HS:- Waa sidee xaalada magaalada afaraad ee ugu weyn Hiiraan
Posted by admin on May 23 2012 14:39:46
HS:- Waa sidee xaalada magaalada 4aad ee ugu weyn Hiiraan tan iyo markii laga saaray xoogagii ku sugnaa mudada halkaas (degmada Maxaas).Wararka maanta May,23/2012
Extended News
HS:- Degmada Maxaas oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Hiiraan ahna magaalo kaalinta 4aad kaka jirta magaalooyinka Hiiraan waxaa lagu tiriyaa iney ka yimaadeen dadka ugu fir fircoon bulshada Hiiraan kuwaasi oo intooda badan iskugu jira wax dhoofay iyo kuwo wali aan meelna uga bixin magaalada colaad iyo colaad la,aanba.

Magaalada oo soo martay marxalado kala duwan marka loo eego dalka intiisa kale amaba magaalooyinka kale ee Hiiraan aad ayuu u yaryahay bur burka soo gaaray waana magaalo cimilo ahaan aad ugu wanaagsan qoysaska siiba caruurta. sidoo kale magaalada hareeraheeda waa dhul aad u udkoon oo ku wanaagsan daaqa oo xoolaha laga geeno degamda Maxaas iyo nawaaxigeeda waa kuwa ugu hilibka macaan kana tilmaaman xoolaha kunool dalka intiisa kale amaba Hiiraanta kale siiba xoolaha ku nool dhulka u dhaw wabiga Shabelle.

Marka laga soo tago wanaaga iyo weyraadka ay leetahay magaalada bal aanu dul marno halka ay xaalada shacabka Maxaas maanta wax u marayaan siyaasad ahaan, nolol ahaan iyo waliba maamul ahaan.

Dhinaca siyasada.

Magalaada oo soo martay dagaalo badan ayna isku bed bedeleen kooxo kala ujeedo ah oo ay koox kasta dabada ku watatay dhalinyaro degaanka ka soo jeeday oo ay kooxkasta ka soo dhaadhicisay hadba fikirkii ay magaalada ku qabsan karto amaba danaheeda siyaasadeed kaka fushan karto gudaha iyo daafaha magaalada ayaa ugu danbayn waxey magaalada hada soo gashay gacanta maamulka ka arimiya Hiiraan ee ku sugan magaalada Belet Weyne, waxaana ka jiro maamul kaasi oo hada bilaabay la kulanka iyo soo dhaweynta qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan.

Magaalada waxaa ka socda isbedelo dhinaca maamulka ah iyadoona lagu wado in laga hirgaliyo ciidamo boolis ah oo suga nabadgalyada muwaadiniinta reer Maxaaseed, si ay bulshau u helaan adeegii guud ee ay magaalo lahaan jirtay.

Dhinaca caafimaadka

Magaalada marka loo eego shacabka ku nool inkasta oo lagu jiro xiligii roobabka oo uu dhulka hada yahay barwaaqo kama jiro wax la taaban karo oo xarumo caafimaad ah dadkuna hadii ay jiradaan amaba dhaawacmaan waxaa isbitaal u ah Isbitaalka magaalada Belet Weyne oo aan isagaba cago badan ku taagneyn amaba aan kaafi karin baahida caafimaad ee bulshada Hiiraan u baahan tahay maadama ay Hiiraan maanta ka mid tahay degaanada ugu dadka badan. laakinse bulshada ayaa rajo ka qabta in degaankooda laga hirgalin doono mashruucba Hiiraan laga fuliyo kii ugu baaxada weynaa kadib markii ay qurba joogta Hiiraan go,aansadeen iney halkaas ka hirgaliyaan Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqano MGH oo lagu wado iney ku baxdo ku dhawaad 700 oo kun oo dolar waase hadii rageedii loo helee.



Dhinaca hayadaha gar gaarka.

Markaan xaalada dhinackasta ka eegnay marka laga reebo magaalada Belet Weyne oo ay isku garbinayaan dhawr hayadood degmada Maxaas iyo nawaaxigeeda ma jirto NGO ka shaqeeya amaba jooga maanta badanaana magaalada waxey ka mid tahay meelaha xitaa hadii ay nabadi ka jirto aysan Hayadahu tagin waxii ka danbeeyey 2000kii, lama kala cadeyn karo in aysan iyagu rabin iyo in aanba leysku dayin iney halkaas tagaan oo ay bulshada caawiyaan madama aysan dalka ka jirin dowlad dhexe oo xoogan hayadaha gar gaarka ee ka howl gala gudaha Hiiraan.\

Dhinaca waxbarashada magaaladu waxey leetahay school hoose dhexe ilaa sare laakinse ma ahan kuwo u shaqeeya sidii la rabay walow ay dadka degamda hada heleen waqti ayba caruurtooda waxbarsho u haweysan karaan.

Sikastaba degmada Maxaas iyo nawaaxigeeda waa goob ka caagan kooxahii colaada ka waday ee isku bed bedeli jiray gacan ku heynta degmada mudooyinkii danbe waxaana ku sugan ciidamo xoogan oo siweyn looga dareemayo daafaha iyo gudaha degmada oo caawinaya maamulka cusub ee hada gacanta ku haya degamda.