Hadaba la soco wararkeena danbe ee ururka Shabaab amaba Allaa Sheekh oo hada ay xaruntooda ugu weyn tahay Villa Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net