HS:-
Posted by admin on November 10 2014 02:05:08
HS:-Waftigii Mareykanka oo kalsooni kala laabtay Mogdishu,Dalka Soomaaliya dowlad rasmi ah ayaa u dhalatay caalamkii oo la yaabay mowqifka madaxweynaha Soomaaliya iyo gudoonka sare ee baarlamaanka,R /wasaaraha Soomaaliya si sharaf leh ayuu xilka ku wareejinayaa.wararkii ugu danbeeyey .Read More.
Extended News
HS:- Inta aanan u guda gelin midabka ay yeelan doonto xukumada iyo R wasaaraha bedeli doona mida hada jirta hadane waxaa guul taariikhda gashay oo aysan Soomaa I badan ogeyn in ay wali jirto madax banaanidii dalka Soomaaliya hada kedibna laga reysan doono siyaasiyiintii horey dalka u soo maray xiligii kumeel gaarka ee isbed bedelka badnaa saacad kasta.

Hadaba tan iyo markiii uu madaxweynaha Soomaaliya ka hor yimid go, aankii deg degta ahaa ee loogu yeeray isku shaandheynta koban waxuu dalku lugaha la galay isbedel taariikhda galay bal aan dulmarno sidey wax u dhaceen.

Marka qilaafka madaxweynaha iyo R/wasaaraha meel leyska dhigo loolanka siyaasadeed ee socday iyo dagaalka ugu weyn ee siyaasadeed waxuu u dhaxeeyey wakiilka Qaramasa midoobay Nicols Kay oo karaamadii golaha shacabka meel uga dhacay waayo 275 ta baarlamanteeriyanka ah waxey wakiil ka yahiin 15 million Soomaali aan ka yareyn waxuuna war saxaafadeedka wakilka qaramada midoobay xambaarsanaa cay iyo hanjabaad waxeysa wax kasta isbedeleen kedib markii uu wax ka yar 6 laac madaxweynaha Soomaaliy a iyo gudoonka sare ee baarlamaanka ay si geesinimo leh oo isku mid ah u difaacay mudanayaasha baarlamaanka caalamkana u sheegeen in la ilaaliyo madax banaanida Soomaaliya.

Hadaba xaaladii halkaas kuma egaane waxaa shirar kala duwan iyo dhex dhexaadin isku dayeen ururo fadhigoodu yahay bariga Africa oo shaqsiyaadka hogaaminaya nolol iyo shaqo ka abuurtay qalalaasaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo hantidii loogu talo galay shaxabka Soomaaliyeed horey iyo gadaal diyaarado ugu raaco, hayeeshee dhamaan damacii kooxahaas oo dhan waxaa meesha meesha ka saaray mowqifka adag ee ay qaateen madaxweynaha Soomaaliya iyo afhayeenka baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Dabcan golaha shacabka iyo guud ahaan sharafta umada Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan madaxweynaha iyo gudoonka sare ee baarlamaanka waa waajib muqadas ah waayo mar hadii caruurtii ay ka geeriyoodeen waxii xildhibaano la dilay oo ay ka mid aheyd haweeneydii wadaniyada aheyd Saado Cali Warsame wakiilka Qaramada Midoobayne isagoo maslaxadiisa iyo mushaarkiisa ilaa shanayo si guud u af lagaadeeyey mudanayaasha baarlamaanka oo waliba meesha lagu aflagaadeynayo ma ahan wadanka uu ka soo jeedo Nicols Kay waa dalkoodii hooyo oo la doonayo in lagu gumeysto oo lagu handado iyadoo dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga faaideysanayo daruufaha adag ee ay ka dhaxleen colaadii dheereyd ee 33 jirsatay.

Hadaba wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno kulankii ugu danbeeyey ee dhax maray madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti Mareykan ah ayaa ku soo dhamaaday in aysan madaxweynaha iyo R wasaarahu wada shaqeyn karin arintiina waxey ku soo aruurtay in R wasaarahu hor tago golaha shacabka sida ugu dhaqsiyaha badan iyo in uu iscasilo.

Xitaa beesha caalamku waxey soo jeediyeen R wasaare Cabdiwelina aqbalay inuu isku shaandheyn guud sameynayo madaxweynahane intii uu wasiiro rabo siinayo arintaasne ma noqon mid miro dhasha waxaana madaxweynaha iyadoo leex leexad laheyn u sheegay beesha caalamka oo iyadu ay kaka dhegtay mashruuca New Deal ka hadalkiisa oo kaliya in uusan diyaar u aheyn qilaaf R wasaarahan ka danbeeya.

R wasaare Cabdiweli oo xili baarlamaankii isaga siiyey codka kalsoonida oo la af kagaadeeyey meel la soo istaagay aniga iyo madaxweynaha arinteena waxaa lagu xalinaa dalka dibadiisa waxuu waagu ku baryey kedib markii ay arintii Soomaalida dhexdeeda dhaafiweysay halkii shisheeye loo ordi lahaane gudoonka baarlamaanka in howsha loo daayo uu madaxweynahu ku adkeystay waxey arintiisa ku soo aruurtay in ay waftigii ka socday Mareykanka madaxweynaha ku wargeliyaan hadiiba aan laga fursaneyn R/wasaare iyo xukumad cusub in waqtigu wuu socdaaye la dedejiyo oo aysan arintu bilo qaadanin, laakinse madaxweynaha Soomaaliya oo u muuqda in uuba diyaar u yahay wasiirkiisa 1aad oo uusan meel dheer ka dooneyn waxuu kunwargeliyey in howsga loo daayo hayadaha ku shaqada leh markii ay arinta dhankiisa soo aadona uu fududeyn doono ku dhawaaqida ee aysan sidii hore u qadaneyn 30 cisho in lala sugo.

Isku soo duuboo hadii lagu guuleysto dadaalada ay wadaan gudoonka baarlamaanka 24 saac ee inagu soo aadan waxey u badan tahay in uu r wasaarahu isagoo aan golaha shacabka hortagin istiqaaladiisa madaxweynaha Soomaaliya u geyn doono maadama ay gudoonka baarlamaanka og yahiin in aan laga fursan doonin mooshinka ka yimid 140 mudane waxey isku dayayaan iney r wasaaraha ku qanciyaan inuu si shar leh oo Somaalinimo leh isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya arinta ku dhameeyaan moshin la aan howshana fududeeyo maadama aysan hafa joogin qilaaf isaga iyo madaxweynaha ah ee ay mareyso r/wasaaraha iyo inta badan golaha shacabka.

Hadaba hadii bulshada waqti kale laga luminayo waa meesheeda laakinse dalka Soomaaliya waxuu ka fursan waayey r wasaare iyo xukumad cusub inta badana golaha wasiirada natiijada dhabta ah wey ka war hayaan laakinse r wasaaraha ayey sugayaan inuu is garto iyo in kale, bil xaqiiqo talaabada ay qaateen gudoonka baarlamaanka iyo sida uu isla markii u difaacay madaxweynaha Soomaaliya amaba jawaabta deg degtaa uga bixiyey gefkii loo geystay golaha shacabka iyo sida aanba loogu baahan shirarkii hadva inta dibada lagu qabto la dhihi jiray dibada ayaa lagu xalinayaa qilaafka madaxda Soomaaliya iyo wax la mid ah waa guul iyo gobanimo Soomaaliweyn u soo hoyatay.

Waxaa kale oo guul aheyd lagana yaabo in aysan dad badan fahmin waqtiga uu ku soo aadiyey madaxweynaha Soomaaliland qudbadii uu ku lahaa anaga waxaa shirka New Deal nagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya Somaliland wey isku tashatay oo iyadaa nol8sheeda maareyso caalamna uma baahnin hadalkaas waxuu muujinayaa in sida ay hada masuuliyiinta Soomaalida badankood uga tashanayaan beesha caalamka marka ay kalsoonidaas soo laabatana waxaa soo dhawaanaya is fahamka Soomaalida dhexdooda ah maadama ay yahiin dad wada dhashay laakinse ay shisheeye ku kala dhex jiraan.

Isku soo duuboo xitaa hadii uu madaxweynaha Soomaaliya markaan R wasaare ka dhigo shaqsi xisbigiisa ka tirsan oo ay dhamaan golaha wasiirada badankood iyaga noqdaan waxaa caalamka ka go, an iney la shaqeeyaan xukumadkasta oo bedesha mida hada jirta inta laga gaarayo 2016 shacabkuna jaanis u helayaan ibey codkoda ku doortaan min tuulo ilaa degmo siyaasiga ay rabaan inuu hogaaniyo inta ka horeyso waxaa u daran iney maqlaan wax la yiraahdo qilaaf in ay dhegahooda maqlaan.

La soco midabka ay noqon doonto xukumada cusub ee la filayo dhawaan iyo isbedelada muuqda ee dalka Soomaaliya ka soo socda bilaha inagu soo aadan.

Isha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com