Webka Hiiraan State.com oo ay maanta u buuxsantay 2 bilood
Posted by admin on February 21 2011 21:44:23
Isniin 21,Feb 2011 (HSOL)- webka Hiiraan State oo maanta ay u buuxsantay 2 bilood kedib markii uu si rasmi ah hawada u soo galay Dec, 21/2010 iyo Ogeysiis muhiim ah.
Extended News
Isniin 21,Feb 2011 (HSOL)- webka Hiiraan State oo maanta ay u buuxsantay 2 bilood kedib markii uu si rasmi ah uu hawada u soo galay Dec, 21/2010.

Hiiraan State.com ayaa waxaa ku xiran macaamiil fara badan marka loo eego mudada uu jiro iyagoo kala socda wararka iyo arimaha dowlad goboleedka Hiiraan State. webka ayaa waxaa booqday in ka badan 100,000 amaba hit gareeyey mudo 60 casho oo kaliya, sidaasi daraadeed waxaanu dhawaantan balaarin doonaa amaba wax badan ka bedeli doonaa qaab dhismeedka webka kedib markii ay xiriir la soo sameeyeen shirkado doonayo in loo xayeysiiyo ganacsigooda oo aanu u diyaarin doono qeyb u gaar ah.

Waxaa kale oon webka ku soo siyaadin doonaa qeyb u gaar ah Englishka iyo qoraalada ay dadweynuhu fikirkoodu ku dhiibayanayaan hadba luqadii ay iyagu doorbidaan. sidoo kale waxaanu dib u habeyn ku wadnaa Hiiran State TV oo aanu programyo bulshada qanciyo ugu talo galnay. inkasta oo dad badan inoo soo jediyeen in aanu ku darno qeyb Carabi ah ,iyaduna mustaqbalka waanu ku talo jirnaa.

Mar labaad waxaanu leenahay macaamiisha soo booqata HS.COM mahadsanidiin. waxaanu leenahay kala soco wararka Hiiraan State iyo arimaha Hiiraan halkaan. waxii fariin ah amaba talo ah inoogu soo dir.
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net