HS;-
Posted by admin on November 22 2016 14:41:49
HS'-ISBEDEL SIYAASADEED KU SOO FOOL LEH WADANKEENA......READ MORE
Extended News
MADAXWEYNE XASAN SHEIKH OO SIYAASADII ARIMAHA DIBADA IYO MIDII GUDAHA LOOGA GUULEYSTAY, XILI DOORASHADII GUUD EE MADAXTINIMADA SOMALIYA KA HARSAN TAHAY KALIYA WAX KA YAR 10 MAALMOOD.

ISBEDEL SIYAASADEED AAN CAADI AHEYN OO KA DHACAYA DALKA SOMALIYA ISBUUCYADA INAGU SOO AADAN, WAXAANA SI LAYAAB LEH MUSTAQBALKIISA SIYAASADEED MUGDI XOOGAN U GALAY AMABA HADAAN SI KALE U DHIGNO OLOLAHII DOORASHADA IYO WELIBA SIYAASADA ARIMAHA DIBADA IYO MIDA GUDAHABA SIWEYN LOOGA GUULEYSTAY SIYAASIGII WADANKA SOO HOGAAMINAYEY MUDADA 4-TA SANO AH EE INA DHAAFTAY HOGAAMINAYEY XASAN SHEIKH MAXAMUD.

FADAN SI DEGAN ULA SOCO WARARKEENA DANBE IYO SIDA XITAA XILDHIBAANO BADAN OO UU KU BIXIYEY DHAQAALO BADAN INEY SOO BAXAAN KUWAASI OO KA SOO KALA JEEDO BEELO KALA DUWAN OO SOMALI AH UGU BIIREEN OLOLE ILAA HEER CAALAMI AH OO ISKU XIRAN.

SIDOO KALE WAXAAN WARBIXIN KA SOO DIYAARINEYNAA SIDA DOWLADAHII MARKII LA DOORTAY KEDIB XASAN SHEIKH ALBAABKASTA OO AY HORUMAR KU GAARI KARTAY DOWLADII LA SOO DHISAY 2012 IYO SIDA ADUUNYADU XILIGAAS DIYAAR UGU AHEYD AY HADA UGA SOO XIRXIRTEEN ALBAABADII.

SIDOO KALE WAXAAN WARBIXIN KA SOO DIYAARIN DOONAA MID KA MID AH MAAMUL GOBOLEEDYADA OO AAN LAGA QEYBGALIN DOONIN SHIRARKA LOO QABAN DOONO MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA HADA DHISAN IYO MASHAARIICYO KALA DUWAN OO DEGAANADOODA LAGA FULIN LAHAA IYADOO AY UGU WACAN TAHAY........

SIDOO KALE SIYAASADA CAALAMKA MAALINBA MEEL AYEY TAALAA %99.9 HADA MA AG TAALO MADAXWEYNAHII HORE EE SOMALIYA XASAN SHEIKH MAXAMUD WAXAANA MACQUUL AH INEY LAST MINUTE-KA SIYAASIYIIN BADAN OO LA SOO SHAQEEYEY MUDADII 4-TA SANO AHEYD EE UU WADANKA MAAMULAYEY KUWOODA LAGA YAABO INEYSAN MACLUUMAAD BADAN KA HEYNIN HALKA AY WAX MARAYAAN KALIYANA MAALINKASTA LAGU MASHUULIYO SIYAASADA GUDAHA EE DHAAFI WEYSAY IN LA XUREEYO INTA U DHAXEYSO MOGDISHU IYO AFGOOYE, HADANE WAA WIIL SOMALIYEED XASAN SHEIKH CALAFKIISANA QOF KA HOR ISTAAGI KARTO MA JIRTO HAYEESHEE ALBAABKIISA SIYAASADEED WAA LA SOO DUUDUUBAY, WARBIXINTA AAN KA SOO DIYAARIN DOONO BADANKEED MARKII AANU BULSHADA U SOO BANDHIGNO ISAGU WUU RUMEYSAN DOONAA, LAAKINSE WAXEY KU ADKAAN DOONTAA INEY AAMINAAN TAAGEERAYAASHIISA BADANKOOD WAAYO CID U SHEEGEYSO ARIMAHA QAARKOOD INEY OGAADAAN AYAANBA JIRIN.

MA DHAHEYNO WIILKAAS AMABA GEBEDHAAS AYAA DALKA SOMALIYA HOGAAMIN DOONA 2016, LAAKINSE WAXAAN SOMALI BADANKEED KUWII TAAGEERSANAA IYO KUWII MUCAARADSANAA INTABA U SHEEGEYNAA IN SIYAASADII GUUD EE DALKA HADEY NOQON LAHEYD ARIMAHA DIBADA IYO MIDA GUDAHA INTABA LOOGA GUULEYSTAY XASAN SHEIKH, WELIBA MAANTA WAX UU KA JECEL YAHAY IN DOORASHADA WAQTIGEEDA KA DIB DHACDO MAR KALE MA JIRTO.

WAXAA JIRA MUSHARAXIIN BADAN OO KA MID AH BEELAHA SOMALIYEED OO IYAGU XILDHIBAAN KU NOQDAY KURAAS UU DHAQAALO KU BIXIYEY XASAN SHEIKH INTEY YIRAAHDEEN ADIGA AYAAN KUU CODEYNEYNAA, LAAKIINSE SIDA XAQIIQADA AH ILAA HADA XIDHIBAANADA LA DOORTAY OO GAARAYA 112 XILDHIBAAN HADEYSANBA KA BADNEYN OO LABADA AQAL KA TIRSAN BADANKOOD WAXEY QEYB KA YAHIIN ISBEDELADA KU SOO WAJAHAN DALKA SOMALIYA.

FIIRO GAAR AH MUSHARAXIINTA SOMALIYEED SIIBA KUWOODA LA SAADAALINAYO INEY SANADKAAN HEYSTAAN FURSADAHA MUUQDA WAAN UGA DIGEYNAA INEY MOGDISHU TAGAAN AMABA KU DHIIRADAAN ILAA AMAANKOODA LAGA XAQIIJINAYO AMABA INTA LAGA GAARAYO MAALINTA AY DHACEYSO DOORASHADA GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA AMABA SI WAADAX AH LOO SHAACINAYO, INTAAS WAA INAGA TALO

FADLAN SI DEGAN WARARARKEENA DANBE ULA SOCO SI AAD U OGAATO WAX BADAN OO KU SOO KORDHAY SIYAASADA GUUD EE DALKA.