Kulan hordhac ah oo Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hiiraan State ku yeelanayaan Muqdisho.
Posted by admin on January 20 2011 20:13:40
Khamiis 20.Janaayo 2011 (HSOL)-Kulan hordhac ah oo Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hiiraan State ku yeelanayaan Muqdisho.
Extended News
Kulan hordhac ah oo Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hiiraan State ku yeelanayaan Muqdisho.

Kulankii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hiiraan State ayaa la filayaa inuu ku qabsoomo Magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ee nagu soo fool leh .

Kulankaasi oo noqon doona mid ay albaabada u xirnaan doonaan , iskuna baran doonaan Wasiirada Hiiraan State ee haatan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya , ayaa waxaa looga doodi doonaa ammaanka gobolada Hiiraan ay ka kooban tahay ee kala ah Dhagaxjibis,Deebley iyo Koonfurta Hiiraan .

Ilo wareed ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan hordhaca u noqon doona golaha Wasiirada Hiiraan State ee ka kooban 25 ľka Xubnood ay soo xaadiri doonaan oo qura Wasiirada haatan ku sugan Muqdisho .

Waxaana la filayaa in loogu yeero wasiirada kale ee Hiiraan State ee ku nool qurbaha ,kuna kala sugan wadamada Djibouti , Kenya ,qeybo ka mid ah wadamada Yurub iyo America inay ku soo galaan gudaha dalka Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan , si loogu gogol xaaro in Xukuumadda Hiiraan State ay ka howl bilowdo gudaha dhulka Hiiraan oo haatan intiisa badan gacanta ugu jira kooxda Alshabaab .

Kulanka Wasiirada Xukuumad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya ee maalinta Sabtida ku qabsoomaya Muqdisho ayaa la shaaciyay inuu hormuud u noqon doono kulan-weyne Muqdisho ay ku qabsan doonaan guud ahaan golaha Wasiirada Hiiraan State .

W/diyaariyay : Xafiiska Hiiraan State ee Muqdisho
Muqdisho-Soomaaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net