HS:-Madaxweyne Shariif iyo waxgaradka Hiiraan oo sidii hore iskaka soo dhawaanayo
Posted by admin on July 28 2012 20:58:40
HS:-Madaxweyne Shariif iyo waxgaradka Hiiraan oo sidii hore iskaka soo dhawaanayo.maxey tahay sababta?Faallo
Extended News
HS:-Magaalada Mogdishu waxaa ka socda loolan adag oo dhinaca siyaasada ah waxaana sida muuqata loolanka ugu weyn ee markaad Mogdishu joogta laga dareemayaa sida ay isbuucyadii ugu danbeeyey iskugu soo dhawaanayeen siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada reer Hiiraan ee ku nool Mogdishu iyo qaar ka mid ah musharaxiinta u tartameysa hogaanka dalka.

Inkasta oo aysan waxyaabo badan ku habooneyn mediyaha hadane waxaa jira waxoogaa isku soo dhawaansho ah oo laga dareemayo madaxweyne Shariif iyo inta badan bulshada Hiiraan marka la eego isbuucyadii ugu danbeeyey shirar kala duwan oo uu madaxweynaha la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan.

Hadaba maxey musharxiinta badankood muhiim ugu tahay iney helaan codka iyo taageerada reer Hiiraan?.arintaan ayaa lagu micneeyey in bulshada Hiiraan ujeedadoodu tahay kaliya sidii uu dalka Soomaaliya u noqon lahaa dal leh dowlad rasmi ah oo la jaanqaada dunida inteeda kale waana dad sida Soomaalida kale aan aqoon dhagarta iyo nin jecleysiga marba hadii qofka hogaaminaya dalka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed haka soo jeedo Hiiraan amaba degaan kale oo dalka ka mid ah, taasi oo ah arinta ugu weyn ee ay musharaxiin badan xooga u saarayaan sidii ay reer Hiiraan u kasban lahaayeen ka hor inta aysan beelahooda cod iyo kalsooni ka raadin.

Sidoo kale waa dad waxii ay go,aan ku gaaraan xumaan iyo samaan ka mira dhaliya laguna qasbi karin wax aysan rabin hadii sida wax u socdaan iyo dhaqdhaqaaqyada Mogdishu ka socda ee ay iskugu soo dhawaanayaan madaxweyne Shariif iyo bulshada Hiiraan ay sii socdaan waxaa la leeyahay jaaniska uu ku soo laaban karo mar labaad aad ayuu u wanagsan yahay Shariifka.

Sikastaba wariyaha HS.COM oo arimahan u guurgalay ayaa ku soo waramaya in Shariifka iyo reer Hiiraan ay hada siweyn iskula jaanqaadeen taasi oo laga yaabo inuusan wax caqabad ah kala kulmi doonin mudanayaasha reer Hiiraan u gali doona baarlamaanka soo socda.shirkii Jabouti ayey aheyd markii sidan oo kale siyaasiyiin reer Hiiraan ah ay ruuxa ag dhigeen ololahii uu madaxweynaha ku noqday Shiikh Shariif.

Mid ka mid ah dadkii shirkii ugu danbeeyey ka qeybgalay oo ka gaabsaday in aanu magaciisa xusno ayaa yiri madaxweynaha xaq ayuu u leeyahay inuu siyaabo kala duwna ula kulmo bulshada Soomaaliyeed maadama uu ka mid yahay musharaxiinta,awalna reer Hiiraan meel dheer kama jirin codkooda iyo dadnimadooda ee isagaa horey iyo gadaal u mari jiray hadane hadii uu dalka hogaaminayo maalmo iyo haduu mar kale ku kuuleysto xilkaan culus waanu soo dhaweyneynaa markastaba xilkaan qofkii uu Ilaah u qoro ayaa ku guuleysan lahaa laakinse dhinaceena wax caqabad ah kalama kulmi doono ayaa ka mid ahaa hadalada ugu muuhimsan taasi oo muujineyso in madaxweynaha uusan wax caqabad ah kala kulmi doonin maamulka iyo waxgaradka Hiiraan.

Wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo Hiiraan ayaa sheegaya in laga yaabo inuu safar gaaban ku tagayo madaxweyne Shariif halkaas oo sida lagu soo waramayo uu hada taageero xoogan ka heysto maamulka iyo shacabka. sida lagu helayo warar sugan shirarkii ugu danbeeyey oo dhaxmaray madaxweyne Shariif iyo waxgaradka Hiiraan oo Mogdishu ka dhacay 48dii saac ee ugu danbeysay ayaa lagu soo waramayaa in waxyaabo badan meel leysla dhigay walow aan mediyaha loo soo bandhigin arimaha laga wada hadlay.

La soco arimaha Siyaasada Soomaaliya

Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net