HS:-Wasiirka Qeyraadka dalka oo dib ugu soo moqonaya wadankii uu ka tagay
Posted by admin on July 07 2013 00:02:28
HS:-Wasiirka qeyraadka dalka iyo kan arimaha gudaha oo ka mid noqonaya kuwa dhawaan xilkooda weynaya iyo shaqsiyaadka loo badinayo in ay wasiirka qeyraadka bedeli doonaan oo aad loo hadal hayo.Wararka Caawa.
Extended News
HS:- Inkasta oo ay dad badan siweyn noola socdeen saadaashii aanu ka bixinay markii golahaan wasiirada ee hada jira la dhisayey bulshadana u sheegnay in uu xukumada cusub ka mid noqon doono Cabdiraaq Cumar oo hada ah wasiirka qeyraadka dhawr bilood oo uu xilkaas hayey kedib waxuu u muuqdaa mid siyaasada ka bixi doono iyadoo magacyo badan looga yaqaano Hiiraan maantadan aanu joogno.

Wasiirka oo ay luntay xiriirkii isaga iyo reer Hiiraan ka dhaxeeyey tan iyo markii uu aflagaadeeyey cuqaasha Hiiraan siiba kuwa beelweynta uu ka soo jeedo mudadaas kedib waxuu ahaa shaqsi meesha u jooga madaxweyne Hasan Shiikh oo aan beesha matelin.

Waxaan horey u soo bandhignay in magacaabidiisa ay meel xun ka gaartay madaxweynaha iyo reysulwasaaraha maadaama r/wasaare Saacid boqolkiiba boqol doonayey inuu xilkaan u magacaabo mid ka mid ah xildhibaanadii hore oo lagu magacaabo xildhibaan Waare.

Sababaha uu madaxweynaha uga soo horjeeday in uu wasiir noqdo xildhibaanka ayaa lagu micneeyey in aan xiligaas loo baahneyn shaqsi qabiir ah kaliyana la doonayey dhalinyaro siyaasada ku cusub.

Laakiinse r/wasaare Saacid waxuu doonayey in ay xukumadiisa ka dhax muuqdaan dad waaya arag ah bulshada deegaankoodana hanaanka dowladnimo gaarsiin kara weyna noqon weysay sidii uu rabay r/wasaare Saacid.

Sida aanu hada ku heleyno warar sugan in beelweynta uu ka soo jeedo wasiirka qeyraadka uusan qorshaha ugu jirin Mr Cabdiraaq inuu magacooda xilkaas ku hayo walow uu wasiirka horey sheegay in ay meeshaan geeyeen amaba ku tagay amarka madaxweynaha iyo nin walalaalkiis ah oo lagu magacaabo Jalalaqsi, taasna ay ku xambaartay aflagaadadii uu u geystay odoyaasha in uu ku dhiirado.

Hadaba wararka aanu heleyno oo leysku haleyn karo ayaa sheegaya in ay wasiirka qeyraadka hadii loo madax banaaneeyo howsha soo dhisida golaha cusub ee wasiirada r/wasaare Saacid in ay wasiiradan cusub ka soo muuqan doonaan shaqsiyaad aanu ka xusi karno xildhibaan Waare oo aad kalsooni uga heysta ciidamada Hiiraan oo ay mudo duurka wada joogeen iyo Soomaali badan oo uu xiligii ay wadanka joogeen Ethiopianka caruurtooda uga soo deeyey xabsiyada xiligaasi oo isagoo wasiirka waxbarashada ahaa ay magaalada Baydhabo ugu tageen beelo badan oo Soomaaliyeed oo ay xitaa ku jireen odoyaal reer Galgaduud ah si Soomalinomo lehna ugu gurmaday ugu danbeyntiina u ay mahadceliyeen xili ay odoyaashii reer Galgaduud ka quusteen ilmahooda oo ay Ethiopianku wateen ay wax ka qaban waayeen Xusen Ceydiid iyo Gacma Dheere ileen reer Hiiraan waa dad aysan badankood iskaka qasneyn Soomaalinimada iyo colaada marmar dhax marta beelaha Soomaaliyeed.

Beelweynta guud ee ay ka soo jeedaan wasiirka qeyraadka iyo raga loo maleynayo in ay bedeli doonaan ayaa qirsan in la joogo waqtigii dib u heshiisiin dhab ah la dhax dhigi lahaa Soomaalida ninkii waqtigaan ku haboonaana yahay xildhibaan Waare oo xitaa sheegeen in uu maareyn karo arimaha Jubooyinka oo u muuqda in aysan bulshadoodu helin muwaadin amaba wasiir si wanaagsan ula macaamila.

Xildhibaan Waare waxuu ka mid ahaa dadkii diyaariyey dastuurkii lagu dhisay dalka Kenya 2004 kii waana Shaqsiga kaliya ee hadii xil ka qabto dowlada iyo hadii kaleba aan wadanka ka bixin halka ay qurbajoog badan markii xilka laga qaado amaba markey waayaan dib ugu soo laabtaan wadankii ay ka tageen.

Dadka siyaasada Soomaaliya aad ugu dhuun daloolana waxey leeyahiin dowladaha inta badan ay hogaanka u hayaan rag ururo diimeedyada ku fikirka ah kuma haboona inuu ka mid noqdo laakinse wadankaan cidii doonto ha xukuntee samata bixin ayuu rabaa maadaama xildhibaan Waare lagu tiriyo shaqsiyaadka xiriirka wanaagsan la leh wadamada deriska.

Marka laga soo tago saadaasha laga bixinayo in uu xukumada cusub dhawaan ka mid noqon doono sida ay jecel yahiin inta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka naxeysa dhibta ay ku jiraan hadane waxaa la hadal hayaa shaqsiyaad kale kuwaasi oo iskugu jira qurbajoog iyo rag gudaha wadanka jooga oo aanu iyagane sidaan aau faali dheer uga bixin dono marka ay magacyadooda na soo gaaraana gadaal ka soo sheegi doono maadaama magacii ugu horeeyey ee aanu hada meelo badan ka maqalnay uu yahay xildhibaan Waare oo siweyn loo hadal hayo tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in golaha wasiirada isku shaandheyn xoogan lagu sameynayo.

Xiriiro kala duwan oo aanu la yeelanay xafiiska wasiirka qeyraadka ayey noo suuroobi weysay in aanu helno walow lagu soo waramayo in ay u xirxiran tahay boorsadiisa hadii laga awood bato madaxweynaha iyo walaalkiis colonal Jalalaqsi oo ay ilaah ka sokow rajadiisa ku xiran tahay.

Waa dhici kartaa in ay wax badan isbedelaan saacad kasta maadaama aysan aheyn siyaasada Soomaaliya mid fadhida oo sal leh, waxaanse la deferi karin in uu meesha si rasmi ah uga baxay xiriirkii beelweynta iyo wasiirka qeyraadka dalka oo awalba kursiga uu ku fadhiyo ku helay magaca jifo hoosaad weysay booskii xildhibaanimada tiiyoo uu noqdo wasiirkii ugu horeeyey ee qucaasha beesha u gefa.

Isku soo duuboo qofkasta oo dunidaan ku nool waxii uu ilaah u qoro ma seegeyso laakinse marka la eego cadaadiska siyaasadeed ee waayadii danbe saaranaa siyaasiyiinta Hiiraan uga mid noqda dowlada dhexe jaaniska wasiirka qeyraadka aad ayuu u yar yahay ogow xiligii uu wasiirka noqonayey inagaa ugu horeyney wax soo qora in uu jaaniskiisa fiican yahay hadana in aan sidan wax uga qorno waxaa keenay xogta dhabta ah ee Hiiraan taala iyo sida uu xiriirkooda u kala go.ay wasiirka iyo cuqaasha, waxeyna cuqaasha qaarkood leeyahiin hadaanba heleyno wasiir ciidamada Hiiraan la soo qariibay in ay dhaanto kuwa markii ay xil helaane wadanka jooga markii ay waayaane diyaarada ugu horeysa raaca.

Waa macquul gursiga siyaasada aad ayuu u macyahaye in uu safar deg deg ah Hiiraan ku aado wasiirka.Raga kale ee loo maleynayo in ay bedeli doonaan wasiirka ee kursigaan ololaha ugu jira labo xildhibaan oo ka mid xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda isla beesha wasiirka qeyraadka inkasta oo uusan ololahoodu xooganeyn.

Warar kalena waxey sheegayaan in wasiirada laga yaabo in ay xilkooda waayaan uu ka mid yaha wasiirka arimaha gudaha.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net