HS:- Shirkii ansaxinta dastuurka ooMogdishu ka furmay
Posted by admin on July 25 2012 11:36:54
HS:-Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyo-Qoraalka Soomaaliya oo Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho xili lagu guuldareystay in xubnaha 825ya ah la soo dhameystiro.Wararka maanta July/25/2012
Extended News
HS:- Magaalada Mogdishu oo ku jirta xiligii ugu dadka badnaa ayaa waxaa maanta ka furmay shirka ansixinta dastuurka qabyada ah, iyadoo goobta uu shirku ka furmayo iyo wadooyinka Muqdihso qaarkood aad siweyn ugu arkeyso ciidamo ilaalinaya si looga hor tago weeraro.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda DKMG ah, xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika, waxaana lagu wadaa in lagu soo bandhigo magacyada ilaa 600 oo ka mid ah dadkii ansixin lahaa dastuurkaas xili intii kale aan wali la heyn.

"Ergada shirka ka qaybgalaysa intoodii badneyd waxay ku sugan yihiin goobta, inta dhimanna dib ayay ka imaan doonaan looma joojinayo howlaha socda," ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka C/raxmaan Xoosh oo ku sugan goobta uu shirku ka dhacayo.

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in shirkaan ansixinta dastuur oo aysanba xubnahii loo qoondeeyey aysan dhameyn ay xigi doonaan xubnahii baarlamaanka cusub ee soo dooran lahaa afhayeenkii baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa si howlaha intooda kale loogu gudbo.

Sidoo kale xarakada Shabaab ayaa ku goodisay iney mid mid u ugaarsan doonto cidkasta oo ka qeybgasha shirkaas lagu ansixinayo dastuurka cusub iyadoo ay dad badan ka walwalayaan in la soo bandhigo magacyadooda oo lagu soo daabaco warbaahinta.

ISha warka Hiiraan State