HS:-Bulshada Hiiraan oo bilaabay kala xulashada magacyada ay noqonayaan labada gobol ee
Posted by admin on April 28 2012 13:13:42
HS:-Bulshada Hiiraan oo bilaabay kala xulashada magacyada ay noqonayaan labada gobol ee mustaqbalka laga dhigayo Hiiraan iyo maagca guud ee maamul goboleed.Wararka maanya April,28/2012
Extended News
HS:- Bulshada Hiiraan ka soo jeeda amaba ku abtirsata dhulweynaha Hiiraan oo aad uga gaabiyey horumarinta iyo daryeelka dhulkooda iyo degaankooda ayaad moodaa iney dhawrkii sano ee ugu danbeysay waxoogaa dib boorka iskaka jafeen.


Bulshadan oo ah bulsho wax badan ka duwan bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed marka la eego dhinaca is dhaxgalka iyo soo dhaweynta. sidoo kale waa bulsho ku wanaagsan saaxiibtinimada oo hadaad adigoo ka soo jeeda degaan kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya marti ugu noqoto Hiiraan ay dhici karto inba aad si sahlan u hogaamiso iyagoo eegaya kaliya saaxibtinimada iyo Soomaalinimada ka wada dhaxeysa iyaga iyo Soomaaliweyn.

Laakinse markaad dib u eegto Soomaalida deriska la ah intooda badan marka degaanadooda la tago ma u dhaqmaan sida bulshada Hiiraan waayo waxaaba kala kedisan dhaqankooda iyo dhulka ay ku kala nool yahiin siiba markaad u baqoosho dhicana waqooyi ee Hiiraan Soomaalida ku nool.

Reer Hiiraan 22kii sano ee ugu danbeeyey oo ah xiliga la rumeysan yahay in uu faraha ka baxay dalkii horey loo dhihi jiray Soomaaliya maantana ay ku loolamayaan kooxo intooda badan fikrado qalafsan ka soo min guuriyey dibadaha oo iskugu jira siyaasiyiin iyo kooxo diimeedyo ayey si buuxda u taageerayeen kooxkasta oo dowladnimo ku dhawaaqda amaba sameysata magacyo urur diimeed.

Nasiib wanaag reer Hiiraan waa dad xag rabi ka nool ma jirto wax loo reebtay waxaana leysku dayey qaabkasta oo looga barakicin karo dhulka hodanka ah ee Ilaah ku maneystay iyadoo loo isticmaalayo bulshada qaar iyaga ka mid ah oo markasta meelo ka baxsan gobolka looga soo dhiibi jiray qandaraasyo intooda badan lagu dhibateyn jiray bulshada.

Waxaa kale oo ay caan ku noqdeen in lagu caayo fikrado badan oo ay iyagu u arkeen Soomaalinimo amaba dalka mar uun wax ha noqdo, taasi oo ay ka mid tahay marka ay qaar bulshada ka mid ah sameystaan koox iney iyagu kooxdaas ka qaataan waxii loo soo qoondeeyo xitaa hadii ay tahay iney kooxdaas ka noqdaan raaciye amaba ka qaataan jagada ugu hooseeysa.

Waxaa inta badan gadaal looga soo dari jiray ururada ay Soomaalida dhistaan oo ay iyagu intii dhisatay waxii nuxur leh kala soo baxaan, waligaa ma arkeysid urur ay Soomaali dhisteen oo gudoomiye looga dhigayo qof reer Hiiraan ah. hadaad Hawiyaha dhexdiisa fiiriso waxaa waxkasta noqda beelo gaar ah oo aad moodo iney waxkasta dhaxal u yeesheen, kadibna maadaama reer Hiiraan aan laga maarmin oo ay degaan bartamaha Soomaaliya waxa la raadiyaa shaqsiyaad aan dadnimo badan laheyn oo fariintii loo soo dhiiba si indho la,aan ah bulshada ula yimaada.

Sikastaba waxii ka danbeeyey dhismahii dowlad goboleedka Hiiraan State waxaa bulshada Hiiraan u baryey waa cusub oo ah iney iyagu sameysan karaan amaba ku dhiiran karaan urur amaba maamul waxaana markii Hiiraan State lagu dhawaaqay isla markiiba fikirkaas kaka dayday maamulo kale oo midna dibada lagaga dhawaaqay midna gudaha Hiiraan oo kala ahaa Hiiraan and Midland iyo Dooxada Shabelle ugu danbeyn loolankii socday waxaa ku guuleystay maamulka maanta ka taliya Hiiraan.

Hiiraan waxey soo martay marxalado ay siyaasiyiin badan oo reer Hiiraan ah cumcadooda ku baabaday kadib markii qaarkood Hiiraan oo ka danbeeya 8dii gobol ee ugu horeeyey Soomaaliya damceen in la hoos geeyo Sh/dhexe oo ah qeyb ka mid ah gobolka Banaadir.nasiib wanaag shaqsiyaadkii arintaas ku haminayey amaba isku dayey maanta magacooda sidaas Hiiraan loogama sheego iyaguna wey is ogyahiin iney fashilmeen oo wey iska aamuseen.

Hadaba maadaama reer Hiiraan 22kii sano ee ugu danbeeyey dhamaan dowladahii kumeel gaarka ahaa ragii hogaaminayey ay si toos ah iyo si dadban ula dagaaleen reer Hiiraan waxey hada awoodooda iskugu geeyeen iney la xisaabtamaan dowlada rasmiga ah ee soo socota maadaama xukumada hada jirta iyo raga hogaaminaya kala dagaaleen jagooyinkii dowlada, dhaqaalahii beesha caalamka ku bixisay magaca Soomaaliyeed iyo taaguleynta bulshada Hiiraan xiligii ay dalka ku dhufteen abaaraha sanadkii tagay oo ay Hiiraan ka mid aheyd degaanka kaliya ee aan lala gaarin macaawino iyo gurmad marka laga reebo in ay bulshada gar gaar la gaareen jaaliyada qurbaha ee degaankaas u dhashay.

Waxaa kale oo taasi ka sii daran maamulka ay Hiiraan u soo magacaabeen ilaa hada wax gurmad ah oo lala soo gaaray ma jirto iyadoo la ogyahay mashaariicda ay dowlada Turkiga ka wado dalka intiisa kale siiba degaanada ay ka soo jeedaan hogaanka sare beelahooda.

Hadaba iyadoo ay jirto intaasi oo dhan siyaasada Hiiraan maanta waxey mareysaa sidan.

Bulshadu marnaba kuma qanacsana sida ay Hogaanka hada jira u maareynayaan dhaqaalaha iyo deeqaha loogu talo galay bulshada Soomaaliyeed. bulshada Hiiraan kuma qanacsana qaabka jagooyinka dalka sida golaha wasiiarada, safaaradaha, sarakiisha ciidanka, Ilaha dhaqaalaha iskugu gedaameen beelo gaar ah. Hadaad eegto qaabka loo kala qeygsaday safaradaha dibada 90% waxa loo dhibay beelaha ay ka soo jeedaan R/wasaaraha iyo madaxweynaha liiska iyo magacyada mar dhaw filo.

Sidoo kale goor dhaw filo mashaariicda dalka laga fuliyo sida loo kala qeybsaday iyadoo laga faa'ideysanayo xiliga kala guurka ah iyo sida dalka loo boobayo.

Isku soo duuboo Bulshada Hiiraan oo dhagar badan ka bad baaday maanta waxey ku talo jiraan iney degaankooda u tashadaan iyagoo dantooda iyo mida Soomaliyeed ilaalinaya. waxeyna qorsheynayaan si ay dowlada soo socota ula xisaabtamaan iney Hiiraan ka dhigtaan labo gobol maadama aan rajo laga qabin amaba wanaag badan laga fileyn xukumada hada jirta.

Bulshadu waxey hada bilaabeen iney kala doortaan amaba fikrado is dhaafsadaan qaabka uu noqonayo maamul goboleedka ay doonayaan iney dhistaan iyo magacyada ku haboon labada gobol iyo maamulkaba. hadaba xog aruurin aanu sameynay ayaan ku ogaanay in bulshada badankood ay doonayaan in Hiiraan laga dhigo labo gobol oo kala ah

Hiiraanta waqooyi oo ay caasimad u tahay Belet Weyne iyo Hiiraanta koofureed oo ay caasimad u tahay Bulo Burde. maamul goboleedkana loo bixiyo Hiiraan State. halka xadka labada gobolna noqdo Tuulada Garasyaani. waxaan oo dhan waa wax u baahan iney ka shaqeeyaan aqoonyahano reer Hiiraan ka hor inta aan la dooran madaxweynaha Hiiraan ee lagu wado in loo maro doorasho marka u dhamaado waqtiga kumeel gaarka ah ee maamulka hada jira.mid ka mid ah waxgaradka Hiiraan ayaa laga soo xigtay isagoo leh waxaan ka xumahay caadifada iyo hagar daamada ay bulshada Hiiraan kala kulmeen dowladahii kumeel gaarka ahaa ee dalka soo maray sanooyinkii danbe,isagoo sii hadlaya ayuu yiri bal ninkii doqon ah oo lagu dul sacdo hada kadib waanu u joognaa ayuuna hadalkiisa kusoo qatimay.

Wararkii ugu danbeeyey ee Hiiraan naga soo gaaraya saacad ka horna waxey sheegayaan in ku dhawad 80 oday dhaqameed ay mudo lagu qiyaasay 6 sacadood shir la galeen madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Hiiraan C/fataah Hasan Afrax iyadoona aan la ogeyn waxa uu shirkaas kusoo dhamaaday laakinse waxey u badan tahay in waxgaradku kala hadleen mustaqbalka caruurta Hiiraan iyo jiritaankooda iyo sidii maamulkiisa ugu gudbi lahaa maamul goboleed cadaalad ku dhisan.


La soco qeybta labaad

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net