HS:-Soomaaliya iyo maanta
Posted by admin on December 29 2012 13:30:26
HS:- Maxaad kala socotaa Shacabka Ethiopianka ah ee ku nool degaanada Soomaaliland iyo Puntland howlaha ay halkaas u joogaan iyo tiradooda qatarta ka imaan karta mustaqbalka?Wararka maanta.
Extended News
HS:- Xaalada Soomaaliya oo inta badan marka laga hadlayo loo kala qaado degaano ay nabadi ka jirto sida dhulka xiga dhinaca waqooyi bari iyo waqooyi galbeed amaba degaanada ay gacanta ku hayaan maamulada Soomaaliland oo iyadu raadis ugu jirtay 22 sano madax banaani si ay u noqoto dal xor ah oo ka madax banaan Somalida inteeda kale iyo degaanka uu ka jiro maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale marka laga hadlayo dalka intiisa kale siiba koofurta Soomaaliya waxaa loogu yeeraa qeybtii fowdada amaba colaada kadib markii dadka degaankaas noqdeen fowdo u joog mudana halkaas laga hurinayey colaad iyo dagaalo aan dhamaad laheyn.

Hadaba marka leys barbar dhigo dhibaatada koofurta Soomaaliya taala iyo marka la eego nabada ka jirta degaanada Somaliland iyo Puntland muuqaal ahaan wax isku dhaw maahan laakinse markaad xaalada dhinaca kale ka eegto waa muhiim in shacabka wax badan loo iftiimiyo.

Dabcan hadaan qaran Soomaaliyeed la helin dhibtaan wuu jiri doonaa mudo hadaan leyska qaban tirada yar ee umada kala qoqobeysa ee fududeyneysa in shacabka Soomaaliyeed qaarne si maskaxiyan ah loo qabsado qaarna colaad iyo dagaalo joogto ah degaandooda laga huriyo.

Bal aan ku hor marno degaanada Soomaaliland iyo qaabka ay ku joogaan Shacabka Ethiopianka ah ee halkaas ku nool sida ay ugu milmeen shacabka Soomaaliyeed ee degaanadaas ku nool bal iska iloow Soomaaliland ayaan nala dhahaa iyo waxaanu dooneynaa madax banaani ee waxaad qoraalkaan u eegtaa amaba xaalada u cabirtaa si Soomaalinimo leh.

Soomaaliland waxii ka danbeeyey geeridii madaxweynahii hore ee Soomaaliland Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal dadka degaankaas wax badan oo aan u cuntamin ayey si qasab ah isku liqsiin jireen kaliya si ay fowdo ugu hor tagaan degaankooduna u noqon sida koofurta Soomaaliya mid ku jira fowdo iyo colaad.

Markaadse eegto qaabka uu u dhisan yahay maamulka halkaas ka jira iyo masuuliyiinta hogaamineysa Soomaaliland waxaa la dhihi karaa waa gobol ka mid ah dhulweynaha Ethiopia dhaqaalo ahaan, maskaxiyan iyo waliba sida ay dowlada Ethiopia ugu najaxeen dekeda Barbara oo aanu mar kale qaabka ay u shaqeyso qoraal kale kala hadli doono.

Degaanada Soomaaliland waxaa ku nool amaba ku soo badanayey shacab badan oo Ethiopian ah kuwaasi oo iskugu jira kuwo ay dhab ka tahay kana soo cararay siyaasada qalafsan ee dowlada Ethiopia sida ay sheegtaan laakinse ah tiro aad u yar, laakinse waxaa jiro tiro badan oo si rasmi ah dowlada Ethiopian ugu jooga halkaas oo si wanaagsan loo soo tababaray kuwaasi oo inta badan codsada amaba ku dadaala sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen guryaha dadka hantida ku leh Somaliland iyo siyaasiyiinta maamulka Soomaaliland si ay wax badan ugu ogaadaan qaabka ay u nool yahiin iyo hadba siyaasada oo inteeda badan looga hadlo guryaha iyo goobaha lagu qayilo amaba lagu qaxweeyo.

Inkasta oo aan dhab ahaan loo ogeyn tirada rasmiga ah ee Ethiopianka ku nool Somaliland hadane waxey dadka aragtida fog saadaalinayaan in 2016 hadaan degaankaas Soomaliweyn lagu soo derin amaba aysan noqon dal xor ah oo madax banaan in shacabka Soomaaliland iyo kuwo Ethiopia ee degaanadaas ku nool tiro ahaan ay sinaan doonaan.

Inta badan shacabka Soomaaliland aad ayey u dareensan yahiin ineysan si sahlan kaka goyn Soomaaliweyn laakinse siyaasiyinta hogaanka heysa ayaa bulshada ku beer laxawsada in ay dowladii Soomaaliya dhib u geysatay goboalda waqooyi sidaasi daraadeedna aysan mudneyn in lala midoobo, laakinse marka la eego qatarta ku soo wajahan bulshadan next 10 years hadii ay xornimo waayaan waxaa ka sheegeyn doona inta maanta wax garadka ah ee garaadkoodu sareeyo ee degaandaas ka soo jeeda.

Maamulka Puntland iyo xaalkiisa

Pundland marka meel leyska dhigo siyaasadaha iyo jahwareerka hada ka taagan ee u dhaxeeya shaqsiyaad xil doon ah oo doonaya iney Faroole meesha ka tuuraan iyo Faroole oo isaguna meesha isku dhajinaya waa degaanka kaliya ee sida magaalada Addis Ababa ay caadi ka tahay isticmaalka Qamrada xaga iska dhig nabada ka jirta halkaas oo ay ilaah ka sokow ka timid shacabka oo dantooda gartay hadane markaad u guur gasho waxey Puntland kaka jirtaa dalka Soomaaliya meelaha maandooriyaha aad looga isticmaalo maadaama ay ku sugan yahiin dhalinyaro burcad badeed ah oo dhaqaalo xoogan heysta, sidoo kale qamrada nooca ay soo saaraan warshadaha Ethiopia aad ayaa loo geeyaa degaanadaas.

Isku soo duuboo sharta iyo colaada ka jirta koofurta Soomaaliya waa muuqata laakinse degaanada Somaliland iyo Puntland waxaa jirta shar qarsoon iyo hadaan laga hortagin maanta cawaaqib aad u xunb ku reebi doonta caruurta degaankaas.

La soco wararkeena danbe iyo hadba xaalada Soomaaliya meesha ay joogto.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net