HS:-
Posted by admin on June 14 2014 19:32:54
HS:-Kismaayo. Qorshe kooxda Raaskaambooni ku weerari laheyd Bare Hiiraale iyo ciidamada Goobweyn oo markii labaad fashilmay, maxaadse kala socotaa halka uu saldhig ka dhigtay hogaamiyaha kooxda Ahmed Madoobe kedib waxii ka danbeeyey qabsashadii magaalada Marko ay la wareegeen ciidamo..........? Wararka Maanta.
Extended News
HS:- Kedib markii dhawaan magaalada Marko dagaal koban oo ka dhacay lagu weeraray in ka badan 50 gawaarida dagaalka ah taasi oo ugu danbeyn meesha ka saartay maleeshiyo beeleed gacan saar xoogan lahaa kooxda Shabaab garabka uu hogaamiyo Ahmed Godane laakinse ku dagaal galayey magaca beesha Miyamaal, hadane wararka aanu ka heleyno dhinacaas iyo magaalada Kismaayo waxaa si lama filaan ah u fashilmay qorshe ay maalmahii tagay gudaha magaalada Kismaayo ka wadeen kooxda Raaskaambooni kaasi oo ahaa sidii degaanka Goobweyn loogu weerari lahaa ciidamo halkaas ku sugan.

Inkasta oo ay kooxda Raaskaambooni dagaalkas doonayeen iney qaadaan isbuucyo ka hor hadane waxaa hakiyey amaba fashiliyey dagaalo gudaha Kismaayo ka dhacay. sidoo kale qorshahiilabaad ee ay kooxdu ku doonayeen iney mar kale weeraraan Goobweyn ayaa waxaa mar kale u diiday iney ku dhiiradaan weerarkaas dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Marko oo ay moodeen inuu sii soconayo mudo fog oo aan lagu kala adkaan karin laguna kala baxay wax ka yar 4 saacadood kedib markii magaalada laga soo galay af jiho laguna qabsaday in ka badan 50 gawaarida dagaalka.

Magaalada Marko oo ay horey u maamulayeen amaba uu gudoomiye ka ahaa shaqsi ka tirsanaa kooxda Shabaab tan iyo markii laga saaray maleeshiyadii ku sugneyn waxey hada u muuqataa magaalo ay gacanta ku hayso dowlada Soomaaliya kedib markii meelkasta laga taagay calanka Soomaaliya.

Sida muuqata waxaa magaalada Marko la mid ah magaalada Kismaayo oo aan ku jirin gacanta dowlada Soomaaliya kana mid ah magaalooyinka laga diidan yahay in laga taago Calanka Soomaaliya kaliya marar dhif ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay maahane Kismaayo shacabkeedu waxey u baahan yahiin dib u xoreyn rasmi ah ayaa laga soo xigtay 70 jir reer Kismaayo ah kedib markii uu arkey habdhaqanka jabhada Raaskaambooni iyo siyaasadeeda qabiilka iyo Soomaali naceybka ku dhisan.

Inkasta oo aysan magaalada Kismaayo dagaal huri doonin hadane wararkii ugu danbeeyey waxey sheegayaan in uu hogaamiyaha kooxda Ahmed Madoobe oo siweyn u dareensan duufanaha colaadeed ee ku soo wajahan uu hada saldhig ku meel gaar ah ka dhigtay magaalada Dhoobley si hadii uu xaalku xumaado ugu sahlanaato inuu xadka Kenya si sahlan uga tilaabo kedib markii ay soo baxeen in aysan ciidamada Kenya diyaar u aheyn iney ka Ahmed Madoobe kala qeybqaataan dagaalo sokeeye maadaama ay hada saraakiisha Kenya arkayaan hadii uu dagaal ka dhaco Kismaayo sida ciidamada Amisom ee Sh/hoose iney iyaguna faraha kala bixi doonaan oo aysan soo faro gelineyn taasi Ahmed Madoobe shaki ku abuurtay inuu kaligiis difaaci karo Kismaayo iyo in kale.

La soco wararkeena danbe iyo Kismaayo oo foolaneysa dagaal aan laga fursan doonin xiliay ku wajahan yahiin ciidamo iyo gawaari dagaal kuwii ugu badnaa ebed oo halkaas u jiheysta walow aan la ogeyn halka ciidamadaas laga soo abaabulay badankood.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com