Qodobada heshiiska SKA iyo dowlada federalka
Posted by admin on April 04 2011 13:27:37
Isniin April, 4 2011(hiranstate.com)-Qodobada heshiiska SKA iyo dowlada Qaybtii 4aad Part-2.
Extended News
Qodobada heshiiska SKA iyo dowlada Qaybtii 4aad Part-2

Waxaan hore aqristayaasha ugu soo gudbinay qayb ka mid ah qodobada heshiiska dhexmaray shirkada SKA iyo dowlada Soomaaliya taasoo aan u balan qaadnay inaan soo dhamaystiri doono. Hadaba maqaalkan ayaan ugu tala galnay arinta dhamaystirka falaanqaynta heshiiska anagoo diyaar u ah inan ka jawaabno su’aal kasta oo ay nasoo waydiiyaan qristayaashu.

Qaybtan waxaan ku soo qaadan doonaa Qodobka 4aad iyo kan 12aad kuwaasoo aan kusoo gabagabayn doono falaanqaynteenii heshiiska, waxaanan u gudbi doonaa qaybaha kale sida saameenta shacabka iyo kaalinta ay ku leeyihiin qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliya.
• Qodobka 4aad ee heshiiska waxa uu ka hadlayaa qaybsiga dakhliga garoonka, isagoo tibaaxaya in ay dowlada leedahay 30% halka ay shirkada SKA ka leedahay 70%.

Hadaba waa maxay waxa la qaybsanayaa? Waxa la qaybsanayaa waa faa’idada soo harta marka la jaro kharashka ku baxa qabashada shaqada garoonka sida shidaalka matoorada, mushaarka shaqaalaha iyo kharashka maamulka (administration cost). Waxaa xusid mudan sidee ayey dowladu ku ogaanee in faa’ido la helay ama la khasaaray maadaama ay awoodeedu aad u liidato ayna la qaadaadhacayso howlo kale oo arintan uga muhiimsan oo ay ugu wayntahay hanashada amaanka wadanka.

Mida kale mar ay BBC World Service (Hard Talk) wareeysanaysay wasiir kamid ah dowlada ayaa waxa uu sheegay in ay ka soo gasho airporka iyo dekeda dakhli gaaraya 2 million oo Dollar bishii, marka mar hadii dakhli intaa la’eg kasoo baxayo aanayna adkayn in howlaha garoonka la maareeyo maadaama ay dayuurado xadidan isticmaalaan maxaa keenay in dakhliga kasoo xarooda 3 meel labo meelood la siiyo shirkad ajnabi ah?
Markaad arintan si dhab ah u fiiriso waxaad moodaa in ay dowladu rabto inay culaysyada yar yar ee ay u keentay ka shaqeeynsiinta airporka iyo dekeda ay meel iska saarto si ay xoogeeda isugu geeyso shaqooyin kale oo ay u aragto inay uga muhiinsanyihiin sida daba cararida deeq bixiyayaasha caalamiga iyadoo si aad ah ugu mashquul ah shirarka caalamiga ah. Waxaana caado u noqotay inay madaxda dowladu adeegsadaan oraahda “waxba lagama qaban karo xaalada Soomaaliya in loo helo kaalmo caalami ah mooyaane”. Arintan waxaa daliil u ah wasiirka aan kor kusoo xusnay ee BBC waraysiga siinayey waxa uu ku cel-celiye areygan “the problem is pledging conference in Brussels, the resources that were committed to re-establishment of rule and law in Somalia that has not yet come forward”. Iskusoo wada duuboo waxaad moodaa in ay dawladu ka mashquushay ilihii dhaqaale ee wadankeeda ayadoo maskax iyo muruq isugu geeysay raadinta kaalmo caalami ah.
Isla qodobkaan waxa uu qorayaa in hal million oo Dollar ay shirkadu bixisay si ay u hesho heshiiskan, waxaa intaa dheer in uu heshiisku qorayo in ay shirkadu bil kasta qayb ka sii goosanayso 30% dowlada loo qoondeeyey ilaa ay usoo noqoto halkii million ee horumariska looga qaaday.
• Qodobka 12aad ayaa isna qoraya in heshiiskani uu hoostago sharciga UAE (Dubai).

Meeshaan waxaa ka maqan sharciga soomaaliya oo sida wax loo dhigay aanan sina u saameynayn heshiiska, tusaale ahaan ahddii ay dhacdo in wax laysku qabto waa in laysla aadaa Dubai illeyn qawaaniinta Somaliya shaqo kuma lahane.

Hadaba hadii aan intaa kusoo gaabino sharaxaada heshiiska, waxaa intaa dheer in ay dowladu dhawaan ka dhawaajisay in ay airporka Muqdishu uu habeenkii shaqayn doono. Tani waa arin wanaagsan laakiin ma aragno baahi keeneysa arintan waayo airporka yaa isticmaalaya habeenkii maadaama uu amaanka wadanku heerka aad wada ogtihiin marayo oo mar marka qaar maalinta cad la duqeeyo airporka. Waxa kale oo xusid mudan dunida maanta dhaqaalo xumi ba’an ayaa ka taagan, waxa ayna dunida hore u martay mareeysaa heer nalalka wadooyinka maalintii la demiyo si loo yareeyo kharashka ku baxa halka dowladii Soomaaliya ay leedahay airport cidlo ah ayaan habeenkii Runway lights u shideeynaa. Makula tahay in lacagta halkaa ku khasaaraysaa ay quudiso 100 qoys oo Soomaaliyeed oo dabkoodu dansanyahay abaar iyo colaad daraadood. Guntii iyo gabagabadii waxa ay dowladu u baahantahay inay danta umada uu Alle mas’uulka uga dhigay si dhab ah uga fekeraan.

Intaa waxaa dheer arin ayaamahan laysla dhexmarayo ee shacabka soomaliyeed lagu beerlaxawsanayo ee la leeyahay garoonka ayaa la casriyeynayaa, waxaa xusid mudan in qalab casri oo shacabka soomaaliyeed ay leeyihiin uu yaallo qaar ka mid ah wadamada deriska kaasoo loogu talagaley in lagu wareejiyo umadda soomaaliyeed markay dowlad dhexe yeeshaan balse waxaa isweydiin mudan dawladda soomaaliyeed ma iska dhegatiree mise aqoon la’aan ayaa u geysay inay wixii ay lahaayeen raadsan waayaan, mase waxaa uga fududaatay in ay airporka ku wareejiyaan shirkad ganacsi. Airporada soomaaliya waa shaqayn jireen habeen iyo maalin balse wacyiga jira dartii ayaanay hada suurto gal u ahayn inuu shaqeeyo 24 saac.
Qoraalkeena xiga ayaan umadda soomaaliyeed ugu soo bandhigi doonaa qalabkaas casriga ah ee airportkeena u yaallo oo ay ka mid yihiin:
• Tower qalabkiisu yahay kii ugu dambeeyey
• Navigational equipment
• Metereological equipment
• Mobile runway lights
• Iyo qalab kaloo badan.

Waxaa si wada jir ah u diyaariyey

Jamal K Mursal
jkmursal@hotmail.com,
jkm036@londonmet.ac.uk

Ahmed M Hassan
amoallinh@gmail.com
amh200@londonmet.ac.uk

Maxamed Abuukar Nuur
Maxnour62@hotmail.com