HS:- Shir ay ka soo qeybgaleen saraakiisha Amisom oo maanta ka dhacay B/weyne
Posted by admin on May 31 2013 15:00:23
HS:- Shir ay ka soo qeybgaleen saraakiisha Amisom iyo qaar ka mid ah waxgaradka Hiiraan oo maanta ka dhacay magaalada B/weyne kaasi oo siweyn loogu lafaguray arimo badan oo ay ka mid yahiin....9Maxaadse kala socotaa siyaasiyiinta beesha Xawaadle iyo go,aankii waxgaradku ku gaareen Hiiraan sida uu isku waafaqayo)? "Sawiro"
Extended News
HS:- Inta badan Soomaalida maanta nool waa been ku nool mana jecela xaqiiqada in loo iftiimiyo taasi oo inta badan sababta in kooxkasta sidey iyadu jeceshahay amaba siyaasadeedu meeshii ay u janjeerto bulshada ugu soo bandhigto.

Laakinse marka arimaha Soomaaliya laga hadlayo gaar ahaan qaran Soomaaliyeed iyo meesha ay beelaha Soomaaliyeed ka joogaan siiba marka laga hadlayo beesha Xawaadle waligood lama gaban firikooda mar hadii ay waxgaradkoodaa inta ay meel fagaaro yimaadeen go,aana qaataan howsha inta kale waxaa dhameystira bulshada qeybaheeda kala duwan.

Bal aan dulmarno meesha ay wax marayaan maanta inta aanan u guda galin shirkii maanta arimahii xasaasiga ahaa lagu laga guray.

Kedib is wareysi guud oo dhaxmaray qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle kuwooda dal iyo dibad ku nool iyo sida ugu haboon ee dowlada Soomaaliya loola shaqeyn karo ayaa waxaa markii ay dowladan curatay amaba dowladahii ka horeeyeyba waxaa dhaqan iyo caado u ah beesha in ay taageerto waxkasta oo qaran Soomaaliyeed lagu helayo hormuudna u noqoto dib uu dhiska iyo horumarinta dalka iyadoo aan beel kale iyo degaano kale kuu haleyneyn oo masuuliyad iska saareysa sidii qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa iyadoo hadii la waayo dad xilkas ah oo aan diyaar u aheyn in la helo qaran Soomaaliyeedna waqti la siiyo bal in ay dib isku saxaan iyo in kale.

Magac dowladeed mark alaga hadlayo beesha Xawaadle waa beesha kaliya ee hal maalin meel fagaaro ah iyagoo qaran si loo helo difaacayo ay 100 waxgarad iyo aqoonyahano ah looga dilay B/weyne 2009-kii maalinkaas ilaa intii uusan dhicin shirkii ay kalsoonida kala laabteen waxgarad dowladane waxey ahaayeen amaba u taagnaayeen ilaa maantana u taagan yahiin si looga baxo fowdada in ay naftooda iyo maalkooda u huraan sidii qaran Soomaaliyeed lagu heli lahaa.

Xagey wax ka qaldameen maxaase keenay in ay madhaafaanka beeshu go,aan intaas la eg gaaraan saameyn intee la eg ayuuna ku yeeshay siyaasiyiinta iyo qurbajoogta beesha?

Soomaalida badankeed dhaqanka beesha Xawaadle waxaa garanaya ninkii dagaal lagala amaab ay ood wadaag yahiin waa dad balanta ku fiican waxaana jira wax uu ilaah ku hibeeyey oo aysan Soomaalida kale la qabin oo runtii la dhihi karoo jirtaankooda waxaa aas aas u ah lano qodob.

1- Dhaqan Soo jireen ah oo waa dad is maqla colaad iyo guul guulna aan wax looga qaadin qilaafkasta oo dhax yaalana mar hadii ay timaado qadiyada beesheeda, degaankooda iyo dalkooda waa beel si deg deg ah isku abaabuli karta ileen waxkasta waxaa aas aas u ah is maqal mana ahan wax aan ku faanineyno jirtaanka arintaas xaqiiqo dhab ah ayaan u heynaa.

2- Waxaa jira arin aysan beelaha Soomaaliyeed la qabin taasi oo ah in ay aaminsan yahiin hadii Soomaali oo dhan iskugu tagto oo aydagaal la gasho iyo hadii aysan 100 sano oo isku xigta dagaal galin in ay markasta ifka ka tagayaan intii uu ilaah u qadaray taasi oo keentay ilaa maanta in jiilkasta oo beeshaan u so baxa wadadaas maraan.

Hadaan ka gudubno qodobadan hadalkii waxgaradka xagey ka joogaan qurbajoogta iyo siyaasiyiinta beesha ?

Sida aan taariikhda ku heyno Xawaadlaha marka ay doonayaan in ay beel ay colaad kala dhaxeysay arintooda soo afjaraan mid kale dagaalkeed ayey isku diyaarisaa waxaa lagu xifaaleyn jiray marka ay garta yimaadaan waxey garta u galaan si layaab leh iyagoo 3 kooxood ah oo kooxna ay hadalo qalafsan ku hadlaan, kuwane hadalo waxoogaa dhaxdhaxaad u muuqda halka kuwa danbena ay yahiin aaqiliintii wax saxi laheyd oo shirka iyo dooda qurxisa qimaamadaha ku tuma kuwii sida xun u hadlay sidii dad aan iska warqabin ookale.

Hada go,aankii waxgaradka amaba madhaafaanka beeshu ku gaareen dhawaan kaalin intee la eg ayey qurbajoogta iyo siyaasiyiinta beeshu ku lahaayeen xageysa dhamaantood waxgaradkii, qurbajoogtii iyo siyaasiyiintiiba wax u marayaan.

Waxgaradka waxey shaqadoodu aheyd in ay mowqifkooda cadeeyaan weyna cadeeyeen fikirkaasne waa mid aysan meelna ugu leexan karin dhamaan shacabka beeshu xitaa hadii uu dacaarta oo lagu tilmaamo geed uu dheecaankiisu aad u qaraar yahay oo kale uu yahay.

Siyaasiyiinta beesha iyo masuuliyiinta fara ku tiriskaa ee maamulkaan hada jira ku jira oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka iyo go,aankii waxgaradka beeshu dhamaan waxey wada saaran yahiin hal doon.

Siyaasiyiinta waxey isticmaaleen in ay madaxda qaranka shirar arintaan looga hadlayo kala hadlaan maadaama ay magac qaran wataan mark aay mediyaha ka hadlayaane waxey umada uga dhigayaan in ay dadaalo socdaan laakinse marka arinta hoos loosii qodo wasiirka qeyraadka, xildhibaanada, masuuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidmada Hiiraan ee beeshaasi ka soo jeeda sida ay iskak warqabaan iyo ruwaayada dowlada loo jilayo waa kaaf iyo kala dheeri go,aanka ay waxgaradkan gaareena waxuu noqon doonaa jano hadaan dib loo eegin waxii keenay in ay beeshu heerkaas gaarto.

Marka laga soo tago arimaha kor ku xusan waxaa maanta magaalda B/weyne ka dhacay shir ay ka soo qeybgaleen ciidamada Amison kedib markii arimah aHiiraan ka soo cusboonaaday ay gaartay madaxda dalka Jabouti hogaamisa oo ay ciidamo ka joogaan shirkaana waxuu horudhac u ahaa shir kale oo dhawaan dhex mari doonaa waxgaradk abeesha iyo saraakiisha Ethiopia oo dib loo dhigay hada.

Shirkaan maanta dhaca waxey ugu danbeyn waxgaradkii ka soo qeybgalay ku muujiyeen heerka ay qaranimada iyo dalkaan loo helo hanaan dowladeed ay ugu go,antahay iyo in aysan hada u muuqan arintaas maadaama dalkaan loo horseedayo kooxeysi iyoo dano qabiil nin doonayo in xil qaran looga faaideyso dano qabiil ma jirto inaguna waan ka gaashamaneynaa wasaqda iyo qabiilka ka guuxaa wasiirka arimaha gudaha oo ay waxgaradku xaqiiqsadeen in uu isagu madaxweyne ookale u dhaqmayo ee ah nin aan xal loo heli karin maadaama aysanba muuqan hogaan is maqla oo sharci iyo kala danbeyn ku shaqeeya oo wasiirkii ka awood badan yahay r/wasarahii.

waxaa arintaasi ka sii muhiimsan wasiir, xildhibaan, walaa siyaasi hore oo beeshaan ka soo jeeda oo aan fikirka odoyaasha raacsaneyn ma jiro waliba dhawaan sidaan horey u sheegnay waxaa dhici doonta in ay shir qabtaan odoyaal kale oo dowlada hala ixtiraamo ileen ruwaayada dalka Soomaaliya maanta taalo amaba siyaasadaha dalka lagu dhaqo ayaaba sidan iska ah oo nin ay reerkiisu dhismayaashii dowladu laheyd degen yahiin wasaaradii ka saari laheyd isla iyagii looma dhiibeene.

Isku soo duuboo dowladan intii mucaaradsaneyd ay horey uga dhaqaaqeen oo kuwii taageersanaa isku kicineyso ma u muuqdaan raga hogaaminaya in ay mustaqbal fog ka leeyahiin siyaasada Soomaaliya???????????

Weldone siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Xawaadle oo habeen iyo maalin dhexda uga jira talada iyo go,aanada beesha u gaarka ah. Soomaalida kale intii la fahmeysa qaranimada kula saaxiibaya siyaasadooda. waxaa kale oo iyadana la dheyelsan karin xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya qurbajoogta Xawaadle iyo waxgaradka beesha kuwooda Hiiraan joogta. waliba qurbajoogta kaalin muuqata ayey ku leeyahiin dadaalada hada socda.

Shirkii maantana waxuu ku soo gabo gaboobay dowladu wasiir qabiiliya iyo shacabka Hiiraan ha kaladoorato midkii ay xal u aragto.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net