HS;-
Posted by admin on June 24 2017 15:56:26
HS:-Wararka Arimaha Siyaada Somaliya............Read More
Extended News
WARARKA CAAWA IYO SOMALIYA.



Qof walbow camalkaada wanaaji aduunyada wanaag badan kuma harin.



WARARKA MAANTA OO TALAADO AH.





WARARKA CAAWA





WARARKA MAANTA OO TALAADO AH.




Hargeysa,Somaliya 2017:-Sidaan qormadeenii hore intii la socotay amaba shabakadan horey ugu xirneyd ugu balan qaadnay inagoo ka duuleyna daraasaad qabyo ah oo aanu dhawaan soo gabo gabeyn doono hadii Alle idmo ugu danbeyn waxii ka danbeeya maalmaha ciida hadane, sidaan horey bulshada ugu bidhaaminay inagu kalama jeclin xisbiyada siyaasada ee ka dhisan gobolada waqooyi amaba Somaliland dhamaantoodna dadka hogaaminayo aqoon gaar ah oo aanu u leenayahay ma jirto hayeeshee waxaa jirto marka ay degaan doorasho ka dhaceyso saadaal horudhac ah oo laga sii qaato dadka markaasi degan goobta ay doorashada ka dhaceyso ee shacabka ah ee iyagu ama wax dooranaya amaba Diidaya.

Sidoo kale dhamaan saadaasheenu waxey ku qotontaa laga soo bilaabo markii aan bilaawnay daraasaadka qabayada ah isbuucyo ka hor iyo ilaa maanta oo aanu qoreyno qodobada aanu is leenahay siweyn ayey doorashaa soo socota ugu guuleysanayaan xisbiga Wadani ee uu gudoomiyaha u yahay siyaasiga Cabdiraxmaan Ciro.

Ma ahan oo kaliya in Cabdiraxmaan Ciro iyo xisbigiisu hadii ay guuleystaan ay mahadinayaan Somalida ku nool degaanada uu maamulo maamulka Somaliland, xitaa waxey dani ugu jirtaa inuu doorashadan ku soo baxo Somaliweyn, wadamada deriska siiba Ethiopia iyo Jabouti iyo degaanada amaba gobolada kale ee dalka ee deriska la ah Somaliland sida Puntland oo kale markii aanu xaalada iyo meeshey hada wax marayaan dhinackasta ka eegnay waxaan si horudhac ah daraaseedka qabyada ah ugu soo koobeynayaa qodobadan hoose.

1-Horta hadii ay dad badan is leeyahiin degaamada Somaliland waxaa ka jiro 3 xisbi siyaasadeed arintaasi waa been Xisbiyada Kulmiye iyo xisbiga uu hogaamiyo Feysal Cali Waraabe waa isku hal xisbi hadii ay doorashada ku guuleystaane qorshadooda ugu horeeya waa sidan.

A) In ay codka iskugu shubaan si meesha looga saaro xisbiga ay aad uga baqayaan ee Wadani Cali Khalif Galeyr waxey u wadaan iney ka dhigaan madaxweyne Kuxigeen hadii saacadaha ugu danbeeya la dareemo in aysan ku soo baxeyn xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo waxaa loogu shubayaa Feysal Cali Waraabe waxaana madaxweyne kuxigeen laga dhigayaa Cali Khalif Galeyr. hadiise xisbiga Kulmiye la arko inuu waxoogaa xarakaad sameyn karo waxaa loogu shubayaa Axmed Siilaanyo hadii uu doorashada ku soo baxo Axmed Siilaanyo waxaa Cali Khalif u furan inuu qof keensado looga dhigo wasiirka Arimaha dibada waayo Axmed Siilaanyo ma doonayo in uu Cali Khalif ka dhigto madaxweyne ku xigeen oo waxuu xilkaas la doonayaa qof ka soo jeeda Awdal amaba Seylac midkood.

B)Waxaa dhamaan Axmed Siilaanyo,Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif heshiiskii ay dhawaan galeen ka mid ah hadii ay doorashada ku soo baxayaan in dagaalkii laga qaado Somaliland lagu tago Tuulada Tuko Raq.nasiib wanaag inagu ma garaneyno Tuko Raq oo qodobadii ay ku heshiiyeen qodobka 5 aad waxuu leeyahay waa in meel loog asoo wada jeestaa cadowgeena,waxaanse qiyaaseynaa iney ula jeedaa xaduudii ay 1960 ka hor kala lahaayeen goboladii waqooyi iyo kuwii koofureed.sidaasi daraadeed markasta kooxdaan waa shar u joog, Duka Raq waxaa macquul ah iney tahay degaan aan sidaas uga fogeyn magaalada Garoowe, waayo Cali Khaliif waxuu doonayaa inuu maamulka Puntland kala daalo Shaankuulo. Qeexid kooban waxa aanu k awadno Shaankuulo waa nooc Haraantida ka mid ah oo caalamka laga joojiyey berisamaadkii ayaa la isticmaali jiray dadkii is ticmaali jiray badankood waxey noqdeen wax gaboobay iyo wax dhintay waxaa jiilkaas ka nool Axmed Siilaanyo iyo tiro yar oo dad ah oo howlgab noqdeen.

C) Waxey Xisbiyada Kulmiye iyo afhayeenkooda Feysal Cali Waraabe ku fashilmeen si weliba aad u weyn qorshe ay doonayeen iney shacabka Somaliland uga dhaadhicyaan in ay Xisbiga Wadani yahiin kuwo u adeega dowlada Federalka Somaliya iyo dowlado shisheeye ah oo ay ula jeedaan Ethiopia iyo Jabouti.

2-Xisbiga Kulmiye iyo afhayeenkooda Feysal Cali Waraabe Somaliland maanta oo aanu qoraalkaan qoreyno wey isku dhax yaaciyeen siyaasadii Somaliland oo dhan oo maalinba degaan hor leh ayey dhaleeceynayaan sida wadamada deriska la ah Somaliland iyo deegaamo ka fog oo dhulka Somalida ka mid ah.kooxdaan ayaa aaminsan in ay doorashada soo socta qarashka uga baxayo in laga keeni doono Imaaraadka Carabta oo uu hada ku sugan yahay Axmed Siilaanyo.

Hadaanse waxoogaa u soo laabanayo Xisbiga Wadani iyo Gudoomiye Ciro waxey noola muuqdaan xisbi siyaasadeed aad u diyaarsan oo aan wax cadaawad ah u qabin wadamada deriska la ah Degaamada ay maamusho maamulka Somaliland siiba Jabouti iyo Ethiopia,sidoo kale duulaan kuma ahan degaano ka baxsan Somaliland,waana xisbiga ay shacabka Somaliland markii aad si hoose ula sheekeysato xitaa ay rajo xoogan ka qabaan iney soo af jaraan amaba dib u bilaabaan wada hadaladii Somaliya iyo Somaliland oo hakad galay, waayo ayey shacabka Somaliland leeyahiin " Nooma muuqato in aanu noqon doono dal xor ah waayadan waxaase sida ay hada wax u socdaan ka qurux banaan laheyd iyadoo Somalida koofurta lala galo wada hadalo ayey ku leeyahiin marka ay qalbigooda doonayaan iney ka hadlaan shacabku.

Qodobada kale waxaan ku soo qaadan doonaa qoraaladena dane inagoona ku soo aadin doona waqti munaasib ah, waayo shacabka Somaliland qaarkood waxey leeyahiin Axmed Siilaanyo markaan kedib waa oday Soomaaliyeed waxaa la joogaa waqtigii uu tusbaxiisa inta qaato iska cibaadeysan lahaa, maadaama uu hada mararka qaarkood uusan socon karin usha Bakoorada loo yaqaano la'aanteed.

Dadka qaarkiis waxey leeyahiin waxaa macquul ah inuu Axmed Siilaanyo saacadaha ugu danbeeya xaalad caafimaad awadeed doorashada uga haro kedibna uu xisbiga Kulmiye shir deg deg ah iskugu yeero soona sharaxo wiil uu Soodog u yahay,walow aysan arintaas weli isa soo tarin ayna dad aad u yar kuu sheegayaan arimaha hoose ee xasaasigaa marka ay ka hadlayaan in aysan muuqan calaamado muujinaya in ay Xisbiga Kulmiye ku guuleysan doonaan doorashada inagu soo aadan waayo xitaa shaqsiyaad aad uga ag dhaw Madaxweyne Siilaanyo ayaa inoo xaqiijiyey in uu ogyahay Siilaanyo in aysan Somaliland heli doonin Ictiraaf caalami ah waayo buu yiri Qaarada Africa ayaa noqoneysa in ka badan 74 wadan hadii Somaliland aqoonsi la siiyo oo dalka Nayjeeriya ayaa ugu horeeya oo dhahaya hadii Somalida oo isku af iyo diin aheyd ay kala noqdeen labo wadan in ay iyaga oo hada u kala degan Koofur iyo waqooyi waa shacabka Naayjeeriyee amaba hadaan si kale u dhigno Muslin iyo Kiristian ay kala go'ayaan, sidaasi daraadeed ururka midowga Africa waxii ka danbeeyey wadamada Namibiya oo wadanka South Africa ka goday, Eriteriya oo Ethiopia ka goday iyo Koofurta Suudaan oo wadanka Suudaan ka goday oo ahda xaaladeeda la maareyn l ayahay kedib dal kale waayadan qaarada Africa kama go'i doono.

Marka Shacabka reer Somaliland waxey leeyahiin kuma sii jiri karno riyadii aanu ku jirnay 26 kii sano ee ina dhaaftay ugu yaraan xisbiga Wadani ayaa ula muuqda mid nabadeed oo ay siyaasadiisa miisaaman tahay. sida xaqiiqada ah hadii ay xisbiga Wadani doorashada soo socota ku guuleysan waayaan mustaqbalka shacabka Somaliland mugdi xoogan ayuu ku jiraa sida ay inagoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah waxgaradka degaanka. waxeyna leeyahiin hadii maalinkasta Feysal Cali Waraabe maalin uu aflagaadeeyo Somalida koofurta,maalinta ku xigta Somalida ku nool dowlad degaanka Ethiopia iyo xitaa dowlada federalka Ethiopia, maalinta xigtana Jabouti dekeddii Berberana 30 sano mashruuc ay dad yar ku manaafacaadaan laga dhigay yaa inaga deris noo noqon doona?waxaanu halis ugu jirnaa in aanu inagu is dilno dhaxdeena waayo bey yiraahdeen.... la soco qeybteena labaad dhawaan.


Mogdishu,Somaliya 2017:-Wasiirka Amniga Mudane Duale oo shir jaraa'id maanta kaka hadlay sargaal Shabaab ka tirsan oo howlgal qorsheysan lagu soo qabtay,ciidamada Xooga dalka Somaliya ay maalintii shaleyto aheyd dhaqaalo ay mushaarkood ka jareen u qeybiyeen shacab danyar ah taasi oo ay siweyn u soo dhaweyeen bulshada Somaliyeed.





WARARKA CAAWA.

Abu,Dhabi 2017:-Ma rabno in aanu ku dheeraano arimaha Siyaasada hayeeshee tan iyo markii ay soo shaac baxday qilaafka wadamada Qaliijka qaarkood iyo wadanka Qadar oo xuduudaha ay ka xirteen dhawr dowladood oo ay Imaaraadka Carabka ka mid tahay, hadane waxaan waxoogaa dib u eegid ku sameynay marka xitaa laga soo tago amaba aan meel iska dhigno qilaafka Carabta ee hada taagan faraqa u dhaxeeya Qaabkii hogaamineed ee Sheikh Zayed Alla ha u naxariistee iyo dadkii uu uga tagay dhaxalkiisa inagoo is barbar dhigeyna kaliya sida hogaanka maanta ka taliya Imaaraadka ula dhaqmo Somalida dal ahaan iyo dad ahaan iyo xiligii uu dalka Imaaraadka ka talinayey Sheikh Zayed Soomaalida ula dhaqmayey.

Qofkii Somali ah ee yiraahdo waxaan ka sheekeynayaa shaqsiyadii wanaagsaneyd ee Sheikh Zayed wey ku adkaaneysaa in uu maalin iyo habeen kaliya ku soo koobo taariikhdiisa hayeeshee waxaan isku dayi doonaa bal in aanu soo koobno sida uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed midnimadooda u jeclaa iyo sida uu dhibta uga ilaalin jiray shacabka Imaaraadka dowlado ay Somaldiu ugu horeysana u ixtirami jiray.

Sheikh Zayed Somali aad ayuu u jeclaa markaad la sheekeysato dadka waxgaradkaa ee yaqaana taariikhda Somaliya iyo Imaaraadka halka ay ka soo bilaabatay iyo marxaladahii kala duwanaa ee soo martay weliba kuwooda ka soo jeeda dalka Imaaraadka waxey kuu sheegayaan arimaha hoose.

1- Sheikh Zayed AUN intii uu talada wadankaas hayey ka hor burburkii Somaliya 1991 iyo kediba weligii kama shaqeyn burburka Umada Soomzaliyeed waxeyna weliba warar sugan oo aanu ku heleyno siyaabo kala duwan sheegayaan in mudadii uu talada wadanka Imaaraadka Carabta hayey Sheikh Zayed uu shacabka Imaaraadka iskugu yeeray oo uu weydiiyey dhaqaalo iney iska soo aruuriyaan kedibna waxey soo aruuriyeen dhaqaalo lagu qiyaasay ku dhawaad 800 ilaa 1 billion waxuuna kula dardaarmay in lacagtaas la siiyo Somaliya lana ilaaliyo midnimadooda maadaama uu yaqaanay Sheikh Zayed Soomaalidu waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan iyo sidii ay Somalidu u caawiyeen Imaaraadka Carabta intii aysan helin Shidaalka iyo barwaaqada ay maanta heystaan.

Weligiina intii uu noolaa dagaaladii ka hor iyo kediba Somali dal ahaan iyo dad ahaanba waxbo uma dhimin Sheikh Zayed Allaya Raxma. waxuu ahaa hogaamiye xafiday oo dhibaato oo dhan ka ilaaliyey Shacabkiisa,markii aad booqato magaalada Abu Dhabi oo caasimad u ah Imaaradka Carabta waxaa ku yaala Cimaarado amaba dhawr dabaq oo loogu magac daray qaar ka mid ah Dumar Imaaraadka Carabta kedib markii ay haween reer Imaaraad ah go'aan ku gaareen ineysan awoodin waxii ay ugu abaal gudi lahayeen Sheikh Zayed, kedibna waxey tageen xadka Imaaraadka waxeyna yiraahdeen waxaan guclo/orod ka bilaabeynaa halkaan ilaa aanu Shekh Zayed ugu tagno gurigiisa. wadanka Imaaraadka oo dhan ayey arintii gaartay maadama uu dalku kulul yahay waxkasta oo ay arintaaa ku joojin lahaayeena diideen waxuu Sheikh Zayed Amray in wadada ay dumarkaas orodka ka soo bilaabayaan ilaa ay isaga uga imaanayaan gawaarida gargaarka deg degaa iyo waxii jirkooda ka ilaalinayo iney haraad u dhintaan loo geeyo,sidii ayeyna dumarkii ugu tageen iyadoo biyo iyo cunto lala dabajoogay, kedibna markii uu arkey Sheikh Zayed garashada dumarka heerka ay joogto waxuu midkasta siiyey Daar dheer oo dhawr dabaq ah,weliba dhawr cimaaradood oo isku dhaw ayuu siiyey waxaana goobta dhismayaasha laga siiyey dumarkaas reer imaaraad lagu magacaabaa magacyo gooyni ah marki aad magaalada Abu Dhabi joogto amab aad booqato.

Dadku marka ay dhacdada dumarkaas ka sheekeynayaan siyaabo kala duwan ayey inoogu sheegeen hayeeshee waxey nuxurka rasmigaa noqotay sida uu dalkooda u xafiday dadkiisana u daryeelay. waayo waxaa hada ka hor dhacday in ay dhawr jeer wadanka Iiraan ay Imaaradka ka qabsatay Jaziirado waxaana dhawr jeer la yiri Sheikh Zayed dowlado waaweyn ayaaba saaxiib la tahay maad Iiraan iska celisid waxuuna ku jawaabay " Intii aan dowlado waaweyn u yeeran lahaa oo ay dusheyda intey ku dagaalamaan kedibna dumarkeyga la kufsan lahaa, waxaa la qaatay sidan hada ahay" yacni qiimaha ay ugu fadhiyeen dumarka reer Imaarad iyo garashadiisa heerka ay gaarsiisneyd dhinaca bini'aadminimada.

2- Dhacdada kale ee aad cajiibka u aheyd iyadoo uu safar wadankiisa ku joogo Amiirkii wadanka Qadar ayaa waxaa hogaankii wadanka Qadar la wareegay mid ka mid wiilashiisii kedibna Sheikh Zayed Amiirkii Qadar iyo caailadiisii oo mar danbe ugu yimaadeen Imaaraadka markii masuuliyadii dalka laga wareegay waxuu dejiyey magaalo aan sidaas uga fogeyn Abu Dhabi oo ay magaceeda inoogu sheegeen dadka reer Imaaraad in lagu magacaabo Musafax halkaasne la dejiyey Amiirkii Qadar wax weyn oo dhibaato ahne aysan ka dhicin labada shacab Imaaraadka iyo Qadar,halka maanta xuduuda Imaaraadka looga xiray shacabka Qadar......

Hadaba intaas waa waxii dhacay shaleyto markii uu noolaa Sheikh Zayed.bal aan dulmarno maanta oo ay taladii imaaraadka la wareegeen awlaadii uu dhalay Sheikh Zayed.

1- Dalka Soomaaliya oo dhibaato xoogan oo colaadeed soo maray marka wadamada Carabta mid mid loo kala qaado siyaasada ay dowlada imaraadka kula dhaqanto Soomaaliya iyo sida ay weliba sanadahii ugu danbeeyey ugu tumatay madaxbanaanida Soomaaliya wadan ugu tuntay oo dowlada imaaraadka oo kale ah ma jirto, dhibaataduna maahan Amiirka Imaaraadka Carabta ee maanta haya talada wadankaas ee waa Safiirka UAE ay u soo direen Somaliya. dabcan ma dhaleeceyneyno isaga Safiirka Somaliya u jooga UAE,waayo jiilkaan danbe ee Carabta sidii Sheikh Zayed uma garanayaan dadka iyo dalka Soomaaliya waxey kaliya arkeen uun xiliyadii colaadaha iyo dagaalada sokeeye oo wax xun maahane aan wax wanaagsan laga sheegeyn dalkeena hooyo ee Soomaaliya waa int aay Somali ka yaqaanaan iyo dhalinta Carbeed oo aan siyaasada waxbo ka garaneyn kaliyana doonaya iney waxkasta ku xaliyaan lacag.

Bal eeg sida Sharci darada ah ee ay dowlada Imaaraadka iyadoo aysan jirin xitaa cid u diidan ku dooneyso iney Soimalida u kala qeybiso iyadoo la macaamileyso maamulo ilaa heer gobol ah oo garab mareysa dowlada federalka . bal eeg sida ay dowlada Turkiga iyadoo soo mareysa Dowlada federalka oo ilaalineysa madaxbanaanida Somaliya dalka Somaliya mashaariicda uga fulineyso halka Imaaraadka maalinkasta safiirkooda ku mashquulsan yahay kala qeybinta Somalida halkii uu isagu kaalinta koowaad qaadan lahaa oo ilaalin lahaa dardaaranka (Sheikh Zayed Xaafidulaah) oo ahaa in midnimada Somaliya la ilaaliyo sida ay noo xaqiijiyeen dad xilkas ah oo reer imaaraad ah.

Safiirka Imaaraadka siyaasada Soomaaliya waxuu kala qabsaday kaliya dhinaca xun oo waxuu la macaamilaa siyaasiyiin fashilmay iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo nolol iyaga ku kooban oo kaliya raadinaya oo been u sheegaya maalin iyo habeen oo aanu dhamaantood magacyadooda bulshada u soo bandhigi karno. waxaanse Somali badankeed u xaqiijineynaa in ay dowlada imaaraadka ugu danbeyn dhaqaalo kasta oo ay dalka Soomaaliya from South to North iska geliso hadii aysan qaab sharci ah u soomarin oo aysan dowlada federalka kala xaajoon waxey noqon doonaan (null and void or onather word is illegal ) hadaan waxoogaa qeexno waa waxbo kama jiraan amaba waa arin sharci daro ah-Something that is illegal is against the law)

2- Qodobkaan labaad waxaan u dhiganeynaa ka hadalkiisa dib waayo waxaan kaka hadli doonaa heshiisyada been beentaa ee ay Imaaraadka doonayaan iney Axmed Siilaanyo oo hada ku sugan dalkeeda isagoo aan weliba aheyn dal ka madaxbanaan Somaliweyn halkii ay Dowlada Imaaraadka ixtiraami laheyd madaxbanaanida iyo wada jirka umada Soomaaliyeedna maalinba hogaamiyaasha gobolada dalka ugu yeereyso wadankeeda iyadoo kala saari la waxii ganacsi ah iyo qaranimo amaba madaxbanaani umadeed.

Soomaaliyey xitaa hadii aanu ku waayneyno qilaafka u dhaxeeya Wadamada Qaliijka qaarkood iyo dowlada Qadar one million poeple Somali ah amaba hadaan si kale u dhigno hal malyan oo qof oo Somali ah yaan marnaba lagu xad gudbin shacabka iyo dowlada Qadar,kaliya waxey xurguf kala dhaxeeysaa Sacuudiga iyo Imaaraadka inaga wax ay Somali ahaan naga haleeyeen ma jirto kaliya waxaa noo furan in aanu u duceyno inuu Allaah dhamaantood isku soo dumiyo oo heshiiyaan, halkii aanu midkoodna raaci laheyn iyadoo weliba aanu ognahay inuu Imaaraadka siyaaasad ahaan madaxbanaanideena ku tunto hadane Shacabka Qadar iyo kuwa Imaaraadka waxey naga mudan yahiin ixtiraam walaaltinimo waayo shacabka Imaaraadka waxbo nooma dhimaan ee siyaasada dowlada Imaaraadka kula dhaqanto dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid aad u qaldanamaba qariban waxaase imaan doonta maalin aanu inagoo Somali ah kala xisaabtami doono wadanka Imaaraadka waxa uu safiirkooda Somaliya u jooga sameynayo.

Waxaan qormadaan caawa ku soo qatimeynaa ( Allaya raxma Sheikh Zayed) hadii uu maanta nool yahay sidan sahlan lookuma deg degeen in ay masuuliyiin reer Imaaraad ah madaxbanaanida Somaliya ugu ciyaaraan iyo sidoo kale sidan sahlan looma kala xanibeen shacabka Qadar iyo kuwa Imaaraadka iyadoo weliba lagu jiro bil Ramadaan.la soco wararkeena danbe.


WARARKA MAANTA OO AXAD AH.

HANOOLAATO iyo wariye Ayaanle :-Culimada Soomaaliyeed oo siweyn ugu duceeyeen madaxda dowlada Federalka Somaliya iyo go'aanka ay ka qaateen xurqufta iyo isfahmi waaga ka jira wadamada Qaliijka .Daawo Wacan Sheikh Kishki oo madaxweynaha Somaliya Farmaajo ku tilmaamay shaqsi.......


Ankara,Turkey To Mogdishu,Somalia 2017:-Dowlada Turkiga ayaa maanta dowlada Soomaaliya ku wareejiyeen markab siday deeq raashin ah iyadoona ay deeqdaan u soo dhiibeen dadka Soomaaliyed shacabka Turkiga ooiska sooaruuriyey si ay walaalahooda Soomaaliyeed bisha karakeysan ee Ramadaanka.... Dowlada Turkiga ayaa sheegtay iney dhawaan ka bilaabeyso mashaariic waaweyn dalka Soomaaliya iyadoo waxkasta u soo mareysa amaba si dhaw ula shaqeyneysa dowlada federalka Somaliya.