HS:-
Posted by admin on May 17 2014 22:28:53
HS:-Dowlada Kenya oo wajigabax siyaasadeed kala kulantay dalka Mareykanka kedib markii loo sheegay in ay safaaradooda Nariobi.......halka Afhayeenka Shabaab Cali Dheere uu sheegay in ay.
Extended News
HS:-Dalka Mareykanka oo ka mid ah wadamada dalka Kenya kala baxaya shacabkooda ayaa dowlada Kenya ku wargeliyey iney ciidamo u gaar ah u sameysanayaan safaarada ay wadankaas ku leeyahiin si ay uga hortagaan qaraxyada sidii roobkii uga dhacayo dalkaas oo ah wadan siweyn loogu bartilmaameedsado waxii ka danbeeyey markii uu wadankaas madaxweyne ka noqday Mr Kenyatta shacabka Soomaaliyeed.

Markaad xaalada hada ka taagan wadanka Kenya si fiican u eegto iyo sida aysan dowlado waaweyn oo ay ugu horeeyaan Ingiriiska iyo Mareykanka ugu kalsooneyn dowlada hada ka jirta wadankaas, hadane tani waxey shacabka Kenya xasuusineysaa in uu hada wadankoodu amaan u aheyn sidii hore.

Kenya waxaa soo maray waqti dhamaan hayaddaha qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka howlgala amaan daro uga cabsadeen caasimada Soomaaliya oo uu saldhigoodu ahaa Kenya, maantana waxey marayaan in xitaa ciidamadooda amaanka ay isku aamini waayaan reer galbeedka.

Dhinaca kale xarakada Shabaab oo sanadahii ugu danbeeyey weerarada ay ku hayaan dalka Kenya aad u kordhiyey sida ay sheegteen ayaa hadane waxaa dhawaan mar kale ku celiyey iney sii wadayaan qaraxyada afhayeenka kooxdaas Ali Dheere oo sheegay mar hadii ay shacabka Soomaaliyeed dhibayaan Kenyaatiga in ay iyaguna bartilmaameedsan doonaan kuwooda.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya dalka Kenyana waxey sheegayaan in dhibaatada heysata dowlada Kenya aysan aheyn kooxda Shabaab laakinse ay jiraan kooxo Kenyan ah oo wadanka u dhashay oo qaraxyadan sida loo farsameeya amaba kooxda Shabaab u sameyso oo kale u sameeya taasi oo dalka Kenya ka dhigeysa in aysan qaraxyadan ka joogsaneyn xitaa hadii dagaalada looga guuleysto kooxda Shabaab.

Inkasta oo aysan jirin wax talo ah oo gacantooda ku jira shaqsiyaadka Soomaalidaa ee kooxda Shabaab ka mid ah, hadane waxkasta waqti ayey leeyahiin maanta oo kale wax umada Soomaaliyeed kaka farxad badnaan lahaa ma jirto hogaamiyasha kooxdaas ku jira kuwooda Soomaalidaa koleyto intey nool yahiin waligood aqligooda dagaal uun ma noqon doonee iney hadey waan waan iyo wada hadal la gali lahaayeen dowlada Soomaaliya sikasta oo ay ugu kacsan yahiin maadaama wadamada deriska siiba dowladaha Kenya iyo Ethiopia Soomaalida dhan iskugu mid tahay kooda dowlada ku jira midka kooxo diimeedyada kujira iyo kan shacabkaa ee aan waxbo galabsan oo dhamaantood laga
wada urinayo hal magac kaasi oo ah Soomaali.

Dabcan raga hada kooxda Shabaab horboodaya aqoon diin iyo mid maadi ah badankood laguma sheegin taas ayaana keentay in wax tanaasul ah oo ka turjumayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga waayo hayeeshee intaan yar oo ay ka gubteen dhibta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed iyo walwalka iyo amaan darada heysata dowlada Kenya iyo shacabkeeda dadkii dhawaan sida foosha xun loola dhaqmay ee iyadoo jaaliyado kala duwan ku nool yahiin dalka Kenya si bareer ah loo bartilmaameedsaday aad ayey ugu farxayaan hadalka ka soo yeerayo masuuliyiinta dowlada oo la gaarsiiyey ilaa ay safiirkooda kala soo baxaan dalkaas.

Waxaase xusid mudan halkii mar oo ay kooxda Shabaab ka hadlaan mediyaha dowlada Kenya waxaa uga baxa qarash badan dhinaca amaanka maadaama ciidamo ay ka soo daabulaan xerooyinka wadankaas kuna soo daadiyaan magaalooyinka waaweyn markii ay dhawr isbuuc joogaan oo dib loogu celiyo xerooyinkooda ayeyna qaraxyadu dhacaan taasi oo muujineyso in ay qaraxyada ka dhaca dalka Kenya ay ku lug leeyahiin dad Kenyan ah oo siweyn ula socda dhaqdhaqaaqa wadankaas iyo xiliga wax la qarxin karo.

Isku soo duuboo inkasta oo aan raxmada eebahey laga quusan bulshada Soomaaliyeed dhib kuma yara ilaahey agtiisa waxbo kama ahan in ay Soomaalidu dhexdooda is fahmaan oo ay ugu yaraan wada hadlaan kooda dowlada ku jira iyo kan ka soo horjeeda, walwalka dhabtaa waxuu ku wareegi doonaa markaas waxii ka danbeeya hadba intii iska kaashatay mushkiladaan aan dhamaadka laheyn iyo dhibtaan lagu hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

La soco wararkeena danbe iyo wadankii quruxda iyo dhaqaalaha la ciir ciirayey dhawr sano ka hor oo ay hada aduunyadii u soo dalxiis tagtay iskaka haajirayaan waa dalka Kenyee.Soomaali ciil iyo calool xumo kama baxeyso hadaan sedaxaan qodob xal u helno inagaa naloo soo shaqo tagayaa mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.

1- Dowlada hada jirta iyo kooxda ka soo horjeeda ee Shabaab kuwooda Soomaalidaa iyadoo ay midkasta muujineyso tanaasul iyo isku soo dhawaansho gudi hoosaadyona iska dhex qabta wada hadalkoodana uu noqdo mid qarsoodi ah ileen dhamaantood meesha ay ku kulmayaan ayaa lagu duqeyn karaaye. waliba Soomaaliland waxbo maahan mucaaradkeeda waa dad dhibaato loo geystay beri samaadkii tirsanaya maadaama ay dowladii xiligaasi jirtay ku garaacday diyaarado lagu soo iibiyey canshuurtii qaarkeed iyaga laga qaaday iyagu wax dhib ah ma leh waxey ku egyahiin kaliya in bulshada Soomaaliyeed oo badankood dhibta ay sheeganayaan beri ka ah maadaama dhalinta maanta nool badankood aysanba dhalan waqtiga laga hadlayo qaarkoodna aysan xiligaas waxbo ka qaban Karin oo ay fulinayeen amar dowladeed in cod looweydiiyo iney Soomaali inteeda kale ka go`ayaan iyo in kale iyaguna mudadaas inta laga gaarayo joojiyaan dhiilada iyo hadala umada sii kala fogeynayo waayo xitaa hadii ay go`aan wali waa uun Soomaali oo sida dowlada Jabouti ayey walaalahood maalin uun ku baxsan doonaan amaba iyaga kuwa ay doonayaan iney ka go`aan ayey ku baxsan doonaan.

2-Dowlada waxaa laga rabaa iney xoogeeda iskugu geyso sidii ay ciidamadan dumarkeena iyo caruurteena dhex jooga ee Africanka ah malaayiinta dolarna ku qaata magaca Somaaliya iyo Shabaab ayaan dagaal kula jirnaa iney naga saarto. Kooxaha dowlada ku kacsan sida Shabaabna waxaa laga rabaa ajaanibtaan dumarkeena sidii waxey gaalo yahiin diintaan idiin bareynaa intey dhahaan dhaqano diinta ka baxsan bara oo gabartii ay qabeen walaalkeed iyo waalidkeed in la dilo lana qarxiyo dalkooda in lagubona ku taliya iney dalka ka saaraan oo ay wadamadooda nooga laabtaan si loo waayo mir mirsiyo ay helaan Amisom iyo wakiiladaan ay markasta Qaramada Midoobay u soo magacaabeyso dalka Soomaaliya sidii wadan aan xor aheyn markaad aragto sida uu magaalo kasta oo Soomaaliya ku taalo diyaarad gaar ah ugu raacayo wakiilkooda Nikols Key waayo dhaqaalaha uu maalin iyo habeen ku tagayo wadamada deriska ah iyo magaalooyinka Soomaaliya gudahooda ku yaala waxey inoo dhisaan wax kaleba iska daaye wadada isku xirta Mogdishu iyo Balcad, Hargeysa iyo Boorame,Garoowe iyo Burtinle, Belet weyne iyo Dhuuso Mareeb, Baydhabo iyo Xudur, Kismaayo iyo Jamaame amaba Garbahaarey iyo Beled Xaawo inta u dhaxeysa magaalo kastana waxey magaalada kale u jirtaa waxaan dhameyn 100 KM badankood,laakinse ma doonayaan in ay sida dowlada Turkiga noo caawiso iney noo caawiyaan QM oo waxaani waxey u tahay mashruuc oo dowladiina waxaa lagu xuuxinayaa wiil Soomaaliyeed oo Shabaab iyo argagixiso ayaad tahay la yiri oo ay ajaaniib dibada nooga timid ay maskaxda ka qabsadeen dhinaca kalena hubka iyo risaasta ayaa la siinayaa si colaada u sii wadaan ugu danbeyna markasta dhibtii shacabka siiba hooyada iyo dhalaanka yar yar ayey ku dhaceysaa oo kii colaadas ka carareyna badahii ayey ku dhamaadeen kii nabadgalyo dalkiisa ku waayey ee naftiisa ula cararay wadamada deriskaa sida Kenyana waxaanu aragnaya ayaa qabsaday.

3-Marka ay xal siyaasadeed gaaraan labadaas aan kor ku soo sheegnay xal siyaasadeed gaaraan waa in qoys qoys iyo gobol gobol loo heshiiyo si dalka iyo dadka inta hada nool loo bad baadiyo inta dhalan doontana u helaan nolol tayo leh hadii kale dowladana wax badan ma qabaneyso kooxda ka soo horjeedana mudo cayiman ayaa la isticmaalayaa ugu danbeyna iyagaas ayaa siyaabo kala duwan loo ugaarsan doonaa sida hadaba qaarkoodna diyaarad loogu duqeynayo qaarne hubka iyo risaasta loogu geynayo meeshii ay doonaan ileen kooxdaha dowlada ka soo horjeeda warshad hubka sameyso ma qabaan waanu wada ognahaye.


Isha warka Hiiraan State
webmaster"hiranstate.com