Qaar ka mid ah masuuliyiintii dhawaantan loomagacabay D/goboledka HS ayaa xiriir la sameyey saraakiisha ku sugan halkaas.
Posted by admin on January 14 2011 15:12:26
Jimco 14, Janaayo 2011 (HSOL) Masuuliyiintii dhawaantaan loo magacaabay qaarkood kuwasi oo iskugu jira saraakiil iyo wasiiro ayaa durbaba bilaabay iney la xariiraan qaar ka mid ah saraakiisha ku sugan gudaha Hiiraan.
Extended News
Jimco 14, Janaayo 2011 (HSOL) Masuuliyiintii dhawaantaan loo magacaabay xilalka kala duwan qaarkood kuwasi oo iskugu jira saraakiil iyo wasiiro ayaa durbaba bilaabay iney la xariiraan qaar ka mid ah saraakiisha ku sugan gudaha Hiiraan. si bal u ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gudaha iyo muwqifka rasmiga ah ee saraakiisha qaarkood.

Ka hor intii aan la magacaabin golaha wasiirada xukumada HS iyo taliyaasha kala duwan ee ciidamada waxaa howsha dhan qaban jiray oo kaliya madaxweynaha HS iyo shaqsiyaad iyagu aan wax xil ah heyn oo isxilqaamay, halka ay hada howshu u muuqato mid ka sahlan sidii hore maadama masuulkasta oo ku magacaaban xil uu hada howsha ugu horeysa ka bilaabayo xog aruurin dhinackasta leh si loo ogaado baahida rasmiga ah ee halkaas ka jirto.

Golaha wasiirada iyo inta badan masuuliyiinta D/G Hiiraan State waa dad intooda badan ku soo barbaaray nidaam dowladeed hadey noqon laheyd xiligii ay Somalidu Somali aheyd amaba wadamada ay maanta kunool yahiin ee qurbaha. arintaani ayaa muujineysa sida ay uga go'an tahay masuuliyiinta dowlada iney u maraan waxkasta oo ay Hiiraan ugu soo celin karaan gacanta dadka u dhashay.

Dhinaca kale madaxweynaha HS ayaa lagu wadaa inuu dhawaantan qabto marka uu dalka dib ugu laabto shir jaraa'id kaas oo ujeedadiisu tahay sidii ay golaha wasiirada iyo madaxda D/G Hiiraan State ay ku soo gali lahayeen gudaha iyadoo uu madaxwenahu mudo cayiman u qaban doono masuuliyiinta D/G HS ee Somaliya ee uu dhawaantan magacaabay.

Golaha wasiirada ayaa waxey isku qeybin doonaan labo qeybood kuwaasi oo ka howl gali doonaa gudaha iyo dibada maadama ay dibada ku nool yahiin muwaadiniin badan oo reer Hiiraan ah. waxaa kale oo taasi daba socda in ay qaar masuuliyiinta xukumada ee dhawaantan la magacaabay ay hada u ololeynayaan sidii ay xukumada qeybaheeda kala duwan uga dhaxmuuqan lahayeen shaqsiyaad ay karti iyo aqoon ku ogyahiin iyagoo madaxweynaha HS Dr Mohamud Abdi Gaab u gudbinayo codsiyo kala duwan oo arintaasi wax looga qabanayo.

Sacabka Somaliyeed ayaa iyagu marka wax la dhiso dhaliilo ka keena markii lagu dhawaaqay golaha wasiirada ee D/G HS waxaa durbo bilaawday qeyli iyo celadhaan ku wajahan in golaha wasiirada badan yahiin, 24 saac kedibna waxaa bilaabatay reer hebel meeqaa ugu jirta. maantane waxey mareysaa boos haley raadiyo taasina waxey ku tusineysaa sida ay shacabka Somaliyeed intooda badan ay xukun doonka u yahiin oo ay cidkasta u dooneyso iney shaashada iska dhax aragto. taas oo hada muujineyso inba dadku iska iloobaan iney mucaaradaan xukumadani cusub ee u curatay bulshoweynta reer Hiiraan.

Insha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net