HS;-
Posted by admin on May 06 2017 14:19:26
HS;- Wararka Arimaha Siyaasada guud ee Soomaaliya.....Read More
Extended News


HS;-Inagoo ka amba qaadeyna qormadan midii ka horeysay, waxaa muhiim ah in aysan shacabka Soomaaliyeed inoo arkin in aan ka soo horjeedno in shirka London ee loo qabanayo Somaliya mucaarad ku nahay , waayo horey ayey u tiri Soomaalidu kuna maahmaaheen "Nin Buka Boqol u talisay" dadka Soomaaliyed wax gacantooda ku jira ma jirto meelkasta oo looga yeero oo looga hadlayo arimahooda wey ku qasban yahiin madaxii hadba markaas joogta hadey ahaan lahaayeen kuwii hore iyo kuwa hada jooga in ay tagaan.

Sidoo kale ma dooneyno in aanu waqti gelino nidaamkaan Soomaalida looga keenay dalka dibadiisa ee loogu yeeray Federalism-ka waayo waxaan jawaab kooban oo arintaas ku saabsan inooga furan. Federalka Soomaaliya markii Somalida loo keenay waxuu ka bilaawday Puntland iyaduuna dhawaan ku dhamaandoonaa burburkeeda hadii sidan lagu sii socdo.

Qeexid Kooban inuusan dalka Soomaaliya ka hirgeli doonin nidaamka federalka, hada qasab ayaa lagu wadaa qofkasta oo indheergarad ah oo Soomaali ah wuu ogyahay taas. Sidoo kale wey muuqataa maanta federalka la sheego inuu ka hana qaaday dalka Soomaaliya inuu yahay nidaam qabiilo dhisteen kedibna xaduudo sameysteen looguna talo galay in lagu cuuriyaamiyo dowladii guud ee dalka iyo dadka isku heyn laheyd waa dowlad dhexe amaba dowlada federalka.

Tusaale.

Nidaam Federal ah wadamada loo dhiso amaba loogu talo galay waa dalal ay ku nool yahiin qowmiyado kala duwan amaba kala luqad ah sida Lubnaan amaba dalka Naigeriya oo kale kuwaasi ayaa u baahan waxa loo yaqaano (Confederation Flag)waayo waa dad kala diin ah,laakinse Soomaliya waa dad isku af ah,isku dhaqan,diin iyo midab sidaasi ay tahay nidaamka federalka hadiiba ay noqoto iney si dhab ah u qaataan dadka Soomaaliya ma ahan mana u dhawa midka hada laga hirgeliyey Soomaaliya ugu danbeyna waxuu isku bedeli doonaa dagaal sokeeye mudo dhaw waayo.

1-Degaanada qaarkood dalka Soomaaliya siiba Puntland oo kale oo ah meeshii uu ka soo bilaawday nidaamka federalka maanta bal eeg askariga jooga ee militerigaa ma ahan mid aaminsan inuu hoos tago dowlada federalka, isagana ma ahan qofka doortay arintaas waa hogaanka hada horboodaya maamulka.

2-Shirka London waxaa isla tagaya oo wada aadaya hogaamiyaal maamul gobol amaba degaano kooban madax ka ah, oo hada qaarkood hadane isku arka iney wakiil ka yahiin dalal yar yar iyo calamo aan midkii Somaliya laheyd marka madaxda dowlada federalka ee shirka London tagi doona waxbo ma dhaami doonaan madaxda maamul goboleedyada mana dooneyno in aan shacabka Soomaaliyeed oo ay hada u dhalatay dowlad ay siweyn u taageersan yahiin shacabku uuna madax ka yahay madaxweyne Farmaajo in aan halkaan ugu soo qorno wax niyadooda dhaawacayo, hayeeshee dalka Soomaaliya waxaa jooga shacab diyaar u ah sidii ay u taageeri lahaayeen dowladan cusub waxaase jira kooxo shisheeye ah oo uu fadhigoodu yahay..... iyo hogaamiyaashaan maamulada dalka wada shaqeyn dalka lagu burburinayo oo ka dhaxeeya, markii shirka London laga soo laabto ayuuna qofkii uu shaki uga jiro arki doonaa arimaha qaarkood iyadoo aan qofna loo sheegin, hada kaliya si shirka London loo tago ayaa wax badan oo aan run aheyn mediyaha looga sheegayaa shacabka Soomaaliyeed, shirka madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Ingiriisk ayaa furayo intaas kaliya ayaa run ka ah shirka London. laakinse shirarka Hotelada London ku dhaxmari doona madaxda mamulada gobolada iyo madaxda federalka waa isku mid oo waxaa loola hadlayaa ilaa 5 madaxweyne oo midkasta gooyni loola macaamilayo.

Dib u xasuuso xiligii madaxweynaha Soomaaliya uu ahaa Xasan Sheikh Maxamud intii uusan shirka bilaaban sida hada Mogdishu waftiyada iskaka daba laabanayaan ayey u tagayeen. markii shirka Belguim amaba Danmark latagayne Soomaali oo dhan marqaati ayey ka aheyd waxii dhacay in isagoo shirarkaas mid ka mid ah madaxdii tagtay qudbeynayo in hawada laga jaray, taasne waxey caalamkii tusisay in ay shirka wada yimaadeen Soomaali kala socota., waxii dhaqaalo loo aruuriyeyna cid siisay ma jirto.maanta maxuu kaka duwan yahay madaxweyne Farmaajo madaxweynahii isaga ka horeeyey Xasan Sheikh? markaas maamulo badan oo hada jira maba jirin hada ayey ka sii xun yahiin habdhaqanka Soomaalida.

Waxne waa arin maanta taagan waxne waa mustaqbalka, waxa aan maanta ka hadleyno waa kaliya inuusan dalka Soomaaliya maanta aheyn dal xor ah oo madaxbanaan waxkastana Soomalidaa isku dhigeen,dadka Soomaaliyeedna colaad ayaa mudo soo dhaxmartay welina inta leysku keenay looma qaban dib u heshiisiin dhab ah tiiyoo dusha sare looga keenay nidaam loogu magac daray federal system weliba degaanada qaarkood madaxweynaha hogaaminaya uu isku arko inuu madax ka yahay degaan dalka intiisa kale ka madax banaan kama hadleyno Somaliland oo hada maqan waxaan ka hadleynaa kaliya maamulada ka jira koofurta.

Marka shirka London madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa horey u sheegay natiijada ka soo bixi doonta mana ka hordhaceyno hadeysan wax badan isbedelin maalmaha inagu so oaadan ugu yaraan,Soomaalida magacooda ceeb weyn ayaa shacab ahaan iyo dowlad ahanba ka soo gaari doonta shirka London, Soomaali waxey guul kala imaneysaa oo iney isbedeleen la rumeysanayaa kaliya hadii madaxda dowlada federalka oo wakiil ka ah dalka oo dhan ay meeshaas tagaan iyadoo isku kalsoona miiska soo saarto waxii umada dan u ah hogaamiyaashaan maamulada dalkana ay wadanka joogaan. hadii taas la waayo marba hadii ay hogaamiyaasha maamulada gobolada aysan madaxdii federalka iney metelaan ku aamini waayeen shirkaas ooay dhihi waayeen adingaa inaga wakiil ah ma idiinla tahay iney gudaha Soomaaliyana ay wada shaqeyn ku dhaxmari karto?

Aaaway nidaamkii dowliga ahaa ee isku haynayey guud ahaan dalka Soomaaliya? marka yuusan shaki badan kaa gelin inuusan dalka Soomaaliya ka shaqeyn doonin nidaamkaan federalka ah oo qofkasta isagu isku arko inuu yahay madaxweynahii Soomaaliya.Intaas arinta shrika London ha inoo joogto maanta.





WARARKA MAANTA OO TALAADO AH.


;



WARARKA MAANTA OO ISNIIN AH.



WARARKA MAANTA OO AXAD AH.