HS:-Siyaasadaha isdiidan ee madaxweyne Shariif, R/wasaare Gaas iyo go,aanka .
Posted by admin on March 20 2012 23:17:46
HS:-Siyaasadaha isdiidan ee madaxweyne Shariif, R/wasaare Gaas iyo go,aanka baarlamaanka Soomaaliya ee doorashada soo socota.wararka caawa march,21/2012
Extended News
HS:- Inkasta oo aysan dalka Soomaaliya ka jirin siyaasado leysku haleyn karo amaba hadaan sikale u dhigno dowlad Soomaaliyeed oo min madaxweyne, r/wasaare ilaa baarlamaan ay wada wadaqeyni ka dhaxeyso, hadane waxaa ka muuqda masuuliyiinta TFGda siyaasado isdiidan oo intooda badan ku saleysan nin jecleysi iyo tartan iyaga dhexdooda ka dhaxeeya marka laga reebo iney bulshada soo hor istaagaan iyagoo wada socda hadaba meeshii markaasi laga casuumo amaba ay xafladi ka jirto magaalada Mogdishu amaba qurbaha.

Marka aad dalka dibada ka joogto waxuu u muuqdaa mid ka soo reynayo amaba ay ka soo
reyneyso xaalada nololeed iyo nabadgalyo ee ka jirta koofurta Soomaaliya siiba caasimada Soomaaliya ee Mogdishu, hayeeshee marka dhinaca siyaasada la eego waxey u muuqataa inuu waqtiga si sahlan oo waliba deg deg ah uga dhamaanayo hogaanka sare ee dalka ee bartamahii sanadkii tagay ku faraxsanaa xiligii loogu kordhiyey mudada halka sono ah shirkii Kampala Acord ee dalka u horseeday amaba Soomaalida ka dhigay wadan aan laheyn dad wadaniyiin ah oo u naxa maadaama lagu tuntay qaranimadii iyo madax banaanidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo xiligaasi waxii ka danbeyey awoodii dalka loo gacan galiyey wadamada ku bahoobay IGAD dadkii Soomaaliyeedna ay noqdeen nin buka boqol u talisay.

Bal aanu dul marno jahwareerka siyaasadeed ee ka dhaxeeya madaxweynaha, R/wasaaraha iyowaliba mudanayaashii soo doortay.

Madaxweyne Shariif oo islahaa waxii ka danbeyey shirkii Kampala Acord waad guuleysatay oo waxaad heshey mudo kordhin walwal badana aan ka qabin doorashada soo socota waxaa hada heysta bur bur siyaasadeed kii ugu xumaa waxii ka danbeyey shirkii London oo ay siweyn iskaka dhax arkeen dowladahii xadka Kenya kaka qaday diyaarad kadibna dalka Soomaaliya dib ugu soo celiyey isagoo la leeyahay waxaad tahay madaxweyne xili dagaal lagu jabiyey midawgii maxkamdaha kuwaasi oo aanu ka xusi karno dowlada Mareykanka oo siweyn maaxweyne Shariif ugu weeraray shirkii London.

Sidoo kale waxaad moodaa culeyska kale ee Shariifka heysta inuu ka yimid wax badan oo qiyaali ku dhisnaa oo ay horey uga dhaadhiciyeen siyaasiyiin Puntland ka soo jeeda xiligii uu martida ugu ahaa magaalada Garoowe ayaa hada u muuqda ineysan meel mar noqon waxuuna u muuqdaa nin ay ka daneysteen reer Puntland oo iyagu markii hore ku beer laxawsanayey in ay codkooda siinayaan doorashada soo socota, taasi bedelkeediina iyagii ayaaba gursigii ay lahaayeen waanu kuu dooraneynaa ku heysta oo dhawr siyaasi soo sharaxday. sidoo kale waxaa doorashada soo socota kula tartamaya oo musharaxiinta ka mid ah R/wasaarahiisa Cabdiwali Gaas oo sida warar sugan lagu helayo ka mid ah 30ka qofood ee hogaanka dalka u sharaxan.

Hadii aanu intaas uga baxno madaxweyne Shariif iyo heerka ay ka mareyso siyasada hadane wax badan isma dhaamaan isaga iyo r/wasaarahiisa kaliya waxey ku kala duwan yahiin magacyada ay wataan, waayo R/wasaaraha Soomaaliya waxii ka danbeyey shirkii London waxuu u muuqdaa nin aan marnaba xilka uu hayo laga qaadi karin kuna yimid heshiiskii Kampala Acord waxii uu doonana sameynayo marka la eego dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee kala qabsaday isaga iyo mudanayaashii doortay ee ka dhigay r/wasaaraha sharciga ah.

Dhacdooyinkii ugu danbeyey ee dhax maray R/wasaare Gaas oo isagu wali u heysta in uu jiro qilaafkii baarlamaanka amaba u heysta in baarlamanku yahay labo garab ayaa waxaa warqad uu dhawaantan soo qoray gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunoow una qoray xafiiska R/wasaaraha ku weydiistay mudo dhawr sano ah oo aan wax mushaar ah la siin mudayaasha in wax laga qabto kadibna sida warar lagu kalsoonaan karo oo intooda badan ka imaanayey xafiiska r/wasaraha ayaa sheegaya inuu qashinka kudaray warqadii ka timid gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunoow.

Mudo kadib ayaa waxaa iyagana warqad la mid ah midaas soo qoray xildhibaano horey ugu fikir ahaa gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan oo iyaguna sidiiyoo kale r/wasaaraha weydiiyey mushaarka mudanayaasha sidii loo bixin lahaa maadama aan mudo dhar sano ah wax mushaar ah la siinin xildhibaanada. R/wasaare Gaas oo u muuqda shaqsi siyaasad ahaan is mahadiyey ayaa mar labaad warqadii mudayaasha qashinka ku daray isagoo waliba leh ma oga miyaa in baarlamaan cusub la soo dooranayo oo uu waqtigooda ku egaa shirkii Garoowe iyo wax la mid ah.

In kasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno qorshaha iyo abaabulka ay hada ka wadaan Mogdishu mudayaashu hadane waxey u muuqataa in labadaan masuul ay meel cidlo ah taagan yahiin marka la eego xaqiiqada aan leyska indho tiri karin iyo siyaasadaha laga kar karinayo aduunka waxii ka danbeeyey shirkii London.

1- Marka la eego waqtiga u harsan TFGda iyo howlaha horyaalo beesha caalamka uma muuqato iney si sahlan u kala diri doonaan baarlamaanka hada jira waxeyna u muuqataa in iyaga dib u habeyn lagu sameyn doono oo tiro cayiman laga soo reebi doono.

2-Qorshahii Roadmapka iyo dastuur u sameynta oo hadii dhaqaalo kasta la isticmaalay aan ilaa hada meel mar noqon maadama dastuur uu wadan yeesho loo baahan yahay in afti loo qaado.

3-Masuuliyiintii ugu sareysay oo aan siyaasada iyo marxalada kala guurka isku si u arkin marka laga reebo iney u sharaxan yahiin gursiga madaxweynimada oo lagu wado inuu buuxiyo madaxweyne cusub ka hor bisha 8aad sida qorshuhu yahay.

Inkasta oo ay qodobadu intaan ka badan yahiin hadane madaxweyne Shariif waxuu u muuqdaa siyasiyiintii Puntland ee uu ka dhigay iney ka fadli badan yahiin siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed amaba degaankooda ka sharaf badan yahay degaanada kale ee Soomaaliyeed dhawr bilood ka- horna aaminsaa in ay ilaah ka sokow reer Puntland kaliya wax ka dhigi karaan, waxuu u muuqdaa nin siyaasad ahaan taagan meel cidlo ah amaba hadaan si kale u dhigno inta lagu daneystay laga daneystay maadama ay gursigiisa hada u socdaan amaba u sharaxan yahiin.inkasta oo ay wararka qaarkood sheegayaan in siyaasiyiinta Puntland daacad ka aheyd iney doorashada soo socota doortaan isaga laakinse waxkasta isbedeleen shirkii London oo ay aad u quul dareeyeen in uu aad u yar yahay jaaniska uu dib ugu soo laaban karo madaxweyne Shariif.

Ugu danbeyn baarlamaanka hada jiro waxaa ka go,an iney doorashada soo socota iyagu soo doortaan madaxweynaha cusub wado kasta oo ay u maraan arintaas.

La soco wararkeena danbe iyo siyaasada Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan state