HS:-
Posted by admin on December 17 2013 02:59:08
HS:- Siyaasada guud ee dalka Soomaaliya oo laga yaabo in ay halmar isbedesho sidii 1989kii kedib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay shirar hoose u socdaan beelaha Xawaadle,Habargidir, Murusade iyo Mudulood oo aan mudo dhawr iyo labaadan sano ah meel ku wada kulmin.Xog horudhac ah.
Extended News
HS:- Mudo hada laga joogo dhawr iyo labaatan sano amaba sanadkii 1989 kii ayey waxey dalka Soomaaliya dowladii xiligaasi jirtay ka hirgalisay dagaalo sokeeye iyadoo deegaanada Soomaaliya qaarkoodna ay dooneysay iney ku beerto beelo Soomaaliyeed oo dhulal aad u fog ka yimid walow ay noqon weysay arinta sidii la doonayey kedib markii si lama filaan ah loo damiyey colaad markaasi u dhaxeysay beelaha Xawaadle iyo Habargidir oo uu dagaal ku dhaxmarayey xadka Hiiraan iyo Galgaduud, halka dhinaca koofurtana ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya beelaha Abgaal iyo Xawaadle dagaaladaas oo intooda badan ay hurin jirtay dowladii xiligaasi jirtay ee Kacaanka.

Waxeysa si lama filaan ah waxkasta isku bedeleen markii uu xaaladii waji kale u yeelay nin markaasi wanaag doon ahaa kana xumaa dhiiga micno darada ah ee dadkaan deris wanaaga ah ee walaalaha ah dhaxmaraya ninkaasi oo intii uu dagaalka joojin waxgarad beelahan ka soo jeeda kalsooni ka soo helay intii aan xal dhab ah laga gaarin joojinta dagaaladaas, waxeyna markii danbe xaaladii isku bedeshay in waxkasta oo leysku qabay laga heshiiyo sharuud la,aan amaba ugu yaraan inteedii badneyd dib loo dhigtay waxaana heshiiskaas ka dhashay kacdoon aan ilaa hada dhamaan.

Hadaba warar xaqiiqda u dhaw oo naga soo gaaraya dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo iyo shirar intooda badan ay beelahu iyaga dhexdooda isku soo turxaan bixinayeen waxaana shirkoodii ugu horeeyey magaalada Belet Weyne ku yeeshay beesha Xawaadle oo iyagu hada ku mashquulsan inteeda badan sidii ay jifo hoosaadyada ay ka kooban tahay beeshu u yeelan lahaayeen nabadoono rasmi ah iyadoo inta laga gaarayo dhameystirka arintaasne uu howsha sii wadayo nabadoon rasmi ah oo hada madax u ah cuqaasha beeshaasi kaasi oo waxii go,aan ah oo uu gaaro ka dhaqan galaya beelweynta gudaheeda.

Waxaa sidoo kale jiray shirar iyaguna u socday beesha Murusade oo u badnaa xalinta qilaafyo iyaga dhexdooda ah inta aysan u gudbin beelaha ay oodwadaaga yahiin wallow aysan beeshaasi wali soo gaarin heerka ay hada marayaan beelaha qaarkood. waxaa ku xigay beesha Mudulood oo si fiican isku soo turxaan bixiyeen meel fagaaro ahna dhawaan ka sheegeen in ay tagayaan meelkasta oo lagu casuumo.

Laakinse marka beelahaas laga soo tago beesha Habargidir qudheedu wey isku maqan tahay waxaana hada galay dareen muuqda waxaana jira kulamo bilaaw ah oo ay hada horboodayaan rag beesha muctarif ka ah oo u muuqda kuwo u hamuun qaba sidii ay maruun gogol nabadeed u soo gali lahaayeen si ay uga hadlaan waxii laga tabanayo iyo waxa ay iyaguna qabaan.

Inkasta oo aysan wali arimo badan banaanka imaan hadane waxyaabaha hada muuqda ayaa ah maxaa dalka intiisa kale nabad ka dhigay colaadana looga huriyaa degaano gaar ah?.

Inkasta oo ay adag tahay in ay beelahaan si sahlan iskugu yimaadaan hadane wararka horudhaca ah ee aanu heleyno waxey u muuqataa inta aan shirweyne leyskugu imaan in marka hore beelahu sameysan doonaan gudiyo dhab ah sida gudiyada hada u dhisan beelaha Xawaadle iyo Mudulood oo kale oo waxii ay soo qaadaan aan laga dabahadli Karin heshiis iyo colaad intaba.

Wali ma cada in ay arintaan qeyb ka yahiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta beelahan ka soo jeeda iyo in kale waana markii ugu horeysay mudo 25 sano ah oo ay qaar beelahaan ka mid ah siyaabo kala duwan ugu hadlaan halka ay salka ku heyso colaadaan micno darada ah ee aan dhamaadka laheyn ee beelahaan aan kor ku soo sheegnay dhextaala?.dadka saadaaliya ficilada ka danbeyn kara hadii ay beelahaan qilaafkooda xalistaan amaba sidii 1989 kii dib u dhigtaan waxii dhexyaala iyaga in ay siyaasada Soomaaliya inta u dhaxeysa 4 ilaa 6 bilood gudahood ay waji kale yeelaneyso.

Waxaase muhiim ah arinkasta oo caalamka ka dhacda xumaan iyo samaan waxaa sabab u ah qeyb bulshada ka mid ah oo bilaawda kedibna inta kale gadaal kala qabsato walow aanan dooneyn in aan wax badan ka hordhacno hadane beelahan sida la hubo ma ahan kuwo si sahlan ku heshiin doono waxaase sida muuqata heshiiskooda sidii 1989 soo dedejinayo kacdoonka u muuqaalka eg midkii 1989 ee dalka ka muuqda hada.

Jubooyinkii rag baaba isa siiyey habeen iyo maalina iyagoo isku haleynaya awood ciidamo Kenyan ah beelaha qaarkood ku haya barakicin. Qaar waxey hada leeyahin 6 gobol ayaan maamul u sameyneynaa iyo wax la mid ah,kuwo waxey leeyahiin federal ayaan dooneynaa oo maamul hebel ayaa nala dhahaa wax dowlad dhexe la yiraahdona ma naqaano.

Xitaa markaad eegto dowlada hada jirta ruwaayad ayaa leyskugu dhigaa waxaana iyadoo ay dalka joogaan 20 kun oo African ah la awoodi la yahay in xal loo helo Shabaabka degaano kooban kaliya colaada ka wada iyo xildhibaanada iyo wasiirada qaab beeleedka u abaabulan ee howlo badan faraha kula jira hadane caasimada Soomaaliya maalin iyo habeen idaacadaha waxey doonaan ka sheega Hoteladana camiran iyagoo u shaqeeynaya danaha beelahooda oo nabad ku jira caruurtooduna wax u bartaan koodii Shabaabka ahaane koofur u soo diray, kii sargaalka ahaane koofur u soo diray, kii sheeganayey inuu siyaasi yahayne koofur u soo diray si ay mushkilad uga abuuraan .

Soomaalida runta ma jecla waxaa jira sir culus oo fakatay intii u socday shirkii qowmiyadaha dalka Ethiopia ee lagu qabtay Jigjiga kaasi oo ay isku arkeen rag u badnaa amaba ka soo jeeday hal beel. waxaa kale oo jira shacab badan oo Jubooyinka ku nool oo ciidamada Dowlada Kenya looga faaideysto xaquuqdoodii iyo jiritaankoodiina lagu tunto iyagoo loo eegayo qabiilooyinka ay ka soo jeedaan lana gocanayo waxyaabo horaantii sagaashameeyadii la soo maray.

Waxaa jiro kuwo hada soo baxay oo ciidamada Jabouti sumcada uga ciyaarayo colaadna ka wada degaano ay Hiiraan ugu horeyso oo la baxay Dirta Cusub waligoodne ahaa dad culimo ah oo si nabadgalyo ah ugu noolaa Hiiraan hadana iska dhaadhiciyey fikir la mid ah kii ay dowladii kacaanka la damacsaneyd Hiiraan ee la doonayey in dad aan waligood dhulka ku noolaan meelo fog fog looga gacan haatiyo walow tiradii ugu horeysay ee arintaas ku dhiirata dagaalkii dhawaan ka dhacay Hiiraan wali raadis loogu jiro meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in dhawaan magaalada Ceelbuur inta odoyaal leysku xiray iyagoo nool god lagu riday dadkii arintaas magaca Shabaab iyagoo wata ku dhiiradayna kuma jirin hal qof oo degaanka ka soo jeeday dhamaan waa dad ka yimid degaano fog fog.

Markaad eegto xitaa qaabka ay Shabaab uga howlgalaan dalka Soomaaliya degaanada colaada laga abuuro amaba qaraxyada laga fuliyo waa degaanada ay degaan beelahaan aan kor ku soo xusnay ee hada lagu soo waramayo iney u socdaan shirar hoose. jiritaanka arintaan waxaa macquul ah in ay malaayiin Soomaaliyeed rumeysan waayaan laakinse sida ay hada wax ku socdaan iyo guuxa hoose ee beelahaan laga dareemayo durbaba iyo xogta aan ka heyno shirarka bilaawga ah ee hada socda oo aan la dheyelsan Karin waxaa macquul ah inta aanba shirweyne leyskugu yimaado la gaarin inba arinta looweeciyo meel aysan sanado iyo bilooyinkii la soo maray joogin.

Hadaba si joogto ah ula soco hadba xaalada Soomaaliya oo maalinba meel hor leh soo joogtay oo hadane ay muuqato in ay waji kale yeelan doonto hadii aysan wax badan oo hada muuqdo isbedelin isbuucyada soo socda, waxaana la hubaa in aysan hada kedib dalka Soomaaliya qeybna aysan nabad ahaan doonin qeybna aan caruurtooda mustaqbalka laga dhumin doonin iyadoo ay kooxane isku haleynayaan ciidamo ka socda wadamo Soomaaliya deris la ah kuwane ay magaca Shabaab wax ku layaan iyagoo dhibaatada ka soo fogeeyey deegaanadooda ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah dadka hada wada abaabulka shirarka horudhaca ah ee u socda beelahaan, waana qodobada hada diirada u saaran beelahaan oo iyaguba rag ka dhashay ay ku jiraan Shabaab laakinse run mooda jihaadka deegaanadooda iyo caruurtooda lagu baabinayo ee aan ka jirin meelo badan oo dalka ka mid ah.

Waxaan horey bulshada ugu soo bandhignay arimo badan oo xasaasi ah oo ay badanaa aad u adkeyd in ay dadka qaarkii dhaqso maqlaan waxeyna xogtaan qeyb ka tahay amaba horudhac u tahay arimo badan oo jidka ku soo jira.Hada arinta ma joogto Shabaab iyo qabiil hebel waxey joogtaa maxey tahay colaadaan degaano kooban ka socota ee aan dalka intiisa kale ka jirin?

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com