HS:- Madaxweyne Hasan Shiikh oo lag ayaabo in ay dowlada u madaxda ka yahay si lama filaan ah u fashilanto xili...
Posted by admin on February 04 2013 19:27:32
HS:- Madaxweyne Hasan Shiikh oo laga yaabo in dowlada uu madaxda ka yahay si lama filaan ah u fashilanto,xili ay beesha caalamka siweyn u aqoonsaneyso xukumada cusub kadib markii........War helaa talo hela.
Extended News
HS:-Inta aanan u gudo galin xaqiiqada maqaalkaan waxaa dhici karta in dad badan marka ay arkaan ciwaanka ka naxaan amaba u arkaan in aan dowlada cusub ee lagu rajoweyn yahay ee u dhalatay umada Soomaaliyeed aan mucaarad ku nahay, laakinse waqti aan sidaas u fogeyn ayaa mirahiisa iyo runtiia loo tagayaa hadii aan qaabka ay dowladan u shaqeyso aan wax laga bedelin inta ay ugubka tahay.

Waxaan u kala qaadeynaa dhawr qodob waxaana u soo kala hormarineynaa sida ay u kala mudan yahiin amaba u kala qatarsan yahiin.

1- Magaalada Mogdishu oo ah caasimada Soomaaliya waxaad moodaa in ay ka taliyaan odoyaasha la baxay (odoyasha beelaha Hawiye) oo aysan dowlad jirin. sidoo kale waxaad moodaa in wali uu dalku ku jiro kumeel gaarkii maadaama ay odoyaashaan xiligii dowladii hada dhacday jirtay ay maalin iyo habeen idaacadaha taagnaayeen.

Bal aan dulmarno dhacdooyinkii ugu danbeeyey iyo hadalada aan loo meel dayan oo ay bulshada ku kala irdheynayaan xili dhibtii hore in laga daawoobo oo dalka dib loo dhiso la doonayo.

Odoyaashaan waxey si aan gabasho laheyn xili waliba uu magaalada Mogdishu ku sugnaa madaxweynaha aflagaadeeyeen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed kuwooda ka soo jeeda Jubooyinka iyagoo leh Jubooyinka waxaa heysta jabhada ka dagaalanta Ethiopia ONLF.waxey siweyn u xaqirayaan dagaalka looga saaray Shabaab Jubooyinka oo waliba kuwii ka saaray ay bulshadii leeyahiin kaalaya aanu maamul goboleed dhisanee.

2-Dalka Soomaaliya meel aysan joogin odoyaal ma jirto maxaa iyaga siyaasada galiyey dano kama dhaco miyaa mise sidaan ayeyba ku soo caan baxeen oo ay xal moodeen tiiyoo ay cawo iyo maalin Villada ku Milan yahiin?

3- Madaxweynaha Soomaaliya waxaad moodaa in la barayo caadifad aan meelna gaareyn wadankana lagu burburiyey 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Tusaale.

Waxaan la dafiri Karin inuu maalinkasto maqlo amaba arko beelo iyo shaqsiyaad Hawiyo ah oo saxaafada intey isku soo masawiraan leh waxaanu nahay maamul goboleed oo waliba websideyada iyo idaacada dowlada laga soo daaynayo sida Ximin iyo Xeeb,amaba Galmudug oo iyadu aanba xitaa degmo dhameyn oo ka tirsan xaafadaha magaalada Galkacyo, tiiyo dhawaan warqad aqoonsi ah siiyey wasiirka arimaha gudaha oo leh waxaan maanta kadib u aqoonsanahay madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid.

Hadaba odoyaashaan Mogdishu maalin iyo habeen wararka is daba joogaa ka soo saarayo oo ay kaka hadlayaan Jubooyinka oo waliba maamulka kumeel gaarkaa ee ka arimiya J/hoose ay wadaan dadaalkasta oo dadkaas ay ku heli karaan maamul goboleed maxaa loo faquuqaa oo maalinkasta looga dhigayaa ajnabi mise shaley madaxweyne Shariif ayaa la lahaa reer Hiiraan iska waardiyey oo maamul ha u ogolaan maanta ma waxaa loo weeciyey shacabka Jubooyinka? What is going on wadankaan iyo odoyaashaan maalinkasta colaad u jooga ah xili qaarkood waliba xarumahii dowlada laga saari la yahay oo ay caasimadii Soomaaliya ka dhigeen meel lama degaan ah ma hadal baa u banaan iney dhuuntaan ayeyba aheyde.

4-Madaxweyne Hasan ha joojiyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee uu xasaasiyada ka qabo dhamaantoodna ha soo dhaweeyo hadii kale madaxweynaha dalka Masar iyo xisbigiisa ayaa iska dhaadhiciyey in aqoonyahanada aan ka tirsaneyn xisbiga Aqwaanul Muslimiinka ay yahiin Cilmaaniyiin ugu danbeyna wadankii maanta waxuu ka bixi la yahay fowdo. sidaasi oo kale si aysan wadankeena oo hada rajo ka soo muuqato ugu dhicin waa in dhamaan si isku mid ah loo soo dhaweeyaa aqoonyahanada dhan ee Soomaaliyeed taladana wax laga siiyaa halka hada la faquuqaa siiba kuwii doorashada looga guuleytay ee balanta looga baxay,madaxweyne maxaa iska kaa bedelay waa adigii markii aad doorashada ku guuleysatay shir u qabtay dadkii aad ka guuleysatay waxii aad u sheegtay adiga iyo ilaahada, laakinse dadku wadanka ayey u dhasheen sida uu adiga kuu dhibayo dhibtisa ayuu iyagana u dhibayaa hada intey goori goor tahay Professorada shirarka bilaabay iyo kuwa jidka ku soo jiro wax ka qabo oo la macaamil, hadaad mooday iney labo qofood oo shir iska qabatay ay yahiin Prof Cali Khalif iyo Prof Samater ogow adiga madaxweynahaa dadka badankiisa maanta kuu sacbinaa ineysan madaxweynenimo kuugu sacbineyn ee ay ujeedo kala duwan kugu taageerayaan sida in qaarkood aad isku qabiil tahiin, qaarkood ay reer abti kuu yahiin, qaarkood ay xididnimo kugu taageeraan, qaarkood ay saaxiibtinimo kugu taageeraan oo ay aad u yartahay inta Soomaalinimo kugu taageerayso.

Sidaasi si la mid ah ayaa kuwa ku mucaaradayo ay u heystaan taageerayaal kale oo siyaabo kala duwan u taageerayo marka hadii ujeedadaadu aheyd sidii lagu heli lahaa dowlad Soomaaliyeed odoyaashaan Mogdishu kula jooga ee magaca Hawiye kula wato ee dadka aad madaxweynaha u tahay iney kaa xigsadaan amaba ku nacsiiyaan ku fikiraa meel iska saar hadii kale wadadii Shiikh Shariif Maray adigoo aysan cidno ku mucaaradin maalinba qoy Soomaaliyeed ha kaa tago kadibna Mogdishu iyo nawaaxigeeda ku soo aruur.

Soomaalida maanta nool waxaa kala geeyey odoyaashan Hawiye ee Mogdishu jooga iyo Faroolaha Puntland qabiil kama koraan miyaa waayaabe?

Qodobka ugu danbeeya waa sdia aad kuwadaan dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo sidey shacabku doonayaan waa kaaf iyo kala dheeri ee labo arimood midii u roon dowladaadu ha ku dhaqaaqdo.

1- In dalka dib loogu celiyo 8dii gobol oo halkii laga dhihi lahaa gobol State loogu yeero sdiaasina States xoogan lagu helo dowlada dhexena la wareegto Amaanka Xuduudaha, ciidamada xooga, Sameynta lacagta wadanka iwm.

2- In dalka Soomaaliya dowladii ugu danbeysay waxey ka dhigtay 18 gobol goboladaas la badiyey sidooda maamul goboleed ha u noqdaano, Hiiraan oo aan la qeybina sideeda ha ahaato laakiin inta xildhibaan ee goboladii la qeybiyey ka timaado ayaa iyadana ka imaanaya ileen Sool iyo Sanaag ayaa maamul goboleed ah xildhibaanada ka imaanayo kuwo ka yar ayaana Hiiraan ka imaanayo cid dowlada aad madaxweynaha ka tahay ka yeeleyso ma jirtee. hadii kale 18kii gobol ha lagu daro labo gobol oo dheeri ah oo Hiiraan lagu siyaadiyo sidaasina dalku ha ku yeesho 20 gobol.

Hadii inta aad madaxweynaha ka tahay wadankaan aad ku fashilanto in aad xakameyso odoyashaan, in aad kasbato aqoonyahanada iyo in aad maamul goboleedyada uu dalku yeelanayo aan Soomaalida leysku cadibin oo inta diyaarka u ah lagala shaqeeyo ileen looma xayirnaan karo hal qabiil oo iska dhigayo boqol qabiil sida Ximin iyo Xeeb, Galmudug, Ahalusuna inta ay iyaga iska aqoonsanayaan Soomaalida kale ha lugooyn hana iska xumeyn qabiil qaran noqon waaye hadii qabiil wax tarayana Mogdishu oo caasimadii ah maanta xeryo xaqooti lagama sameeyeen xarumaha dowladana shacab ma degenaadeene.

Waliba waxaan leyska indha tiri Karin in dowladan ugubkaa aysan jirin wax gacanteeda ku jira hada marka laga reebo aqoonsiyo bilaaw ah oo ay hada ka heleyso beesha caalamka. wax kaleba iska daaye wadanka waxuu leeyahay 5 dekedood Berbera, Bosaaso, Mogdishu,Marka iyo Kismaayo dekedkasta qabiil ayaa maamula.Waa macquul in qoraalkaan mudo gaaban dad gaar ah dhibsadaan laakinse sanadka danbe xiligaan oo kale dowladan uu madaxweynaha ka yahay Prof Hasan Shiikh nala arka meeshey ku danbeyso hadii xaalku sidan ku sii socdo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net