HS:- Ciidamada Maamulka Hiiraan oo
Posted by admin on August 14 2012 12:54:55
HS:-Ciidamada Maamulka Hiiraan oo Howlgal lagu sugayay ammaanka ka sameeyay Magaalada B/weyne xili ay dadku u diyaar garoobayaan...
Extended News
HS:- Ciidamada maamulka Hiiraan oo howlgalo xoogan ka wada guud ahaan magaalada B/weyne iyo nawaaxigeeda.

Howlgalkan oo ay si wada jir ah uga qeyb-qaadanayeen ciidamo baliis ah iyo kuwa nabad-sugida maamulka ayaa laga sameeyey guud ahaan magaalada B/weyne xili ay bulshadu u diyaargaroobayaan maalinta ciida oo ay ka harsan tahay maalmo qura.

Dhaqdhaqaaqa ay ciidamadu ka wadaan magaalada B/weyne ayaa ku soo aadaya xili ay dalka Soomaaliya ku soo badanayaan dilalka qorsheysan walow ay aad u yaraadeen qaraxyadii faraha badnaa tan iyo markii horaantii sanadkan dagaal looga guuleystay kooxda mayalka adag ee Shabaab oo mudo ka talineysay koofurta Soomaaliya.

Marka laga soo tago howlgalka ay ciidamadu wadaan waxaa jira dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoogan oo ka socda suuqyada magaalada oo aad loo soo camiray iyadoona ay dadku u diyaar garoobayaan ciida.



Insha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net