HS:-
Posted by admin on August 16 2015 04:25:25
HS:- (SUMCADA CIIDAMADA MIDOWGA AFRICA EE DALKA SOMALIYA KA HOWLGALA OO MARBA MARKA KA DANBEYSA SII XUMAANEYSA DHAWAANA LAGA YAABO IN LAGA JARI DOONO MALAAYIIN DOLAR OO AY HOWGALKA SOMALIYA KU QAADAN JIREEN) Ciidamada Amisom ee ku sugan Hiiraan gaar ahaan magaaladii dhawaan ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo laga yaabo iney halkaas kala kulmaan dagaalo xoogan oo uga yimaada dhalinyaro deegaanka ah taasi oo laga yaabo inuu ku baaho deegano ay ka mid yahiin.....Click Read More
Extended News
HS:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Istiraatiijigaa ee kala barta Bulo Burde iyo B/weyne ee ay ciidamada Amsiom dhawaan ku xasuuqeen dad shacab ah magaaladaasi oo lagu magacaabo Halgan amaba sida ay dadka qaarkiis u yaqaanan Koronto Uno (41) ayaa waxaa ka soo muuqda dagaalo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Amisom.

Kedib tan iyo markii si bareer ah xasuuq loogu geystay dad shacab ahaa oo iyagu u socday tacsi amaba geerida nabadoon halkaasi ku dhintay kedibna inta gawaarigii ay la socdeen laga dejiyey meel 300 oo mitir u jirta garigii laga dejiyey lagu xasuuqay.Hadaba tan iyo markii uu xasuiuqaas dhacay waxaa gebi ahaan istaagay xiriirkii shacabka iyo Amisom waxaana ka socda abaabul muuqda in ka badan 10 tuulo oo ku hareereysan magaalada 7aad ee ugu weyn Hiiraan amaba City of Halgan.

Arintaani ayaa u muuqda kacdoon saf balaaran ah oo abaabulkiisa ugu xoogan uu ka socdo magaalada........ maadaama sida muuqata dalka Somaliya Hiiraan waxii ka danbeeyey xasuuqii foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay halkaas siweyn dal iyo dibad jaaliyada Hiiraan uga hadlayeen goobaha social Mediyaha waxaana macquulka ah in ay kacdoonkaan oo ay mediyaha qarkiis ka qeybqaadan doonaan marka u ukacdoonka bilaawdo dadka ku dhiman doono iyo kuwa ku dhaawacmi doono aduunyada siiba dowladaha ururka Midowga Africa siiya dhaqaalaha iyo hubka lagu xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed si sahlan caalamku hal amr u arki doono in aysan ciidamada Midowga Africa ee Amisom u joogin dalka Somaliya nabadeyn ee ay u joogaan xasuuq shacab.

Dhinaca kale waxaa gabo gabo maraya Petition ay saxiiseen kumanaan kun oo Somalida qurbaha iyo qoraalo ka kooban 12 bog oo loo kala diray qaarna weli lagu guda jiro in loo diro dowladaha ay quseyso, waxeyna sidaan horey u sheegnay u muuqataa qatarta iyo kacdoonka ka soo muuqda Hiiraan mid saameyn ku yeelan doono qeybaha kale ee Hiiraan kedibna uga sii gudbi doono gobolada kale aduunyaduna ay halmar la yaabi doonto dagaal u dhaxeeya shacabka iyo ciidamada Amisom oo dalka Somaliya kudhax maraya.

Weli si dhab ah looma oga in uu fashil ku dhamaday wada hadalo u socday ciidamadii xasuuqa u geystay shacabka iyo waxgaradka Hiiraan iyo in kale waxaase jira in uu socdo dhaqdhaqaaq ay adag tahay in ay dad badan fahmaan kaasi oo ay wadaan dadka degaanka oo malmahii tagay lagu maslaxayey bal horta aan meydka duugno iyo odoyaasha ha lag awarsugo waxey kala so olaabtaan kuwa dadkooda xasuuqay iyo wax la mid ah.

La soco wararkeena danbe iyo mustaqbalka ciidamada midowga Africa ee Amsiom kana howlgala wadanka Somaliya gaar ahaan Hiiraan fadeexada ka soo muuqato iyadoo ay xaqiiqo noqon doonto wax badan oo hada muuqda hadaan si dhab ah loo turxaan bixin in ay dhawaan meesha dhan ka bixi doonto malaayiinta dolar ee ay muskilada Somaliya ku helaan midowga Africa ciidamada ka jooga Somaliya.


kama hadleyno dalka intiisa kale waxaan ka hadleyno waa Hiiraan iyo sida uu kacdoonada ka dhaca uga duwan yahay kuwa ka dhaca dalka intiisa kale waayo inta badan kacdoonada ka dhaca dalka intiisa kale waa kuwo la siyasadeeyo hayeeshee Hiiraan hadey shacabku kacaan wax ay ku kacaan o la taaban karo ayey arkeen weyna ka dhiidhinayaan intey tabartoodu la gaarto ilaa ay ka garayan hadafka ay kacdoonakaas ka leeyahiina inta ku dhimaneyso micno uma sameyneyso waxaa qiimo u sameynayo gobanimada ka danbeysa waana midaas waxyaabaha keena in inta badan kacdoonka Hiiraan ka bilaawdo ku baaho dalka intiisa kale.

War helaa talo hela hadii ay malaayiin Somaliya maqlaan saraakiil sar sare oo ciidamada Amsiom ka tirsan oo magaalo Hiiraan ka tirsan lagu bartilmaameedsado iyagoo shacabka ku dhax jira waa ka jawaabid xasuuqii dhawaan ka dhacay Halgan ilaa arintaas meel la saarona xeeladkasta oo ay dhacdadaas uga jawaabi karaan ifafaalaheediina waa ka soo muuqdaa Hiiraan.

Waxaa macquul ah in ay dhawaan Somali badan ka maqleen mediyaha iyadoo waraaqo lagu dadiyey magaalada lagana dhigayo in ay Shabaab qoreen warqadahaasi kacdoonka Magaalada Halgan ka soo muuqda haduu mar bilaawdo waxey ugu danbeyn xaaladu iskugu biyo shuban doontaa ciidamada Amisom iyadoo uu caalamku marqaati ka yahay Hiiraan haka baxeen kedib marka ay dil ku bilaabaan caruur iyo dumar si lama filaan ah kacdoonka wajigiisa 1aad u bilaabi doono kedibna wejiga labaad waxey noqon doontaa in ay xiliyada habeenkii madaafiic dhiancey doonaan u seyriyaan ciidamada Amisom ee degaankaas ka howlgala maadaama ujeedka ay hubkaas u ridayaan ay noqon doonto dadka ku cabsi geliya maadaama inta badan tuulooyinkii ay dhawaan gaareen si tartiib tartiib ah loogu firaaqeyn doono sida qorshuhu yahay ugu danbeyna waxey ku qasbanaan doonaan in marka magaaalda loo firaaqeeyo ay iyaguna iskaka baxaan oo ay dibada ka joogaan waana mida ayba shacabku doonayaan.

Waxaa sida warar u baahan hubin dhameystiran ay sheegayaan in ay dhalinyarada deegaanku siyaabo kala duwan ku helayan dhaqaalo ay ku fulin karaan hadba oporationka ay markaas doonayaan in ay qaadaan.hadii aad doneyno in aad wax ka ogaato dagaaladan ookale marka ay reer Hiiraanku qaadayaan waxaad hadii uu noolyahay raadisaan oo aad weydiisaan General Maxamed Saciid Xersi Morgan isagaa ka nool saraakiishii ciidamadii xooga dalka Somaliya ee Hiiraan loo diray dhamaadkii siteetameeyadii amaba intii u dhaxeysay 1987 ilaa dhamadkii 89 kii bal ahdii aad u heli kartaan jaanis weydiiya dadka reer Hiiraan hadey mar kacaan ma dad munaafaqeeyaa mise waa nabad iyo colaad yaqaano ileen ciidamo ka awood badnaa kuwii dowladii kacaanka oo weliba ahaa geesiyaal Somaliyeed more than five times-na ka awood badnaa ciidamada Amisom ee hada ku sugan wadanka amaba Hiiraan, dadka waxaa iskak qasan faraqa u dhaxeeya dagaalka labo ciidan dhax mara iyo kacdoon ay bilaabaan shacabka Hiiraan, kacdoon haduu Hiiraan ka bilawdo meesha uu ku dhamaado waa ama anaa ifka ka tagayo ama adiga inta xaalada wada hadal joogto armey ciidamada Amisom Somali badankeed ma yaqaanaan waxey uun arkeen siyaasiyiin iyo madax waxii loo yeeriyo haye leh amaab kuwii shacabkooda xasuuqay ugu hambalyeynayo siib amadaxweynaha hada jooga oo isagu taariikh aan horey loog abaran hogaamiyaashii ka horeyey bulshada la dhax yimid.

Maalinta aad maqashaan waxgaradkii Halgan u joogay dadkii dhawaan la xasuuqay in arintooda meel la saaro iyo saraakishii wadanka Somaliya ku joogay magaca Amisom kana socday ciidamada Ethiopia iyo kuwa ka socday dowlada Jabouti ee arintaan markey dhaceysay marqaatiga ka aha, wey isku fahmi waayeen in cadaalada loo marsiiyo amaba loo soo gacan geliyo amaba hortooda lagu qisaaso amaba ugu danbeyn dumarkii iyo caruurtii waalidkood iyo walaalahood la xasuuqay magdhaw lama siin oo wada hadaladii waa lagu kala tagay markaas kedib ayaan wax ka qoreynaa.

Weliba kacdoonka Hiiraan waxaa daba socda sidaan horey u sheegnay Professional Somali Diaspora Petition Against Amisom Troops in Somalia,kaasi oo xabada la ridayo uga darnaan doono dowladaha malaayiinta dolar ku qaata howlgalka ciidamada midowga Africa ee Amisom,waxaana imaan doonto in dowlado ay Turkiga ugu horeeyaan caalamka ka dhaadhicin doonto in marka shacabka Soomaaliyeed aduunyada ka codsadaan iney ciidamada midowga Africa ka baxaan wadankooda sidaas kaalintooda u buuxiso dowladaTurkiga oo ay hada ciidamo iyo Maraakiib ka joogaan dalka Somaliya, shacabkuna ay aad uga kalsoonyahiin kuwa Midowga Africa.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com