HS;--------
Posted by admin on May 01 2017 14:33:23




ADDIS ABABA TO MOGDISHU 2018-Kedib booqasho gaaban oo uu dalka Soomaaliya ku yimid R/wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed oo si qurux badan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliya ee Mogdishu. Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed " Farmajo" ayaa soo dhaweyn kedib dhigiisa dalka Ethiopia kulan la qaatay,iyadoo ay labada masuul ka wada hadleen xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.ugu danbeyna waxaa ka soo baxay kulanka madaxda labada dowladood qodobo dhamaantood hadii la dhaqan geliyo horumar u leh labada bulsho.waxaanse ka soo qaadaneynaa kaliya qodobka ka hadlayo in uu wadankasta ixtiraamo qaranimada iyo madax banaanida dalka kale.Isku soo duuboo guud ahaan bulshoweynta qaarada Africa ayaa lagu wadaa in ay mustaqbalka dhaw iyo Kan fogba uu dhax maro ganacsi u sahlayo in ay ka wada faa'ideystaan Amaba hadaan si kale u dhigno ganacsiga xorta ah.dhinaca kale dowlada cusub ee dhawaan u dhalatay bulshoweynta Ethiopia ee uu horkacayo R/wasaare Abiy Ahmed ayaa wada dadaalo nabadeed iyo tanaasul xoogan oo nabad loogu soo dabaalayo guud ahaan Qaarada Africa gaar ahaan geeka Africa, kedib Markii ay dhawaan ku dhaqaaqeen talaabo ku dayasho mudan iyadoo nabad ugu baaqday dowlada Eriteria.dadka saadaaliya siyaasada geeska Africa ayaa sheegaya hadii xal loo helo Muranka Eriteria Kala dhaxeeya dalalka Ethiopia iyo Jabouti Lana xoojiyo nabada dalka Soomaaliya Lana xormeeyo madax banaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama uusan dalka Soomaaliya weli ku jirin gacanta Soomaalida,in isbedelo muuqdo oo dhinaca horumar ka ah ku talaabsan doonaan Malaayiin shacabka Qaarada Africa ah oo ay kuwa geeska AFrica ugu horeeyaan.la soo wararkeena danbe.

SOO DHAWEYNTA CIIDA:-Kedib bishii qeyrka iyo xurmada ee Ramadan,caalamka siiba dalaka Islaamka oo siweyn looga dareemayo diyaar garowga maalmaha farxada leh ee ciida..

GABAYADA SOMALIDA-Hadii aad horey u maqli jirtay suugaan fara badan oo loo tiriyey Hooyada Soomaaliyeed,maanta bal dhageyso mid loo tiriyey Aabaha Soomaaliyeed.

WORLD CUP 1986-Bisha Barakeysan ee Ramadaan awadeed oo aanu shacabka ka yareynay wararkii dhinca siyaasada, waxaanu ugu talo galnay taageerayasha bogan ku tixan ee aadka u xiiseeya ciyaaraha Kubada cagta maadaama ay maalmo kooban ka harsan tahay furitaanka tartankii ciyaaraha aduunka ee 2018,hadane labadan kooxood Gemany iyo Argentine waa kuwii isku soo haray 2014.Daawashio Wacan Ciyaartii xiisaha badneyd ee 1986.