HS:-
Posted by admin on September 08 2015 01:55:16
HS:-(QARAN JABWEYN SIDA LOO QIYAANAY R/WASAARAHA, LABADA GUDOMIYE KU XIRAN EE BAARLAMAANKA IYO XILDHLBAANADII MOOSHINKA KEENAY) PROF JAWAARI IYO M/WEYNE XASAN SH OO KU HESHIIYEEN 5 QODOB DOWLAD UUSAN WAXTALO AH KU LAHEYN R/WASAAREHANA ISLA DHISEEN) Maxaadse kala socotaa sida uu Prof Jawaari u qaatay qamaarka siyaasadeed,xili ay caalamkii diideen iney taageeraan m/weynaha mooshinka ka yaalo aqri qodobada ....Click Read More
Extended News
HS:-Sida muuqata hadiiba muwaadin Somaliyeed last minute fashilmo waxaa si aan caadi aheyn u fashilmay Prof Jawaari waxeyna u muuqataa in ay adkaan doonto inba mar kale loogu yeero gudoomiyaha sharcigaa ee baarlamaanka hadeysanba xildhibaanada baarlamaanka kuwooda mooshinka keenay iyo kuwa madaxweynaha kula joogay dhaqaalaha xaqiiqada ka abaari xaalada siyaasadeed ee uu wadanku lugaha la geli doono,waayo qofkii Somaliya oo rumeysan lahaa iyo kii dalka dhan ee Somaliya u bur hurin lahaa Madaxweyne Xasan Sheikh oo hal qof ah halkii wadanka dhan leysku dhax yaacin lahaa golaha shacabka ee hada jira ne looga hortagi lahaa in uu bur buro ilaa laga helo gole kale oo shacab oo bedel 2016, xildhibaanada Xasan Sheikh iska dhigayo iney la safana yahiin 50 ka sano oo soo socota ayey ka qoomameyn doonaan waxa ay hada moodaan in ay la saxan tahay.

Sidoo kale waxaa adkaan doonta gole danbe oo baarlamaan oo inta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka oo mar danbe isku yimaada iska daaye waxaan xitaa wada shaqeyn doono Gudoonka baarlamaanka iyo ku xigeenka diisa maadaama ay xaqiiqo tahay hadaan mooshinka madaxweynaha oo aan waxbo dhaamin mid kii laga keenay labadii R/wasaare ee ka horeysay la meel marin.

Inkasta oo ay siyaasada dalka meel xun ka mareyso madaxweyne Xasan Sheikh waxaa laga yaabaa in ay dad badan isweydiinayaan xiliga lagu soo aadi yey warqada uu mediyaha soo geliyey Prof Jawaari.

Nasiib wanaag dadku hadeysan siyaasada caalamka ka jirta la socon waxey ku wareeraan mida gudaha waayo maadaama uu madaxweynaha u so day shirka New York ee Qaramada Midoobay oo ay Somalida Mareykanka defense isku diyaarinay een banaanbaxyo ayaa waxaa shacabka Somaliyeed loog dhigayey in moshin kii la xaliyey,laakinse warqadaan sida warar horudhac ah lagu helayo waxuu Prof Jawaari ku bedeshay qodobadan
Waana wararka ugu badan Mogdishu iyo dalka intiisa kale yaalo.

Waxaana qodobadan oo aysan waxa kala socon xitaa R/wasaaraha iyo gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka amaba inta badan xitaa madaxda maamulada dalka iyo wakiilada caalamka jooga Somaliya, waa arin ku eg madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka sida lagu helayo warar duul duul ah oo saacada hii ugu danbeyay xafiiska da madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka yaala qodobadaan waa badan yahiin laakinse kuwa ugu muhiimsan waa sidan.

1- Qodobka 1aad waxey wararka sheegayaan in ay labadan masuul iska Garten in la soo dhiso xukumad cusub marka uu Prof Jawaari ka soo baxo balan tii aheyd in uu mooshinka madaxweynaha iyadoo aan maxkamad iyo gole shacab intaba la geyn baabin doono,micnaheedu waa ma jiro dastuurka danbe oo lagu dhaqmayey oo wadanka ka jira markaad Qodobkaan si fiican u Dhuuso nuxurkiisa (Alley leh dalka Somaliya waa qaran Dumay)marba kuwii masuuliyada ugu sareeysa sheeganayey hadey sidan u dhaqmaan.

2 - Prof Jawaari sida wararka qaarkood sheegayaan qodobada lagula heshiiyey kuwooda ugu xasaasi ka badan waxaa qeyb ka ah in marka xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed la soo dhiso maadaama uu madaxweynaha markii hore kala saftay Shariif Xasan Sheikh Aden,hada xaalku sidaas wax badan wuu ka duwan yahay oo Shariif Xasan waxaa lagu bedeli doonaa nin ganacsi deegaanka ah kana soo jeeda qowmiyada Mirifle marar badan ka soo shaqeeyey NGO Yada degaanadooda Bay iyo Bakool laakinse waxaan si buuxada loogu dhufan afka magaciisa.

3 - Arinta kale ee madaxweynaha rajo xoogan geliso in uu mooshinkiisa ilaah ka sokow Prof Jawaari ku xiran yahay waa in ay r/wasaaraha,labadiisa kuxigeen iyo mudanayaasha baarlamaanka maadaama uu yahay Prof Jawaari qof ku jira cimri biliseed amaba waqti danbe wax shaki ah oo ay talooyinka uu u soo jeediyeen ka qabteen ma jirin waana waxa keenay in ay xitaa mudanyaashii mooshinka keenay xaalada dejiyay.

4 - Qodobkaan waa midka ay madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanku is tusiyeen inuu yahay midka ugu sahlan maadaama uu madaxweynahu aaminsan en inuu wadanku leeyahay R/wasaare xukumadan a siduu doono kayeelo waxaa lagu heshiiyey in gole cusub oo tiro ahaan ka yar kuwa hada jira la soo dhiso r/wasaarahane daqiiqo da ugu danbeysa lagu wargelin kaliyana 1 ilaa 2 wasiir loo daayo inuu la yimaado.

5 - Qodobkaan waxaa lagu heshiiyey hadii ay qodobada kor ku xusnay hirgelin waayaan intooda badan in ilaa mudo arimaha federalka oo ay labadan masuul is tusiyeen in aan waqtigoodii la joogin in si doorashada 2016 dib loogu dhigo in lagu mashquuliyo shacabka Somaliya qilaaf si iyadoo farqaha leysku dheg en yahay loo gaaro 2016-ka.

Isku soo duuboo Hadeysan si waadax ah Prof Jawaari ula fadhiisaneyno R/wasaaraha iyo labada gudoomiye ku xigeen ee baarlamaanka oo aysan si xaqiiqo ah oo qiyaaliga ka fog Gudoomiyaha baarlamaanka iyagoo kaas hana yo xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha iyo kuwa madaxweynaha ku fikirkaane laba weydiisaa halka uu Prof Jawaari dalkaan u wado madaxweyne shaqsi ah oo uu mooshin ka yaalo dalka dhan looma baabin karee,ma jiri doonto xitaa hadii gole cusub la soo dhiso waayo baarlamaankii ansaxin lahaa ileen sharcigii ayaaba lagu tuntaye, oo aan arinta loo wajahin jawi ka duwan midka Prof Jawaari amaba aan madaxweynaha maadaama dal iyo dibad loogu baaqay inuu iscasilo sidii madaxweynahii isaga ka horeeyey Cabdullaahi Yusuf isagaa hada fudud inteysan Somalida yar ee hada is heysata sii kala tegin baarlamaanka hada jirane uusan sidan deg degtaa ku burburinayo ,waayo hada maba muuqato si Gudoonka baarlamaanka siiba gudoomiye Jawaari loo aamino waa in mooshinka madaxweynaha hadii uu jiro sharci lagu dhaqmo sidii kuwii ka horeeyey loo meel mariyey midkanina waa inuu wadadaas maro,ileen W/wasaare Saacid waatii loo diiday inuu xitaa golaha shacabka ka hadlo xilkiisa laga qaaday.

La soco wararkeena danbe sida leyskaka daba wareegayo waxaa sidan ku bixi doona madaxweynaha golaha shacabku a waxuu noqon doonaa hayadda kaliya ee jiri doonta,hadeyba siyaasada Somaliya ku tiirsan eyd
Taageero ay bixiya an dowladaha reer Galbeed-ka,hayeeshee madaxweynaha iyo xukumada mida hada jirta ka danbeysa m sheegin laakinse dalka Somaliya inta uu madaxweyne ka yahay madaxweyne Xasan Sheikh caalamkii si aan caadi aheyn ayey gacanta ugu laabteen oo hada kalsoonida weyn laguma qabo madaxweynaha iyo inta ka ag dhaw,waxaana hada macuul la ah caalamka hadii jahwareerkaan lagu hayo laga daayo in iyagaa si dhaw loola shaqeeyo laakinse rajadaas hadii aysan waqti gaaban kudahood wax isbedel in Prof Jawaari,Xasan Sheikh,xukumad walaa gole shacab daaqada ayey is kala bixi doonaan 2016 kana waxaa la gaari doonaa Roadmap cusub iyo dowlad kumeel gaar ah 2020 iyo waxii ka danbeeya a dal Somaliya la yiraahdo inba la maqlo shaki ayaa ka jiri doono,marka waa in ka helo dad xilkas ah oo si wadanka dhan loo bad baadiyo in uu madaxweynaha si sharci ah oo dastuuriga ah iskaka difaaco eedeynaa loo soo jeediyey,mooshinkaan cod loo qaado haduu isku kalsoon tahay oo aysan qasan ada qaran ee lagu heysto aysan run aheyn ayuu yiri mid ka mid ah golaha wasiirada hada jira oo aanu ka gaabsanay in aanu xusno magaciisa.