HS:- Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay waqtiga ay.
Posted by admin on March 30 2012 19:39:36
HS:-Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Madoobe Nuunoow Mohamed oo Faahfaahiyey Qaabka Doorashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay u dhaceyso iyo waqtiga ay doorashada u diyaar garoobayaan musharaxiinta.wararka caawa March,30/2012
Extended News
Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Madoobe Nuunoow Mohamed ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 30ka April 2012

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxuu sheegay in “doorashada Madaxweynaha la qaban doono 30ka Abril 2012 , kaasi oo magacaabi doona Raiisulwasaare bil gudaheed (Maajo) halka uu Ra’iisulwasaaruhu ku soo dhisi doono gole wasiiro bil gudahood (Juun) ka dibna baarlamaanku ansaxiyo Xukuumadda bisha Juulay. Xukuumadda la dhiseyana waxay ay hawlgali doontaa siddii la qoondeeyey bisha Ogosto 2012.”

Kulan balaaran oo ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka shir uu shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamanka Madoobe Nuunoow Mohamed ayaa ugu danbeyn lagu shaaciyey in ay doorashada madaxweynaha Soomaaliya dhici doonto 30 maalmood kadib iyadoona halkaas lagu magacabay gudiyadii soo diyaarin lahaa doorashada soo socota.

Sidoo kale warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in doorashada soo socota ay goob joog ka ahaan doonaan midawga Yurub oo wafti balaaran u so diraya magaalada Mogdishu, halka dowlado ay ka mid yahiin Mareykanka ay u soo dirsan doonaan quburo si joogto ah ula socda qaban qaabada doorashada.

Gudiga maanta lagu dhawaaqay ayaa waxey ka kooban yahiin 32 mudane oo ka tirsan baarlamaanka KMG kuwaasi oo isku daba ridaya doorashada soo socota. sikastaba waxaa lagu wadaa in bisha April ee inagu soo aadan uu talada dalka la wareegi doono madaxweyne cusub oo soo magacaabi doono r/wasaare soo dhisa xukumad tayo leh.

La soco warbixintii oo dhameystiran goor dhaw

Isha warka Hiiraan State