HS:-Madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya Prof Ahmed Muumin Warfaa oo siweyn looga
Posted by admin on April 10 2012 11:42:05
HS:-Madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya Professor Ahmed Muumin Warfaa oo dhawaan safar ku tagaya wadamada UK,UAE iyo Soomaaliya kadib markii uu taageero xoogan ka helay...... wararka maanta April,10/2012
Extended News
HS:-Professor Ahmed Muumin Warfaa oo ka mid ah musharaxiinta Soomaaliyeed ee u tartameysa hogaanka dalka 2012 ayaa lagu waramayaa inuu taageero uusan helin qof reer Hiiraan mudo 51 sano ah ka helay shir uu ka qeyb galay maalintii sabtiga aheyd ee ina dhaaftay.inkasta oo ay adkeyd in shirkaasi macluumaad badan laga helo maadaama sida la sheegay uu quseeyey dad gaar ah hadane waxaa lagu soo waramayaa in uu musharaxu ku helay taageero xoogan.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen dadkii ugu badnaa ee iskugu yimaada kulan noocaani oo kale ah tan iyo waxii ka danbeeyey markii uu ololahiisa musharaxnimo ku dhawaaqay bartamahii sanadkii tagay ayaa waxaa musharaxa laga dhageystay qudbad dheer oo aad u soo jiitatay dadweynahii ka qeybqaatay kulanka oo iyagu ku kala sugnaa dal iyo dibad.

Professor Ahmed Muumin ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada uu ku sugan yahay dalkeenii hooyo iyo qorshaha u degsan isaga iyo teamka ay iskula jiraan ololaha marka ay ku guuleystaan hogaanka dalka. qaar ka mid ah dadkii kulanka ka qeybgalay oo aanu xiriiro kala duwan la yeelanay ayaa inoo xaqiijiyey in uu kulankaasi wax badan ka bedelay maadaama sida ay sheegeen ay habeenkaas ka heleen musharaxa waxyaabo badan oo iyaga ku dhiiragalinaya iney taageero hiil iyo hooba u fidiyaan musharaxa.

Madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya Professor Ahmed Muumin Warfaa oo sida la sheego ah shaqsi kaftan badan ayaa dadkii ka soo qeyb galay shirka qaarkood oo ay aad isku garanayeen halkaas ku dhax maray kaftan badan iyadoona aaqirkii leysku raacay in si guud loo taageero musharaxa taasi oo u aheyd dhiiragalin aad u weyn marka la eego dadka kulanka ka soo qeybgalay cadadkooda iyo sidey ugu soo diyaar garoobeen iney bal dhegahooda ku maqlaan ololaha musharaxa iyo waxa uu tiigsanayo.

Marka laga soo tago shirkaas uu taageerada iyo dhiiragelinta ka helay musharaxu hadane waxaa lagu soo waramayaa inuu dhawaan safaro ugu kicitimayo dalka Soomaaliya isagoona kusii hakan doona wadamada UK iyo UAE gaar ahaan magaalooyinka London iyo Dubai.warar leysku haleyn karo ayaa sheegayo in uu musharaxu ku sugnaan doono 72 saac kaliya magalada London halkaasi oo uu mudada uu joogo ku yeelan doono kulamo sida loo maleynayo laga sii shaqeeyey oo uu musharaxu kula kulmi doono qeybaha kala duwan ee jaaliyada intiiba uu ka gaaro mudadaasi maadaama shirarka qaarkood sida lagu soo waramayo ay yahin kuwo diplomaasiyadeed.

Madaxweynaha mustaqbalka ayaa sidoo kale mudada uu ku jiro safarkiisa waxuu ku sii hakan doonaa magaalada Dubai ka hor inta uusan u gudbin dhawr wadan oo ka mid ah geeska Africa oo ay Soomaaliya ku jirto.

Sikasta oo ay ahaataba waxey u muuqdaan musharaxa iyo teamkiisuba kuwo u diyaar garoobay doorashada soo socota xilikasta oo la qabtaba.

la soco wararkeena danbe iyo safarka musharaxa.

Isha warka Hiiraan State