HS:- Maamulka cusub ee Hiiraan oo dayac dir xoogan ku sameeyey xabsiga dhexe iyo saldhiga booliska magaalada B/weyn,
Posted by admin on May 11 2012 16:29:33
mHS:- Maamulka cusub ee Hiiraan oo dayac dir xoogan ku sameeyey xabsiga dhexe iyo saldhiga booliska magaalada B/weyn kadib markii... (Sawirada masuuliyiinta Hiiraan)Wararka maanta May,11/2012
Extended News
HS:- Maamulka cusub ee Hiiraan oo masuuliyiinta hogaamineysa u badan yahiin dhalinyaro iskugu jira aqoonyahano, saraakiil, iyo ciidamo daacad u ah difaaca iyo soo celintii nabadii luntay ayaa maalmahii tagay gudaha magaalada belet weyne ka waday howl galoyo lagu sugayo nabadgalyada, halka ay dhianca kale ka wadeen dib u dhiska xarumaha dowlada oo hada intooda badan ay ku socdaan dayac dir halka qarkoodna lagu dhameeyey dhismahii.

Dunidani aynu ku nool nahay ma jirto dowlad amaba maamul sugi kara nabadgalyada hadii aan marka hore loo heyn goob lagu xiro hadba qofkii wax u dhimayo amaba carqaladeeyo nabadgalyada.Hadaba wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya caasimada Hiiraan ee Belet Weyne ayaa sheegayo in la soo gabo gabeeyey dayac dirka xabsiga magaalada oo laga dhisay shub culus oo ay adag tahay iney baxsadaan cidii lagu xiro. sidoo kale waxaa si rasmi ah loo howl galiyey dhismahii guud ee saldhiga booliska oo hada ah mid shaqeynaya. goobaha sida weyn looga dareemayo dayacdirka ayaa waxaa ka mid ah xaruntii gobolka.

Inkasta oo maamulka hada gacanta ku haya Hiiraan ay howsha ku cusbaayeen tan iyo markii ay qabsadeen magaalada hadane waxaa muuqata in ay hada siweyn ula shaqeynayaan bulshada Hiiraan siiba waxgaradka iyo dhalinyarada oo siweyn nabadgalyada caasimada Hiiraan wax uga qeyb qaadanayo.

Ciidamada Hiiraan oo mudo dhawr sano ah dagaalo kala duwan la soo galay kooxahii Hiiraan xooga ku heystay ee u abaabulnaa qaabka aysan qabiilka ka marneyn ee doonayey iney bulshada barakiciyaan ayaa heegan buuxa ku jira iyagoona dibada ka jooga magaalada halka ay nabadgalyada sugayaan ciidamo iskugu jira boolis iyo dhar cad taasi oo siweyn u saaciday in ay howshooda si joogta ah u gutaan gudoomiyaasha xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Belet Weyne.

Dadaalada ka socda Hiiraan waa kuwo ku dayasho mudan marka la eego marxaladahii siyaasdeed ee uu gobolku soo maray,waxaana hada aad u yar mucaaradka uu kala kulmayo bulshada maamulka hada jira, inkasta oo ay wali maqan tahay kaalintii qurbajoogta iyo siyaasiyiinta TFGda u metela bulshada Hiiraan.

Marka la eego qurbajoogta reer Hiiraan marka laga reebo tiro yar oo mararka qaarkood abaabula amaba guramad u fidiya agoonta amaba jaamacada Hiiraan hadane intooda badan waxey wali ku jiran qiyaali oo shirar aan dhamaaneyn iyo telefon diroow ayey ku jiraan iyagoon wax badan ku soo siyaadineyn dadaalada hada ka socda Hiiraan hadal maahane.

Laakinse marka dib loo eego wasiirada iyo xildhibanada TFGda ugu jira reer Hiiraan waxey iskugu jiraan wasiiro ku guuldareystay iney Hiiraan u magacaabaan shaqsi ka mid ahaa qurbajoogta oo uu watay wasiirka qorsheynta xiligii uu socday loolankii siyaasadeed ee ka taaganaa Hiiraan oo ay aaqirkii ku guuleysteen maamulka hada Hiiraan xakuma taasi oo xanaaq aawadii gobolka dhan dhegaha ug afureystay maadaama ay socon weysay sidii ay rabeen iyo koox xildhibaano ah oo uu waqtigii ka dhamaaday oo baagamuudo ku ah gudaha dalka iyo dibadiisaba oo aan war iyo wacaal u heyn nolosha iyo marxalada ay ku sugan yahiin shacabka Hiiraan.











Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net