HS:- Dalka Soomaaliya oo siweyn loo hadal hayo qabiilka uu ka imaanayo R/wasaaraha cusub
Posted by admin on September 19 2012 15:49:13
HS:-Dalka Soomaaliya oo siweyn loo hadal hayo qabiilka uu ka imaanayo r/wasaaraha cusub ee jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.wararkii ugu danbeeyey
Extended News
HS:-Magaalada Mogdishu oo ah halka ay ku sugan yahiin dhamaan masuuliyiinta dowlada sida madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa maalmahii ugu danbeeyey ka socda talooyin iyo cida laga yaabo amaba beesha ugu haboon ee laga keeni karo R/wasaaraha Soomaaliya waqtigan adag ee uu dalku ka baxay xiligii qalafsanaa ee kumeel gaarka.

Inkasta oo aan mararka qaarkood siweyn loo saadaalin karin qofka amaba beesha rasmiyan laga keenayo wasiirka 1aad hadane Soomaalidu waa dad is yaqaana mararka qarkoodna ka hor dhaca amaba sii saadaaliya arimaha siyaasada Soomaaliya. warbixino intooda badan leysku haleyn karo kana imaanaya dad aad ugu dhuun daloola arimaha Soomaaliya oo aanu siyaabo kala duwan uga helnay warbixino kala duwan ayaa sheegaya in ay macquul tahay inuu wasiirka 1aad ka yimaado beesha Mareexaan.

Lama sheegin shaqsiga noqonaya r/wasaraha laakinse waxaa siweyn loo hadal hayaa in uu wasiirka 1aad ka imaanayo qabiilkaas lagana yaabo inuu noqdo qof aan horey wax xil ah ugu soo qaban dowladahii wadanka soo maray waxii ka danbeeyey 2000-kii oo ah xiliga uu siweyn u bur buray dalka Soomaaliya kadib markii dhawr dowladood oo kumeel gaar ah loo soo dhisay.

Waxaa jiro beelo kale oo ka soo jeeda beesah Daarood sida Dhulbahante, Leylkase, Ogaadeen, warsangali, Owrtable iyo Majeerteen marka laga reebo beesha Majeerteen oo sida laga dareemayo magaalada Mogdishu loolan adag oo siyaasadeed kala dhaxeeyo beesha Mariixaan Daaroodka kale waxey u muuqdaan kuwo aan wax dhib ah ku qabin beesha Mariixaan hadii xilkaan loo magacaabo sida ay Soomaalida kaleba u hadal hayaan beeshaani.

Dhinaca kale madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya ayaa wado la tashiyo kala duwan walow uu ku dhawaaqi doono R/wasaaraha marka uu dib ugu soo laabto dalka ee uu soo dhameysto safar uu dhawaan ku tagi doono dalal ay ka mid ayhiin wadamada bariga Africa oo loo maleynayo Yugandha iyo kenya oo ah dalal ay ka joogaan ciidamo dalka Soomaaliya.

Marka meel leyska dhigo siyaasadaha iyo wararka suuqa waxaan shaki ku jirin in siyaasadii guud ee reer Puntland siiba beesha Majeerteen ay mareyso heerkii ugu xumaa mudo 60 sano ku dhawaad kadib markii inta badan beelaha Soomaaliyeed siiba kuwooda ka soo jeeda koofurta Soomaaliya qireen in ay shacabka Puntland yahiin dad Soomaali ah dalkoodana jecel laakinse ay hogaanka u hayaan rag iskaba daa danta Puntland iyo mida beelweynta Daarood ineyba ka shaqeeyaane ay yahiin shaqsiyaad kaliya ka fikiraya danta beesha Majeerteen xili si gaar ah farta loogu fiiqayo Faroole iyo xildhibaan C/wali Gaas.

Arintaan ayaa timid kadib markii laga dareemay madaxweyanaha Puntland amaba islaheysiiyey gursiga wasiirka 1aad inuu ka yimaado beeshiisa taasi oo ay siweyn walaac uga muujiyeen inta badan beelaha Soomaaliyeed ee kunool koofurta Soomaaliya oo aad ula yaaba sida madaxweyne Faroole ugu dhiiranayo mararka qarkood inuu waxii uu doono u yeeriyo hadba madaxweynahii cusub ee yimaada xili dalka iyo dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan la doonayo in la bad baadiyo oo la soo nooleeyo midnimadii guud ee Soomaaliweyn ka dhaxdeyn jirtay beri samaadkii.

Sikastaba dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu yeelan doono R/wasaare sida madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo kale ku cusub saxada siyaasada Soomaaliya oo aan wax xil ah horey u soo qaban kaasi oo la saadaalinayo inuu ka imaan doono beesha Mariixaan oo waxgaradkooda sida lagu soo waramyo ay dhawaan la kulmeen madaxweynaha cusub walow aan si rasmi ah loo shaacin waxii ay ku wada hadleen.

Isha warka hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net